Hidaha iyo dhaqanka

; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ;

Users Online

· Guests Online: 4

· Members Online: 0

· Total Members: 189,964
· Newest Member: evokafr

Welcome

Buuntada Bulo Burte oo qarka u saaran iney godo kedib markii biyaha wabiga ay dhinac kasta ka qodeen gudahane ka duqowday.

Wararka MaantaHiiraan:-Buuntada Bulo Burde oo aan mudo helin wax dayac dir ah ayaa hada u muuqata mid aan cago badan ku taagneyn.

Magaalada Bulo Burde oo ah magaalada labaad ee ugu weyn Hiiraan ayaa waxaa ku yaala buundada ugu isticmaalka badan buundooyinka dalka Somaliya iyadoo mudo ku dhaw 40 sano aysan helin wax dayac dir ah oo laga hirgaliyey. marka laga soo tago in aaqirkii 1987kii laga bedelay bir ka mid ah biraha buuntada kedib markii uu jabiyey mid ka mid ah baabuurtii xamuulka ee shirkadii Sanoco ee gaaska ka baari jiray gobolada waqooyi halkaasi oo uu buuntada dib u dhisay Eng u dhashay dalka Taliyaniga oo lagu magacaabi jiray Astaania iyo quburo Soamli aheyd.

Xiliga buuntada laga bedelay birtaasi waxaa wadanka ka jiray dowlad rasmi ah oo codkeeda aduunyada laga dhageysan jiray dalkana dhamaantiis gacanta ku hayey, hayeeshee waxiika danbeeyey bur burkii dalka ka dhacay iyo xiliyadii ay wadanka ka jireen dowladahii kumeel gaarka ahaa ee maamulkooda ka jiray meelo cayiman oodalka ka mid ah amaba soo dhaafi jirin caasimada Somaliya waxaa adkeyd in wax laga qabto dayacdirka Buundooyinka iyo jidadka dalka muhiimka u ah.

Magaalada Bulo Burde oo ah magaaalo ku taala meel istiraatiijik ah iskuna xirta inta badan isku socodka dalka ayaa qarka u saaran iney godo, sidoo kale waxaa buuntada u dheer duqnimada biyaha wabiga oo hoosta ka qoday ayna adag tahay ieny dhawrka sano ee inagu soo aadan sii taagnaato.


Isha warka Hiiraan State
webmaster@hiranstate.com
admin@hiranstate.net

Comments

#1 | sahra k. on September 17 2011 15:26:29
waxaan halkaan ka salaamayaa mamulka Hiiraan State.com sidda wanaagsan oo ay noogu soo gudbiyaan wararka hiiraan iyo waliba sawirada quruxda badan waa ku mahadsan tihiin shaqada qiimaha badan oo aad bulshadeena u haysaan.waxaan ku faraxsanahay in aan arko wabbigii aan ku dabaalan jiray iyo buundadii bula burto oo aan ku lugeeyn jiray waagaan yaraay iyo geellii oo suuq xoolaha laga soo wado.Illaahoow dhulkeenna nabad nooga dhig waan wadda noqon laheeyne amiin.

Post Comment

Please Login to Post a Comment.

Ratings

Rating is available to Members only.

Please login or register to vote.

No Ratings have been Posted.
Render time: 0.30 seconds
14,613,489 unique visits