Hidaha iyo dhaqanka

; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ;

Users Online

· Guests Online: 3

· Members Online: 0

· Total Members: 189,964
· Newest Member: evokafr

Welcome

Shirkii Jaraa'id ee madaxweynaha Hiiraan State oo si weyn loo soo dhaweeyey

Wararka MaantaJimco 31,December 2010 (HSOL)Madaxweynaha Hiiraan State oo si weyn looga soo dhaweeyey gudaha iyo dibada kedib shirkiisii jaraaid ee shaleyto.

Madaxweynaha Hiiraan State oo qudbad dheer ka jeediyey shir jaraa'id oo uu maalintii shaleyto aheyd ku qabtay magaalada Mogdisho ayey jaaliyadaha reer Hiiraan ee dibada iyo kuwa gudaha ka bixiyeen aragtiyo intooda badan isku mid ah. dhamaanba shacabka Hiiraan ayaa ku tilmaamay masuuliyad daro iyo qeyrul masuulnimo iyo waliba diin la'aan waxa ay shacabka Somaliyeed iyo kuwa Hiiraan kula dhaqmayaan ururka Shabaab. kedib markii uu madaxweynaha iyo shacabka Hiiraan ee ku nool gudaha dhamaantood wada xaqiijiyeen in Shabaab is hortaageen baabuur biyo u waday shacab ku dhibaateysnaa meel aan sidaasi uga fogeyn magaalada Bulo Burte arintaan ayaa xitaa waxaa xaqiijiyey qaar ka mid ah dhaliyarada reer Hiiraan ee ku fikirka ah Shabaab.

Arinta ugu muhiimsan ayaa aheyd in dadku shirkii shaleyto madaxweynaha Hiiraan ku qabtay Mogdishu ka hor aysanba maqal meel ay Shabaab ku hor istaageen biyo loo waday shacabka Abaaruhu ku dhufteen. taasi oo had xiisada sii fogeysay soona dadajineyso in shacabku xitaa kuwii iyaga ku fikirka ahaa ay arintaan si weyn uga xumaadaan kediba ay macluumaadka iyo sirta Shabaab si sahlan u soo gudbiyaan. Shabaab oo aad u dhibsatay qudbadii madaxweynaha Hiiraan State ee shaleyto oo qaar ka mid ah jaraa'idyada Somalida iyo kuwa caalamka lagu soo daabacay kedib markii dadka qaarkood ay u arkeen dad aan arxan iyo Islaanimo ka muuqan marka aad aragto sida ay dad ay Abaaro ku dhufteen in la gargaaro u diideen.

Waxaa maanta laga dareemayaa magaalada Belet weyne iyagoo dhinacba mar u cararayo si ay ceebtaas iyo fadeexadaas u daboolaan iyagoo hada wada abaabulka shir jaraa'id oo ay ku qabtaan meel ka mid ah Hiiraan amaba dalka intiisa kale oo ay arintaas ku beeninayaan.

Sida muuqata ururkii Taalibaan ee ka jiray dalkaasi Afganistaan ka hor intii aysan bur burin ayaa sidaan shacabka u dhibi jiray kedibna markey jabeen guryaha ayey shacabku ku dili jireen hadana waxaa Shabaab dalka Somaliya ku heysta waa arintaas xumaan kasta oo ay sameeyaanba waxey og yahiin mar hadii ay jabaan ineysan shacabku dhaafi doonin marka in shacab Abaaro u dhimanayo biyo loo wado laga hor istaago waxey cadeyn u tahay sida ay u fashilmeen ururkani amaba ay diinta Islaamka ugu beensheegaan.

Waxkasta oo naxariis ah waxey ku jirtaa diinteena muqadaska ah sidaasi daraadeed Shabaab waa koox aduunyada oo kaliya sidey ugu noolaan lahaayeen ku dadaalay laakinse aaqiro aan dan iyo heele ka laheyn, markaad aragto shacabka meelaha ay ka taliyaan ku nool sida ay ula dhaqmayaan.koox kasta oo shacabka Somaliyeed dulmiya waxey ku danbeysaa fashil iyo bur bur ayuu yiri mid ka mid ah waxgaradka reer Hiiraan isagoo ula jeeday ururka Shabaab iyo jidka qaldan ee ay ku socoto


Isha Warka Hiran State
webmaster@hiranstate.com
admin@hiranstate.net




Comments

No Comments have been Posted.

Post Comment

Please Login to Post a Comment.

Ratings

Rating is available to Members only.

Please login or register to vote.

No Ratings have been Posted.
Render time: 0.15 seconds
14,612,805 unique visits