Hidaha iyo dhaqanka

; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ;

Users Online

· Guests Online: 4

· Members Online: 0

· Total Members: 189,964
· Newest Member: evokafr

Welcome

Wasiirka qorsheynta iyo ganacsato u ololeyneysay in Hiran jowhar lagu daro oo qilaaf xoogan soo kala dhaxgalay isagoo u baqoolay dalka Ethiopia

Wararka MaantaHS:-Wasiirka qorsheynta iyo ganacsato u ololeyneysay in Hiiraan Jowhar lagu daro oo qilaaf xoogan soo kala dhaxgalay isagoo u baqoolay dalka Ethiopia kedib markii uu lumiyey shacbiyad badan.

Warar xaqiiqada u dhaw ayaa sheegaya in ay siweyn iskugu dhaceen shaqiyaad ganacsato ah oo ka mid ahaa shirkada Xawaalada Amaana oo iyagu kala shaqeynayey Shiikh Shariif fikirkii ahaa in Hiiraan la hoos keeyo Jowhar ayaa waxaa soo kala dhaxgalay qilaaf siweyn looga dareemayo labada dhinac sida ay inoo xaqiijiyeen shaqsiyaad ka ak dhaw wasiirka iyo ganacsatada.

Warku waxuu intaasi ku darayaa ninka ugu hantida badan shirkada Xawaalada Amaana kana mid ah aas aasayaashii shirkada oo arintaan aad ugu ololeynayey saaxiibna la ah Shiikh Shariif oo magaciisa lagu sheegay C/kariin Sabriye Maalin iyo wasiirka qorsheynta Cabdullaahi Godax Bare oo ka tirsan TFGda ayaa siweyn iskugu qilaafay qorshahii in Hiiraan Jowhar lagu daro ahaa.

Qilaafkaan ayaa yimid kedib markii wasiirka Qorsheynta xiriir iyo la tashi arintaan kala sameeyey wax garad iyo Xildhibaano ku sugan Hiiraan laguna yiri hadaad siyaasada reerka iyo mida reer Hiiraan inaad ku sii jirto rabto howshaan faraha kala bax iyadoo waxgaradka iyo xildhibaanadii uu la xariirey u sheegeen in Shiikh Shariif siyaasadahiisa ay aad u garanayaan dhibaatada uu dalka ku hayane aysan ku ekeyn reer Hiiran mid taasi la mid ahne ku hayo shacabka ku nool gobolada koofurta Somaliya isagoo qolokasta u isticmaalayo xildhibaano iyo ganacsato ka soo jeeda deegaanadasi iyagoo tusaale u soo qaatay inta qalad ee uu Shariifka ka galay shacabka gobolada dhexe oo ay reer Hiiraan ku jiran.

Shariif waxuu dagaal kula jiraa umada Somaliyeed si aan nabad waarta loo helin waxkasta oo ay shacabku dhistaane wuu ka soo horjeedaa iyagoo tusaale u soo qaatay in Shacabka Mudug iyo Galgaduud ay doonayeen iney sameystaan maamul goboleed ay ku mideysan yahiin si aysan taasi u dhicin waxuu abuuray maamul loogu magac daray Ximin iyo Xeeb oo ka howl gala oo kaliya magaalada Cadaado si aysan iyaga iyo dadka degan koofurta Mudug iskugu xirmin.

Markii ay reer Hiiraan sameysteen maamul goboleed bilaaw fiican u ahaa shacabka Hiiran una baahnaa toos toosin oo kaliya waxuu ka daba dhisay amaba Hiiran u soo diray wiil dhalinyaro ah kuna dhawaaqay maamul aanba xitaa wadan magaca Hiiraan.

Waxuu Shiikh shariif sidoo kale dagaal ku hayaa beelaha Digil iyo Mirifle iyo Dirta koofureed isagoo ku riyoonaya inuu maamul uu madax ka yahy shaqsi beeshiisa ah u sameeyo Sh/hoose iyo gobolka Banaadir oo leysku daray isagoo isticmaalaya xildhibaano bulshada degaanadaasi ku haya jahwareer.intaasi oo dhan oo si dadban iyo toos ah ay shacabka Hiiraan ula socdaan wasiirka qorsheynta oo ah shaqsi aqoonyahan ah wuu garwaaqsaday in aysan howl sahlan aheyn Hiiraan oo ka mid ah 8dii gobol ee ugu horeysay ineysan hoos tagi karin Jowhar oo hal magaalo ah waxuuna ka tanasulay arintii kedib markii uu arkey heerka ay dadku arintaasi ka joogaan dal iyo dibad siiba beesha u ka soo jeedo.

Tanaasulidii uu wasiirka qorsheynta Cabdullaahi Godax ka tanasulay arintaasi waxey aad uga careysiisay Shariifka iyo ganacsade C/kariin Sabriye Maalin.


Bal aanu dulmar yar ku sameyno ganacsade C/kariin Sabriye Maalin.


Waa muwaadin Somaliyeed kana soo jeeda Hiiran qabiilkiisu waa Xawaadle waxuuna ka sii yahay Ali Madaxweyne. waa shaqsigii xiligii maxkamadaha Shiikh Shariif u ahaa gacan yaraha amaba wakiilka Nairobi, xiligaasi oo uu Shiikh Shariif ugu furay Account shirkada uu hantida ku leeyahay ee Amaana. wax yaabaha lagu xasuusto waxaa ka mid ah xili waxgarad reer Hiiraan ah iyo madaxweynaha Hiiraan State ay doonayeen iney dalka Kenya kula kulmaan Shariifka oo waliba kulankaasi codsaday inuu hor istaagay sidii ay waxgaradkii u fadhiyeen halkaasi isagoona dhawr maalmood kedib ku faanayey inuu isaga ka danbeeyey arintaas is hortaaga ee ay waxgaradka kula kulmayeen Shariifka.

