Hidaha iyo dhaqanka

; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ;

Users Online

· Guests Online: 5

· Members Online: 0

· Total Members: 189,964
· Newest Member: evokafr

Welcome

Dhismahii Xarunta Cusub ee Agoontay Ugaas Khalif oo la bogay iyo xafladii magaalda Belet weyne lagu qabtay .

Wararka Maanta (HS:-Magaalada Belet Weyn waxaa ka dhacay xaflad si heer sare ah loo soo agaasimay oo ay soo qaban qaabiyeen gudiga dhismaha agoonta iyo Ugaas C/raxmaan Ugaas Khalif.



Dhismaha oo qaatay mudo sidii loo dhameyn lahaa ayaa ugu danbeyn ilaah ka sokow waxaa suuro galiyey oo rajada hal mar kor u soo qaaday kedib markii Ugaas Cabdiraxmaan Ugaas Khalif uu codsi u diray jaaliyada qurbaha ayaa waxaa si layaab leh oo waliba deg deg ah uga jawabay dumarka reer Hiiraan gaar ahaan kuwa uu ka dhashay Ugaaska oo hal mar dhawr wadan ka diray dhaqaalo isku mid ah iyagoo dhawr habeen ku xariirayey qadka telefobkeena ee loo yaqaano teleconference.



Dumarkaan oo uu ilaah waafajiyey iney kaalin muuqata ka qaatan dhismahan quruxda badan hadane caruurta loo dhisay mudo wey xasuusan doonaan waayo ruuxa marka uu dhiban yahay waxuusan iloobeyn dadka sida qaaska ah u caawiya marka dumarkaasi si kasta oo ay ahaataba waxey ahaayeen kuwii xarunta soo gaarsiiyey inba lagu dhiiran karo dhameystirkeeda.



Ugaas Cabdiraxmaan Ugaas Khalif oo xaflad weyn ku qabtay magaalada Nairobi mar uu la hadlayey jaaliyada dalkaasi Kenya ayuu u mahadceliyey dhamaan intii ka qeyb qaatatay dhismaha xarunta cusub isagoo si gaar ah ugu mahadceliyey dumarkii reer Hiiraan oo codsigiisa deg degta ugu soo jawaabay.



Ma ahan markii ugu horeysay ee mashruuc noocaani oo kale ah laga hirgaliyo magaalada Belet weyne waxeyna xaruntaan noqoneysaa midii 3aad waayo waxaa horey loogu guuleystay dhismahii Jaamacada Hiiraan (HU) sidoo kale waxaa iyaduna xusid mudan in lagu guuleystay dhismaha masjidka dhexe ee magaalada Belet weyn oo labo dabaq ah ayna halkii mar ku dugan karaan 2500 ruux.



Hadaba waxaa isweydiin leh inta aan ka warqabno waxaa in badan lagu guuldareystay mashaariic oo aysan sidan oo kale u suuroobin in lagu guuleysto laakinse kuwani waxaa suuro galiyey in lagu guuleysto waxey ahaayeen qorshe cad oo leh gudiyo meel loogu soo hagaago leh hadane waxaa ugu muhiimsan markasta dadka wax bixinaya 3daas mashruucba wey la socdeen meesha ay wax marayaan dhinaca dhaqaalaha ilaa laga dhameeyo taasi ayaana keentay in maanta la ogyahay dhaqaalahii ku baxay Jaamacada Hiiraan, Masjidka dhexe iyo waliba xaruntan agoonta.



Xaqiiqadii umad marka uu dooneyno inuu Ilaah u gar gaaro isla umada dhaxdeeda ayuu uga adeejiyaa si ay iskugu gar gaaraan marka Ugaas Cabdiraxmaan mustaqbalka caruurtaan taariikh ayuu ku reebi doonaa amaba waqti dheer waa la xasuusan doonaa marka la eego sida uu uga wal walay nolosha caruurtaan aan waalidka laheyn.

