Hidaha iyo dhaqanka

; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ;

Users Online

· Guests Online: 1

· Members Online: 0

· Total Members: 189,964
· Newest Member: evokafr

Welcome

Gobolada jubooyinka oo laga hirgalinayo nidaam uu hogaaminayo maamulka Azania iyadoio ay arintaas ogolaadeen Ahmed madoobe iyo inta badan ciidamda Hasan Turki

Wararka MaantaHS:-Gobolada jubooyinka oo laga hirgalinayo nidaam uu hogaaminayo maamulka Azania iyadoo ay arintaas ogolaadeen Ahmed madoobe iyo inta badan ciidamda Hasan Turki si looga hortago marka Shabaab laga saaro iney deganadaasi ka dhacaan fowdo.

Marka dhinac kasta laga eego dhaqdhaqaaqyadii ugu danbeyey ee ay dowlada Kenya ku soo gashay dalka Somaliya waa mid ay ka danbeeyeen ururka Shabaab kuwooda ku sugan xadka Somaliya iyo Kenya kadib markii ay gudaha u galeen wadankaas soona afduubteen shaqaalo gar gaar u fidinayey shacabkii Somaliyeed ee ay Shabaab dalkooda ka ceyriyeen una diideen iney nolol ku helaan dalkooda.

Dagaalka oo maalintii 1aad wajiyo badan lahaa hada waxuu leeyahay hal waji waxaana dowlada Kenya ka go,an iney dhamaanba gobolada Jubooyinka u gacan galiso maamulka Azania oo sida laga soo xigtay shacabka degaanadaasi ah midka kaliya ee doonaya inuu deegaanadaasi ku sameeyo isbedel iyadoo gunta hoose laga soo bilaabayo rabitaanka shacabka degaanadaasi.

Ciidamada Raaskaambooni, inta badan ciidamada Shabaab ee ka amar qaata Hasan Turki ayaa lagu qanciyey iney la shaqeeyaan maamulka Azania waxii ay qalad u arkaane dib leyska wareysto hadana la wada xoreeyo jubooyinka. marka sida wax u jiraan shacabka Somaliyeed loo soo bandhigo jubooyinka kama jiraan wax ciidan dowladeed la yiraahdo magac ahaan ayaa aduunyada loo maqashiinayaa maahane ciidamada intooda badan waxey ku socdaan qorshe waxeyna hoos tagayaan marka jubooyinka la qabto maamulka Azania si looga hortago iney degaanadasi mar kale ku soo laabtan maamulkii ay hogaaminayeen hogamiya kooxeedyada Doxada Juba sida Seeraar iyo Bare Hiraale oo dhawr jeer horey uga fashilmay iney hantan deganadaasi oo ay shacabku ka reysteen Isbaaradii meelkasta tiilay xiligaasi.

Dowlada Kenya diid ama ha diidiin ilaa gobolka Jubada dhexe ayey ciidamadoodu socon doonaan iney degaanadaasi ka baxaane waxey qaadan doontaa mudo maadama wadanka Somaliya u muuqdo wadan an la kala laheyn hada waxuu ku dhamaan doonaa dal dhawr State leh midkasta ka amar qaado wadamo kala ujeedo ah ugu daneyna dowlad dhexe ku midoobi doona. hadaad aragto dal calan leh oo leyska galayo waxaa la ogyahay ineysan ka jirin dowlad rasmi ah inta nidaamkan TFGda lagu jiro ciidamo badan oo Somaliya Bad iyo Bari ka duqeynaa waa la arki doonaa ayuu yiri mid ka mid ah ciidamadii xooga dalka oo hada gaboobay kuna suga sugan qurbaha.

Aduunyada kama dhicin ciidamo ka socda dowlad kale oo iyadoon barlamaanka laga ansixin dal la leeyahay wa xor soo galaya. taasi waxey ku tusineysaa inuusan wadanku laheyn wax dowlad ah amaba baarlamaan meteli kara codka shacabka oo isku kalsoon. waa laga yaabaa in shaqsiyaad ka tirsan mudanayaasha baarlamanka hada jira ay meelaha ka qeyliyaan laakinse taasi micnahedu maahan in dowlada Kenya amaba dowladaha dalka soo galaya ay dhageysanayaan taasi horey ayey u suuroobi weysay in dalkaas dadkiisa loo turo oo la nabad galiyo wadamada deriskaa ee Somaliya xadka la leh. waxaa kale oo taasi ka sii daran ma jirto masuuliyiin meel wax iskula wado midkasta dantiisa iyo mida beeshiisa ayuu u joogaa Mogdisho oo wey kala socdaan qilaafkooduna ma dhamaado.

Ugu danbeyn masuuliyinta maanta ka tirsan TFGda marka laga soo bilaabo hogaanka sare, baarlamaanka. golaha wasiirada dhamantood daadka ayaa qaadayo waxana ka bad baadi doono oo siyaasada ku sii jiri toono tiro yar oo wadanka doorasho waa iney ka dhacdaa ku adkeysan doonto inta kale koox koox ayey siyaasada Somaliya ugu baxi doonaan.

Markaad dib u eegto xukumadii Farmaajo waxey u badnayeen daneystayaal waxa laga kari waayey war dalka doorasho iney ka dhacdo fududeeya xiligaasi uma muuqan ugu danbeyna meeshii ay mareen waa la wada ogaa hada mida taagana waa tiiyoo kale C/wali Gaas, Puntland, Mahiga, labada Shariif midkoodna siyaasada kuma sii jirayo sidey isku qilaafayaan ayuu waqtiga iyadoona wanaag loo heyn ka wada dhamaan doonaa waayo ma jiro mid iyaga ka mid ah oo doonaya in dalka laga saaro xiliga kumeel gaarka ah si mesha looga saaro ciidamdaan markasta dalka iska soo galaya ee og ineysan Somaliya ka jirin dowlad rasmi ah oo aduunyada la gali karta heshiisyo caalami ah soona celin karta nabadgalyada guud ee dalka.

Dhinacaas iyo gobolada Dhexe waxey u badan tahay Shabaabka deganadaasi jooga intooda badan iney qaataan nabad iyagoo ka faa'ideysanaya qaladaadkii ay horey u soo mareen taasi oo meesha ka saari doonta inuu dhiig badan ku taato degaanadaasi hadii uu dagaal ka dhaco waxuu noqon doonaa mid beeleed una dhaxeeya beelaha Habargedir iyo Xawaadle , waliba dagaalkaasi waqti yar ayuu qaadan doonaa dadka ku nool gobolada dhexana nabad leysku haleyn karo markaasi ayaa ugu horeysa, marka dagaalkaasi qarxo waxuu meesha ka saarayaa magacyo badan oo hada la isticmaalayo oo sanooyinkii ugu danbeeyey qeybo badan oo shacabka Somaliyeed ah lagu barakicin jiray.

Guud ahaan marka aad dhinackasta ka eegto siyaasadaha isbed bedelka badan ee markasta ka curta Somaliya waxuu dalkaasi u muuqdaa wadan ugu danbeynta ay ka curan doonto ilaa 5 amab 6 State oo awood badan kuna mideysan dowlad rasmi ah oo aan awood badneyn.

Isha warka Hiiraan State
webmaster@hiranstate.com
admin@hiranstate.net


Comments

No Comments have been Posted.

Post Comment

Please Login to Post a Comment.

Ratings

Rating is available to Members only.

Please login or register to vote.

No Ratings have been Posted.
Render time: 0.61 seconds
14,600,034 unique visits