Hidaha iyo dhaqanka

; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ;

Users Online

· Guests Online: 6

· Members Online: 0

· Total Members: 189,964
· Newest Member: evokafr

Welcome

Shacabka ku nool gobolada Somalida oo ay ugu horeeyaan gobolada dhexe oo macaluul u dhimanaya iyo magalada Mogdisho oo guryahay Vilooyinka ah lagu geydsado cuntadii uu aduunyada soo diray umada Som

Wararka MaantaMogdisho:-Shacabkii ka ku nool gobolada Somalida oo ay ugu horeeyaan gobolada dhexe oo macaluul u dhimanaya iyo magalda Mogdisho oo guryahay Villooyinka ah lagu geydsado cuntadii aduunyadu u soo dirtay umada Somaliyeed,halka ay qabiilada Somaliyeed qaarkood bilaabeen iney shaqaalaha gar gaarka ee wadanka cuntada keenayo ku dhiiradaan iney geeyaan goobo ka baxsan meelaha ay TFG joogto sida lagu sameeyey shaqaalahiii Turkiga u dhashay oo la beeniyey warbixino aan inta badan sal iyo raad toona laheyn oo ay TFGda maalinkasta ka qorto shacabka gobolada si ay Mogdisho ugu qeybsadaan cawimaada dadka dhiban loogu talo galay.

Waxaa iyaduna arin laga naxo ah in guryaha magalda Mogdisho rag masuuliyiin ah cuntadii ku keydsadaan iyadoo dadkii abaar iyo cunto la,aan u dhamaanayaan gobolada dalka qaarkood iyagoo warbixin been ah intooda badan u gudbiya aduunyada oo leh meel dadkaasi loo marsiiyo ma jirto iy wax la mid ah.

Inta badan shacabka ku nool gobolada dhexe waxaa haya abaar aad u daran mana muuqato qorshe cad oo ay kuwa gargaarka gacanta ku dhiga ay dadka ku gaarsiin karaan marka laga reebo ineyba hada guryo ku keydiyaan maadama ay iska dhaadhiciyeen dhawr bilood ayaa idiin harsane waxii aad sii abuuran kartaan abuurta.

Hadaba xaafadaha sida weyn loogu keydiyo cuntada ayaa lagu soo waramayaa iney ka mid yahiin Boondheere, wardhiigley iyo guryo aad ugu dhaw amab ku hareereysan Suuqa Bakaaro.

ISha warka Hiiraan State
webmaster@hiranstate.com
admin@hiranstate.net

Comments

No Comments have been Posted.

Post Comment

Please Login to Post a Comment.

Ratings

Rating is available to Members only.

Please login or register to vote.

No Ratings have been Posted.
Render time: 0.15 seconds
14,633,381 unique visits