Waxyabaha aan cidina lagala gaban ee uu ku faano waxaa ka mid ah tan iyo markii uu hogaanka dalka qabtay Shiikh Shariif ilaa maanta marka laga reebo wasiirka waxbarashada ee dowladii Famaajo inuu isagu ahaa shaqsiga beesha Xawaadle u soo xulayey wasiiradii ugu danbeyey marka lagu daro wasiirka qorsheynta oo ay doonayeen ujeedadii ay ugu ololeeyeen inuu xilkaan qabto iney aheyd si Jowhar Hiiraan loo hoos keeyo.

Xaalka Somaliya sida ay dadka badankiis u heystaan mahan oo dhibaatada qabiilkasta amaba gobolkasta heysato ma ahan oo kaliya wiilka qoreyga wata laakisne waa ganacsatadii oo ku milmay siyasada guud ee dalka Somaliya min gobol ilaa qabiil.

Safarkan wasiirka Qorsheynta ku aaday Ethiopia ayaa labo waji leh.

Intiiuusan ka amba bixin dalka Kenya malintii shaleyto aheyd waxaa jaliyada reer Hiiraan loo shegay inuu dib ugu laabtay wasiirka Mogdisho laakiisne hada wararka soo baxaya waxey sheegayaan inuu Ethiopia u baqoolay

1- In uu soo celiyo kalsoonidii beesha u ka soo jeedo oo aad u yaraatay kedib markii uu shir ay goob joog ka ahaayeen waxgarad ka hor yiri waxaan wasiir u ahey Mudulood oo dhan.

2-Maadama uu gudoiomiye u yahay qorshaha loogu magac daray Road Map-ka uuna arkey in aysan reer Hiiraan ku jirin waxuu hada isku mashquulinayaa sidii uu u soo celin lahaa amaba ku kasban lahaa Xildhibaanda iyo saraakiisha kudaha maadama ay aad ugu dhaliileen arimaha uu horboodayo ee hadane reer Hiiraan ka maqan yahiin ee ah shirka wadatashiga, iyagoo taasi bedelkeeda ku booriyey inuu Hiiraan wax ka xoreyo maadama aysan dhax dhaxaadin uga baahneyn maamulada Galmudug iyo Puntland amaba Ahalusuna oo ah kuwii ka qeyb galay shirkii wadatashiga Mogdisho hadana isku diyaarinayo midka Garoowe.

Wasiirka qorsheynta ayaa maalintii uu xilkaan qabtay ilaa maanta waayey wax jawaab ah oo uu reer Hiiran u sheego marba hadii uu maamulka Galmudug oo xaafad ah u yaqaano maamul goboleed iskana indha tirayo Hiiraan oo ka mid aheyd 8dii gobol waliba loo arko shaqsi lunsan oo madax looga dhigay howl ay dadkiisa ka maqan yahiin.

Wasiir kasta oo reer Hiiraan ah marka uu Shariifka ogaado inuusan taagero beeshiisa amaba degaankiisa ah heysan waxii uu doono ayuu ka sameyaa iyadoo la xasuusto mucaaradkii ay reer Hiiraan kala horyimideen Xukumadii Farmaajo hadane wasiirka waxuu ka warqabaa qorshe hada ka socda magalada Harar ee dalka Ethiopia oo leyskugu keeyey horjoogayasha ciidamda gobolada Dhexe madama ay TFGdu dooneyso iney ciidamo African ah amaba Amisom Ah ka howlkalaan gobolada dhexe Shabaabna sidaasi looga saaro isagu waxuu doonayaa inta aan mudadaasi la gaarin inuu soo ceshado kalsoonidii shacabka Hiiraan iyo beesha uu ka soo jeedo.

Wasiirka qorhseynta waxaa ka go,an inuu ka soo qeyb galo shirweyne kasta oo looga hadlayo danta iyo arimaha reer Hiiran maadama uusan TFG wax ka noqon karin qof aan taageero shacabkiisa ka heysan isagoo dareensan inuu jiro qalad weyn oo arimaha Road Map-ka iyo talada Somaliyaba ay ka maqan yahiin bulshada Hiiraan.

La soco wararkeena danbe iyo qilaafka soo kala dhaxgalay ganacsatadii wakiilka u ahaa Shiikh Shariif iyo wasiirka qorsheynta iyo sida ay ugu fashilmeen arintaasi maadma ay hada iyagii saaxiibada ahaa is xag xaganayaan waxaa kale oon soo wadnaa shaqsi oday ah oo dalka Kenya looga yaqaano Ger Cilaan oo howshaan aabe u ah waligiina ilaa SNA ilaa maanta ka shaqeynayo howlaha lagu lugooyo bulshada Hiiraan kaalin muuqatana ku leh xoogaga Islaamiyiinta ah ee Hiiraan gacanta ku haya.

Isha warka Hiiraan State
webmaster@hiranstate.com
admin@hiranstate.net

Comments

No Comments have been Posted.

Post Comment

Please Login to Post a Comment.

Ratings

Rating is available to Members only.

Please login or register to vote.

No Ratings have been Posted.
Render time: 0.21 seconds
14,637,810 unique visits