Ma ahan markii ugu horeysay ee uu Ugaas ka soo jeeda Beesha Xawaadle uu shacabkiisa u istaago sidaan oo kale ayaa mar ay jabtay buuntada Nuur Fanax oo ay dad badan ku dhinteen baabuur badana ku rogmadeen ayuu Ala ha unaxariistee Ugaas Khalif meel qorax ah oo buuntada u muuqata hada ka hor fadhiistay isagoo yiri ilaa buuntadan laga dhiso meel aan u socdo ma leh kedibna waxii dhacay ilaah baa ogaa arintiina waxey noqotay in ficilkii ugu horeyey uu noqdo bal horta in Ugaaska daash yar oo uu qoroxda ka galo loo dhiso kedibna dhaqaalahii ku baxay oo iskugu jiray raashin, xoolo iyo waliba xoog ka yimid dadka degaanka oo ka jawaabayey go,aanka uu Ugaasku qaatay ayaa ku guuleystay dhismahii Buuntada Nuur Fanax oo ilaa maanta dhisan.



Hadaba caruurtaan Ugaaskii sidaa ahaa ayaa xaruntooda loogu magac daray Ugaas cabdiraxmaane waxey u muuqataa inuu ku guuleysan doono sidii uu meel u saari lahaa qalabkii ay u baahnaayeen caruurta shakina kuma jiro dumarkii suuro galiyey dhismahaan inuu heerkaan soo gaaro ineysan waxbo la noqon doonin sariiraha iyo buugaagta ay caruurta wax ku bartaan walina wey joogaan oo dhimasho laguma maqal.



Gobi ma jabtee wey liicdaa bey Soamlidu ku maah maahdaa dadaal aysan hormuud u aheyn dumarka Soamliyeed waligiiba laguma guuleysan waa wax taariikhda Soamliya ku jirta mark adumarkii howsha meeshaan gaarsiiyey waxba lama ahan iney taariikhda iyo wanaagooda meelkasta lag ashegayo ay dhameystiraan waase hadii codsi labaad oo Ugaaskaa yimaado.

Hadaba marka laga soo tago gudiga xarunta agoonta amaba Ugaas Cabdiraxmaan waxaan dhihi karnaa xaruntaasi la aantiis ma dhamaateen Shiikh Hasan Cismaan Xuuriye oo caruurtaan noqoloosha sanadkasta habeenba geed u soo seexanayey isagoo si gooyni ah ay wal wal ugu heysay sadaqana masaajidyada iyodadka qeyrka jecel uga raadin jiray.



Sidoo kale waxa xusid mudan maamulka gacanta ku haya webka agoonta.net oo iyaguna dadaalkooda uu gaaray heer aysan somalida horey u aqoon oo dhinaca warbaahinta ka saaciday agoonta. guud ahaan dhismahaan si kasta oo ay ahataba intii caruurtaan aad aragtaan u gar gaaray shaki kuma jiro in ilaah meel ka qeyr badan ka siin doono waayoagoonta wax ka wanaagsan oo la gar gaaro ayaanba jirin.

waxaa ku baxay dhaqaalo gaaraya $55784.5 dhaqaalahaas iyo wadamada laga kala diray kala soco webka www.agoonta.net

Ka bogo sawirada xarunta cusub ee Ugaas Khalif guul iyo gobanimo reer Hiiraan ayey tiri hooyo Somaliyeed oo aad ula dhacday sida ay shacabka Hiiraan iskugu tashanayaan maalinba maalinta ka danbeysa iyadoo sii hadleysa ayey tiri reer Hiiraan waligoodba Ugaasyadooda iyowabaradooda wey ciseyn jireen marka ay codsiyo lagama maarmaan ah u dirsadaan Somalidana waxey ugu baaqday sidaan ookale iney waxgaradkooda ciseeyaan oo ay isku tashadaan.

ISha warka Hiiraan State
webmaster@hiranstate.com
admin@hiranstate.net

Comments

No Comments have been Posted.

Post Comment

Please Login to Post a Comment.

Ratings

Rating is available to Members only.

Please login or register to vote.

No Ratings have been Posted.
Render time: 0.28 seconds
14,633,245 unique visits