Hidaha iyo dhaqanka

; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ;

Users Online

· Guests Online: 4

· Members Online: 0

· Total Members: 189,964
· Newest Member: evokafr

Welcome

Meydadka ciidamda Shabaab oo daadsan jubooyinka iyo Dayniile

Wararka MaantaHS:-Meydadka ciidamda Shabaab oo daadsan jubooyinka iyo Dayniile kedib jab xoogan iyo guul daro ka soo gaartay dagaaladii ugu danbeyey ee ka dhacay jubada Hoose iyo qeybo ka tirsan magaalda Mogdisho.

Dagaalo is xig xiga oo dhawrkii bilood ee ugu danbeyey dhinacyo badan looga qaadayey kooxda mayalka adag ee Shabaab ayaa ugu danbeyn kala kulmeen guul daro is xig xiga taasi oo gaarsiisay iney meydkooda qaadan waayaan oo ay wadooyinka daadsan yahiin.

Guul daradan is xig xigta oo ururka soo food saartay ayaa lagu macneeyey iney ka timid dhibaatadii faraha badneyd ee ay shacabka ku hayeen dhawrkii sano ee ina dhaaftay. inkasta oo aan si rasmiah loo saadaalin karin halka ay ku danbeyn doonaan hogaamiyaasha ururka hadane qaar iyaga ka mid ah waxey ku sugan yahiin xaafada Hurwaa oo ay ku qarinayaan qaar wasiirada TFGda ka mid ah hogaamiyaashaasi oo durbaba magacooda la sheegayo iyo tiradooda arintaan oo ay siweyn ugu lug leetahay wasaarada arimah gudaha oo ciidamo beeleed ku aruuriyeen maamlmahii ina dhaaftay xaafada Hurwaa oo ay hada si toos ah gacanta ugu hayaan ciidamo ka soo jeeda hal qabiil, kuwaasi oo sida la shegayo u sahlayo iney xaafadaan ku dhuuntaan hogaamiyaashani oo ay ku jiraan qaar madax sare oo ka tirsan kooxda Shabaab.

Warar aan la hubin waxey shegayan in ay hogaamiyaashaasi ku jiraan ajaanib.

La soc wararkeena danbe.

ISha warka Hiiraan State
webmaster@hiranstate.com
admin@hiranstate.net

Comments

No Comments have been Posted.

Post Comment

Please Login to Post a Comment.

Ratings

Rating is available to Members only.

Please login or register to vote.

No Ratings have been Posted.
Render time: 0.17 seconds
14,580,972 unique visits