Hidaha iyo dhaqanka

; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ;

Users Online

· Guests Online: 4

· Members Online: 0

· Total Members: 189,964
· Newest Member: evokafr

Welcome

Shabaab oo qarka u saaran in ay iskaka baxaan J/hoose kedib cadaadis kaka yimid dhinac kasta.

Wararka MaantaHS:-Shabaab oo qarka u saaran in ay iskaka baxaan J/hoose kedib cadaadis dhinackasta oo sababay iney lumiyaan magaalooyin badan oo ku yaala Jubooyinka.

Arintan ayaa timid kedib markii ay dagaalo is xig xiga dhawrkii bilood ee ugu danbeeyey ku heleen gobolada Jubada Hoose iyo Gedo oo ay ku sugan yahiin ciidamo kala duwan oo kala taageersan TFGda iyo ciidamo degaanka ah halka jubada hoose ay ka dagalamayan ciidamo sida la shegay hoos taga maamulka Azaniya iyo Raaskaambooni.

Kooxda Shabaab ayaa hada mareysa xiliyadii adkaa ee ay ku jireen maxkamadahii Islaamiga ee bur buray oo iyagu dagaal ay la kaleen TfGdii uu hogaaminayey madaxweyne Cabdullaahi Yusuf looga itaal roonaaday kedibna u kala jabay dhawr garab oo aaqirkii iskugu tagay magaca Shabaab.

Qatarta soo food saartay ururka Shabaab ayaa la sheegayaa iney ka timid ciidankii u dagaalami jiray oo u badnaa dhalinyaro iney diideen dagaaladan aan ujeedada laheyn ee maalinkasta Shabaab ka wado qeybo ka tirsan koofurta Somaliya.

Dadka saadaaliya siyaasada Somaliya ayaa arintan kumacneeyey xaalad dhaqaalo daro oo ururka soo wajahday tan iyo waxii ka danbeeyey kacdoonkii ka dhacay wadamada Carabta siiba dalka Libiya oo ay qaar dhaqaalahaas ka mid ah ka heli jireen maadama uu wadankaasi hogaamin jiray hogaamiye wadamo badan oo African ah jabhadahooda maalgelin jiray.

Isha warka Hiiraan State
webmaster@hiranstate.com
admin@hiranstate.net

Comments

No Comments have been Posted.

Post Comment

Please Login to Post a Comment.

Ratings

Rating is available to Members only.

Please login or register to vote.

No Ratings have been Posted.
Render time: 0.96 seconds
14,667,274 unique visits