Hidaha iyo dhaqanka

; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ;

Users Online

· Guests Online: 3

· Members Online: 0

· Total Members: 189,964
· Newest Member: evokafr

Welcome

Wasiirka warfaafinta Hiiraan State Ambassador A.A. Hoshow oo ku tilmaamay Hiiraan oo Jowhar la midowda iney ka dhigan tahay Calaacal timo ka soo baxeen.

Wararka MaantaHS:-Wasiirka warfaafinta Hiiraan State Ambassador A.A. Hoshow oo ku tilmaamay Hiiraan oo Jowhar la midowda iney ka dhigan tahay Calaacal timo ka soo baxeen mar uu ka hadlayey warar maalmahan leysla dhax marayey oo sheegaya in Shiikh Shariif iyo shaqsiyaad sida uu hadalka u dhigay midabka oo kaliya reer Hiiraan ka ah ay ku riyoonayaan.

Wasiirka oo hadalkiisa sii wata ayaa yiri Shariifka ha ogaado Hiiraan oo jowhar la hoos keeyo iney ka sahlan tahay TFGda oo bur burta. sidoo kale mar uu la hadlayey shacabka Hiiraan meelkasta oo ay dunida ka joogaan ayuu kula dar daarmay in ay waajib tahay in loo gurmado bulshada Hiiraan oo aad u dhiban isagoo sheegay in xukumada HS ay wado dadaalo ay arimahaasi wax kaka qabaneyso intii karaankeed ah marka walaalayaal maadama aanu nahay maamul dhinac kasta lagala dagaalayo oo midkii xitaa dalka Calankiisa ku magacaawnaa (sh Shariif) aad dadnimadiisa iyo heerka ay siyaasadiisa la egtahay aad aragtaan waxaan idiinka codsaneynaa inaad isku tashadaan hadaad tahiin reer Hiiraan.

Ma idiin dhaheyno la shaqeeya Hiiraan State laakinse waxaan idiinkula dar daarmeynaa inaad ka fikirtaan mustaqbalka caruurtiina iyo dhulweynahii Hiiraan ee aad magaca iyo maamuuska ku laheydeen. ogaada in maamulka HS waxkasta oo maslaxada bulshada Hiiraan uu diyaar u yahay inta fikirka guud ee bulshada Hiiraan laga mideynayo waa in masuuliyad leyska saaro sidii loo gargaari lahaa dadka ay abaartu la degtay ee Hiiraan ku nool, dagaalka ay TFGda kula jiro Hiiraan State ma ahan mid ay shaqsiyan inta maamulka hogaamineyso neceb yahiin ee waa dadka aanu wacyi galineyno oo aanu leenahay isku tashada waxkasta Hiiraan ayey ku idil yahiin qeyrkiin ha daba fadhiisanaha ee idinka noqda kuwa wax hogaamiya ayaa naloola dagaalayaa oo maalinkasta mashruuc cusub aad u maqleysaan.

Xaqiiqadii hadii madaxweynanimo ay sharaf laheyd waxaa ku ciyaaray kuwa maanta TFGda hogaaminayo waayo waxey garan waayeen shacabkii gobolada dalka ku noolaa wuu dhamanayaa ee xitaa qaab qabiil ugu qeybiya raashinka ileen marka ay shacabka macaluul heyso wado kasta ayaa loo maraaye, taasi bedelkeeda raashinkii Mogdisho ma soo dhaafo shacbakiina gobolo ay Hiiraan ku jirto ayey ku dhamaanayan waxana raashinka lagu keenay magaca Somaliyeed oo ay reer Hiiraan qeyb ka yahiin.

Ogaada wax aysan reer Hiiraan qabsan inuusan Shariif iyo wax la mid ah u qabaneyn Hiiraan marka idiinkaa dad iska dhigi kara dulinimona u horseedi kara caruurtiina. sidoo kale xiligii inta shacabka Hiiraan la dhibaateeyo shaqsiyaadkii dhibtaasi ka masuulka ahaa leysku dhiidhiibi jiray waa laga baxay hada kedib.

Ugu danbeyn ayuu kula taliyey shaqsiyaadka TFG iyaduba sii dhaceysa una heysta iney wadanka ka talin doonto waligeed ee reer Hiiraanka ah kuwaasi oo iskugu jira qaar TFGda ku jira iyo kuwo kale ee la qalday iney ka waantoobaan howlaha ay faraha kula jiraan hadii kale diiwaanka ayey arintaan u gali doontaa iyadoo waliba la ogyahay ineysan waxa lagu madadaalinaa aysan xiligaan macquul aheyn kana suuroobi karin dad iyagiiba gaajo u dhamaanayo oo halkii loo gurman lahaa dagaal lagula jiro ee horta dadkii macaluul ayey u dhimanayaane haloo gurmado.

Isha warka Hiiraan State
webmaster@hiranstate.com
admin@hiranstate.net

Comments

No Comments have been Posted.

Post Comment

Please Login to Post a Comment.

Ratings

Rating is available to Members only.

Please login or register to vote.

No Ratings have been Posted.
Render time: 0.17 seconds
14,612,339 unique visits