Hidaha iyo dhaqanka

; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ;

Users Online

· Guests Online: 5

· Members Online: 0

· Total Members: 189,964
· Newest Member: evokafr

Welcome

Wasiirka Qorsheynta oo ka tanaasulay hamigiisii ahaa in Hiiraan iyo jowhar leysku daro kedib markii uu shir la yeeshey aqoonyahano reer Hiiraan ah.

Wararka MaantaSomalia:-Wasiirka Qorsheynta Cbadullaahi Godax Bare oo ka tanaasulay hamigiisii ahaa in Hiiraan iyo jowhar leysku daro kedib markii uu shir socday mudo 4 saacadood ah la yeeshey aqoonyahano reer Hiiraan ah.

Kulan si weyn looga soo shaqeeyey oo uu wasiirka qorsheynta TFGda kula yeeshey dhinaca isgaarsiinta kaasi oo ay ka soo qeyb galeen qeybaha kala duwan ee bulshada reer Hiiraan sida aqoonyahano, culimaa udiin, dhalinyaro, haween iyo waxgarad ayaa ugu danbeyn ka tanaasulay hamigiisii uu ugu ololeynayey in Hiiraan lagu daro qeyb ka tirsan Sh/dhexe kedib markii uu garwaaqsaday fikradahii ay kulankaasi ka soo jeediyeen shirkaasi oo ahaa dhinaca isgaarsiinta.

Shirka oo lagu furay aayado qur'aan ah ayaa ugu horeyn waxaa war bixin laga dhageystay wasiirka isagoo faah faahin ka bixiyey xaalada Somaliya oo dadku intooda badan la socdaan. sidoo kale waxuu sheegay in lagu jiro xili kala guurka ah loona baahan yahay in Hiiraan lagu daro meel kale maadama aysan kaligeed noqon karin maamul goboleed.

Markii uu dhameeyey warbixintiisii uuna xitaa ka hadlay arimaha Raodmap-ka iyo shirkii Kampala ayaa waxaa hadalka qaatay qaar ka mid ah aqoonyahanadii goobta ku jirtay kuwii ugu waaya aragsanaa waxaana wasiirka loogu sharaxay habeenkaas wax badan oo aaqirkii uu la dhacay waxaana marka hore loo kala dhig dhigay qodob qodob warbixintiisii iyadoo jawaabkasta oo la siinayey uu aad ugu qancay.

Waxaa wasiirka loo sheegay in isaga iyo TFGda uu ka tirsan yahay iney kala saaraan labo qodob federal ayaan ahey hadane gurigaada waan kugu maamulayaa meelna islama gashee waa in ama magaca federalka meel iska dhigto TFGda oo ay dhahaan waxaanu nahay dowladii Kacaanka oo kale ee wadanka xooga ku heysatay oo mudadii ay jirtay aan laga daba hadli karin awoodna u laheyd iney gobolada dalka faragaliso.

Kedibna waxaa dib ugu soo laabtay wasiirka oo sheegay inuusan ku talo jirin in gurigeena naloogu maamulo laakinse dastuurka qabyada ah lala jaanqaado Hiiraane meel la raaciyo. markii uu wasiirka ka baxay ayaa waxaa soo galay aqoonyahan kale oo wasiirka u sheegay in aduunyada ay ka jirto labo nooc oo wax lagu soo doorto oo loogu yeero dimoqoraadiyad. 1- In shacabku doortaan oo cod laga qaado marka degaan uu doonayo inuu ku darsoomo amaba ka go'o degaan kale.2- In siyaasiyiinta dowlada dhexe ugu jira ay shacabku doortaan kedibna ay waxey u soo qaadaan ay dib ula soo laabtaan shacabka howshii ay siyaasiyiinta keeneena sidaasi ku dhaqan gasho oo lagu aqbalo.

Hayeeshee labadiiba wasiirka kuma imaan oo ma jirto isaga cid dooratay oo jagadan oo uu sheeganayo isagaa u xariiftamay sidaasi daraadeed kuma dhiiran karo arimaha noocaani oo kale ah maadama aysan jirin cid dooratay oo u dirsatay TFGda.

