Hidaha iyo dhaqanka

; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ;

Users Online

· Guests Online: 7

· Members Online: 0

· Total Members: 189,964
· Newest Member: evokafr

Welcome

Wararkii ugu danbeeyey xaalada siyaasada dalka Somaliya, Shabaab.

Wararka MaantaDalka Somaliya oo mudo 21 sano ah ku jiray dowlado aan ilko laheyn oo loogu yeeri jiray TFG amaba kumeel gaar waxuu hada marayaa waqtigiisii ugu danbeeyey kedib markii sida la xaqiijiyey ay ka harsan tahay dhawr bilood arintaasi.

Dowladahii TFGda ahaa intooda badan masuuliyiintii soo martay waxaa hada heysta cadaadis iyadoo lagu hayo daba gal dhinac kasta ah qaarkoodna dhibaatooyin muuqda ayey dalka iyo dadka Somaliyeed u geysteen. iyagoo mudadii ay joogeen dowladahaasi ay dhibaato u geesteen Bada iyo bariga.

Dhibaatada ay bada Somaliya u geesteen dowladahaasi waxey ka kooban tahay 2 nooc qaar waxey dhaqaalo ku qaateen in dowlado shisheeye ah Bada Somaliya Sun ku shubaan taasi oo sanooyinkii ugu danbeyey ay wadanka ka dilaceen cuduro. qodobka kale waa iney doonayaan sidii bada Somaliya dhulweyn oo baxad leh looga jari lahaa xeebta Somaliya arintaasi oo hada ay ku mashquulsan yahiin qaar ka tirsan masuuliyiinta TFGda hada jirta maadama ay dareensan yahiin inuu waqtigooda dhamaanayo.

War bixin kale oo iyaduna taasi ka duwan ayaa waxey sheegeysaa in baaritaan xoogan ku socdo inta badan masuuliyiinta TFGda siiba hogaanka sare oo iyagu lagu eedeynayo iney lunsadeen dhaqaalo badan oo loogu talo galay shacabka Somaliyeed oo hadii wax loogu qaban lahaa dhibtaada maanta tagan ka yaraan laheyd heerka ay joogto.

Qaaabka baaritaanka masuuliyiintaas u socdo waa noocee.

Masuuliyiintaasi ma ahan oo kaliya kuwa hada ku magacaaban hoganka jira ee waxuu baaritaanka quseeyaa waa intii xilal kala duwan ka soo qabatay dowladahii wadanka ka jiray xiligii kumeel gaarka laga soo bilaabo TFGdii uu hogaaminayey Cali Mahdi ilaa mida maanta joogta.

Xaalada ururka Shabab ee ka dagalama Somaliya.

Sida laga soo xigtay masuuliyiin Shabaab ka tirsan waxey siweyn ugu riiqmeen dagalada ka jira Gedo iyo jubooyinka siiba dagaladii ugu danbeyey waxuuna hada u muuqdaa xalada ururka mid faraha ka baxay oo ciidankiisu jahwareersan yahay waliba waxaa ururka Shabaab hada haya dhaqaalo xumi aad u daran oo dhinackasta leh iyo iyagoon is aaminsaneyn oo midkasta raadinayo meeshi uu ku nabad gali lahaa marka ay si fiican ugu jabaan amaba laga saaro gobolada koofurta Somaliya.

Dagalada Shabaab ku heysta Gedo waa mid iyaga iyo shacabka u dhaxeeya inkastooy kaabayaan ciidamo huwan magaca TFgda hadane dadka deganka ayaa kaalin muuqata ku leh sidii ay iskaka xoreyn lahayeen kooxdaan aabahood Osaama geeriyooday ee naf la caariga ah.

Guud ahan xaalka dalka Somaliya rajadiisa waxuu maraya markii ugu wanaagsaneyd maadama dalka laga saarayo amaba ay ka dhalaneyso dowlad rasmi ah oo aduunyada la saxiixan karta heshiisyo kala duwan halka mida hada jirta meelkasta oo ay tagaan la leeyahay raali ahada kumeel gar ayaad tahiin heshiis idiin lama geli karno.

Isha warka Hiiraan State
webmaster@hiransatte.com
admin@hiranstate.net

Comments

No Comments have been Posted.

Post Comment

Please Login to Post a Comment.

Ratings

Rating is available to Members only.

Please login or register to vote.

No Ratings have been Posted.
Render time: 0.28 seconds
14,599,836 unique visits