Hidaha iyo dhaqanka

; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ;

Users Online

· Guests Online: 4

· Members Online: 2
rosaliebm69, heleneyx1

· Total Members: 189,964
· Newest Member: evokafr

Welcome

Ganacsatada waaweyn ee reer Hiiraan oo aan ku milmin siyaasada halka kuwii hantida ku yeeshey dagaalada sokeeyey dhibaato ku hayan bulshada

Wararka MaantaGanacsatada waaweyn ee reer Hiiraan oo aan ku milmin siyaasada Somalia halka kuwii hantida ku yeeshey dagaalada sokeeyey dhibaato ku hayan bulshada Hiiraan.

Marka xaalada Somaliya iyo guud ahaan Hiiraan la eego waxaa faraqweyn weyn u dhaxeeya hab dhaqanka ganacsatada waaweyn ee asal ahaan ka soo jeeda Hiiraan iyo kuwa cusub. inkasta oo aanu halkaan ku soo koobi karin guud ahaan magacyada ganacsatadaasi hadane waxaanu ka xusi karnaa Cabdullaahi Nuur Guled Garguurte oo ah ganacsade siweyn looga yaqaano dalka Somaliya iyo Haaji Daa'uud oo ah isagane shaqsi aan hantidiisa u isticmaalin siyaasad amaba ku dhibin bulshada Somaliyeed oo ay reer Hiiraan ku jiraan.sideedaba marka shaqsi ganacsade ah uusan wax u dhimeyn bulshadiisa oo xitaa marka ay la kulmaan dhibaato isagu intii uu ku siyaadin lahaa dhibtaas afkiisa ka qabsada waa guul iyo fikir caafimaad qaba.

Marka la eego waayadan danbe waxaa reer Hiiraan u soo baxay ganacsato intooda badan hanti ku yeehsay fowdada dheer ee ka dhacday dalka Somaliya kuwaasi oo ka qeyb qaatay kacdoon kasta oo dalka ka curtay iyagoo si fiican ugu milmay siyaasadahan jaantaa roganta ah ee ka curtay dalka 21 sano ka hor.Laakinse waxaa jiro ganacsato la mid ah Haaji Daa'uud iyo Garguurte oo iyagu aan marnaba bulshada Hiiraan dhib u geysan kuwaasi oon ka xusi karno nin magaciisa lagu sheegay Husen Jaamici iyo ganacsato badan oo iyaguna ka fogaaday siyaasata iyo hagar daamada lagu hayo reer Hiiraan.

Hadaba maxey tahay ujeedada ka danbeysa ee shaqsi ganacsade ah hantidiisa ugu dhibaateynayo shacabka iyo degaanka uu ka soo jeedo iyadoo leysku qaldayo diinta, ganacsiga iyo siyaasada Somaliya ee ku dhisan qabiil qabiilka. maxey tahay shirkadaha qaarkood iyo ganacsatada faa'idada ugu jirta iney waxkasta oo Hiiraan la doonayo in loo sameeyo iney bur buriyaan. maxey tahay faa'idada ka soo galeysa in garab lagu siiyo dulmiga argagixisada iyo in ay Shabaab Hiiraan heysto waqtiga intaas la eg?

Shacabka Hiiraan ma waxa cadow ku ah ciidamda uu hogaaminayo General Galaal ee gudaha Hiiraan ku sugan iyagoo sheganaya Ahalusuna. Mise waxaa cadow ku ah ciidamada uu hogaaminayo Col. Hasan Daahir Aweys ee ku sugan inta u dhaxeysa jalalaqsi iyo tuulada Fiidow isagoo sheeganay magaca Shabaab.



Mise waxaa cadow ku ah kuwa waxkasta oo ay reer Hiiraan dhistaan si ay u noqdaan umad jirta ka soo horjeeda ee ganacsatada cusub ah amaba shirkadaha xawaaladaha sameystay ee is mahadiyey ee iyagu ku milmay siyaasada Hiiran iyo tan Somaliya.

Bal hadii shacabkaan meelkasta oo ay wax u soo mari lahaayeen amaba jidadkii ay ka xireen qabiilo dano fog ka leh Hiiraan, dhinacii hawadana laga mabnuucay in ay magaalada Belet weyne diyaarad ka soo tagto lagana xiray halkii Isbitaal ee u shaqeynayey kuna yiilay Belet weyne sow ganacsadahii amaba shirkadii aan dadkaan caawin karin iney ka daayso culyska iyo qaska maahan oo ugu yaraan sida Garguurte, Haaji Daa'uud,Cosoble iyo Faarax Ugaas uga aamuseen dhibta shacabka mey kuwane uga aamusaan intii ay xaalada sii murjin lahaayeen dhibaato Hiiraan umado kale ayaa uga filane?.

Su'aashaas jawaabteeda shacabka Hiiraan ayaa laga rabaa iney mustaqbalka meel saaraan marka laga baxo xiliga xun ee hada lagu jiro.


Isha warka Hiiraan State
webmaster@hiranstate.com
admin@hiranstate.net

Comments

No Comments have been Posted.

Post Comment

Please Login to Post a Comment.

Ratings

Rating is available to Members only.

Please login or register to vote.

No Ratings have been Posted.
Render time: 0.94 seconds
14,667,388 unique visits