Sdioo kale lagama soo dooran degaanada uu ka soo jeedo sida Hiiraan iyaduna ansax ma noqoneyso in uu shacabka jajuubo isaga iyo inta fikirkaan la qabta. Mr Godax oo u muuqaal ekaa shaqsi fikrado qaldan oo koox dantooda u carareysa hor boodayey markii arintii dhinackasta laga tusiyey wuu garawsaday waliba maamulka HS.COM codkiisii oo dhameystiran wey u duuban tahay hadii uu ku dhirado arintaasi si aanu shacabka ugu soo bandhigno mustaqbalka hadii uu kala hadlo oo shacabka qurbahane wax kale u sheego kuwa Somaliya joogane wax kale.

Intaasi kedib ayaa waxaa isaguna wasiirka u soo bandhigay qodobo dastuurka u ka hadlayey wasiirka ku jiray oo dhamaantood la bur buriyey oo hadii dib loogu laabto uusanba jirin dowlad iyo baarlamaan maadama Dastuurkii 2000kii lagu dhoodhoobay dalka Jabouti iyo kii Kenya ee lagu dhoodhoobay 1994kii labaduba ay ku jirtay in aan mudada loo kordhin karin baarlamaanka amaba aan tirada wax laga bedeli karin inta uu waqtigoodo ka dhamanayo oo 5 sano aheyd hadane waxey sii marayaan 7 sano tiradiina waxaa lagu daray 275 mudane oo hor leh marka Shiikh Shariif iyo baarlamaanka hada jira maba ahan ansax sida wasiirka loo sheegay iyadoo qodob qodob loo soo hordhigay.

Ugu danbeyn waxaa goobta laga soo jeediyey in aan shacabka la jahwareerin qofkasta oo reer Hiiraan ahne waxii uusan aqoon u laheyn weydiiyo qofkii ku dhaama sida dastuurka iyo wax la mid ah.shirkiina waxuu ku dhamaaday guul iyo in mustaqbalka reer Hiiraan aysan koox dano guran watata ku dhiiran karin lana ilaaliyo mustaqbalka caruurta iyo sharafta reer Hiiraan iyadoona ugu daneyntii leysku raacay amaba dadkii ka soo qeyb galay shirka soo jeediyeen in aan marnaba Hiiraan lagu darin gobol amaba magaalo kale oo ay iyadu noqon karto 2 ilaa 3 gobol go,aanka noocaani oo kalena ay gaari karaan guud ahaan reer Hiiraan oo wada jira amaba u codeyn kara waxii ay rabaan amaba aysan rabin.

Mr Godax oo xiligii qaraxa ka dhacay Modisho 4tii Octobar maalintaas kulan kula lahaa xildhibaanada reer Hiiraan si uu uga dhaadhiciyo arintaan kedibna uga siibto iyaga iyo Shiikh Shariif ayaa lagu wadaa inuu dhawaantan safar ku yimaado dalka Kenya kedibna waxgaradka reer Hiiraan ee ku sugan Kenya iyo shaqsiyaad howshaan kula jiray u sheego inuu ka tanaasulay fikirkiisii maadaama sumcadiisa siweyn hoos ugu dhacday ilaa shaki la galiyo dhalashadiisa tan iyo markii uu yiri waxan ahey wasiir Mudulood xili uu kula kulmay waxgarad reer Hiiran ah dalka Kenya.

Hadaba waxaanu sugnaaba waa mowqifka ay qaataan qaar ka mid ah shaqalaha shirkada Xawaalada Amaana oo arintaan siweyn ilaa maanta ugu ololeeynayo inkasta oon la garaneyn faa'dada ugu jirta Hiiraan iyo Jowhar oo leysku daro.

Isha warka Hiiraan State
webmaster@hiranstate.com
admin@hiranstate.net

Comments

No Comments have been Posted.

Post Comment

Please Login to Post a Comment.

Ratings

Rating is available to Members only.

Please login or register to vote.

No Ratings have been Posted.
Render time: 0.15 seconds
14,600,447 unique visits