Hidaha iyo dhaqanka

; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ;

Users Online

· Guests Online: 3

· Members Online: 3
bernardts3, heleneyx1, loraqo60

· Total Members: 189,964
· Newest Member: evokafr

Welcome

Masuul u hadlay dowlada Kenya oo xaqiijiyey in aysan TFGda dooneyn in dalka laga saaro Shabaab

Wararka MaantaGuddoomiye ku-xigeenka koowaad ee Baarlamaanka dalka Kenya Faarax Macalin Dawaari ayaa si kulul u weeraray siyaasadda TFGda iyo hab dhaqanka madaxda Soomaaliya ee hogaamiya dowladda KMG oo uu ku eedeeyay inaysan dooneyn in Soomaaliya ay ka dhalato nabad waarta dalkana laga saaro Shabaab.

Faarax Macalin ayaa sheegay in qaabka ay u dhaqmayaan raga hogaaminaya TFGda aan lagu tilmaami karin siyaasad ee ay tahay dhaqan wata boorsooyin waa weyn, ayna doonayaan oo keliya lacag inay dhacaan, wuxuuna intaasi ku daray inaysan diyaar u aheyn inay istaagaan dagaalada ka dhacaya dalka Somaliya mudada fog, gaar ahaan dagaalka lagula jiro Al-shabaab.

Isagoo sii hadlaya waxuu yiri Farax Macalin

“Madaxda dowlada KMG Somaliya ma doonayaan inuu istaago amaba laga adkaado Al-shabaab, waxay doonayaan hogaanka sare ee TFGda inuu dagaalka sii socda un, si ay uga macaashaan dhiiga askarta iyo shacabka Somaliyeed ee har iyo habeen daadanaya”


Sidoo kale Guddoomiye Faarax Macalin waxa u sheegay in madaxda TFGda ay dibadaha iska wareegaan iyaga oo wata boorsooyin waa weyn, wuxuuna intaasi ku daray in hadii ay sii socoto waxa ay ku dhaqmayaan ay meesha ka bixi doonaan dhamanba hayadaha dowlada maadama inta hada hogaaamineysa ay ku mashquulsan yahiin hanti abuurasho.

Dhinaca kale Faarax Macalin waxa uu ka hadlay soo gelitaanka ciidamada Kenya ee gudaha dalka Soomaaliya soo galay waxuuna sheegay in Kenya ay xaq u leedahay inay iska difaacdo kooxaha weerarka ku soo qaadaya dalkooda ee afduubka iyo dhaca ka geysanaya gudaha dalka Kenya, wuxuuna si weyn u difaacay soo gelitaankooda ee gudaha dalka Soomaaliya.

Ma ahan markii ugu horeysay ee hogaanka TFGda la sheego iney meesha u joogaan oo kaliya sidii ay dhaqaalo ku abuuran lahaayeen,laaakinse wadamada deriska ah waxeysan ogeyn in marka shaqsi ka mid noqdo TFGda amba xil ka qabto la yiraaahdo adeerow meeshaan dowlad ma jirto ninkasta qandaraas ayuu soo dhacsadaaye dhinacaada ka raac.

Hadalka ka soo yeeray gudoomiye kuxigeenka baarlamaanka Kenya Farax Macalin ma ahan mid ku cusub dhegaha dadka daneeya arimaha Somaliya amba bulshada Somaliyeed waayo dadku wey ogyahiin in Shariif Shiikh Ahmed ka tirsan yahay kooxda Al-Shabaab oo marka dagaal dhaco uu isagu joojiyo dagaalka sugayane inta mar kale laga dilayo 100 qofood oo Somali ah amaba la qarxinayo si uu dhaqaalo uga helo dowladaha daneeya arimaha Somaliya isagoo leh waxaanu dooneynaa in aanu dhaawaca dibada u qaadno.

Somaliya marka dhinac kasta laga eego kama jirto wax la yiraahdo dowlad amaba maamul leh hanaan dowladeed waxa ka jiro kooxo mooryaan ah oo huwan magacyo TFG iyo ururo diimeedyo wadamada deriska la ah Somaliyana sida ayey u qeylin doonaan inta Shariifka meesha joogo amaba wadanka laga hirgalin doono dowlad rasmi ah oo aan kumeel gaar aheyn.

Dhawaantan ayey aheyd xili xaafada Dayniile dagal lagla jiray Shabaab hadane xaafada Hurwaa ay ku dhuumaaleysanayen hogaamiyaasha ugu sareya Shabaab iyo Ajaanibtooda iyadoo ay arintaasi kaalinweyn ku lahwyd wasarada arimaha Gudaha , hogaamiyashan oo ku sugan ilaa maanta xaafada Huriwaa.

Si aan loo ogaan in hogaamiyaal Shabaab ah lagu qarinayo xaafadaasi waxaa shacabka lagu mashquuliyey waxaa hubkiisa wareejiyey Indha Cade, imisa jeer ayaanu maqalnay Indhacade ayaa hub warejiyey amaba hubkiisa ay dowlada kala waregtay oo lacag lagusiiyey? marka qof lagu sameeyo hub ka dhigis waa in hubkaas gacantiisa ka baxo oo la xareeyo laakinse hubkii iyo wiilkii ridayey ayaan la waregnay wax badan shacabku wey maqli doonaan Indhacade oo hadane koox hebel hub ku warejiyey.

Waxa Mogdisho iyo koofurta Somaliya ka socda dadku ma wada fahmi karaan xitaa dowlada Kenya wey iska dhaleceyneysaa ragani TFGda hor boodaye maahane maalinkasta ayey wadankooda la galaan malaayin dolar iyagoo ka soo degeya garoomadooda diyaaradaha marka ay Mogdisho ka yimadaan mey baaraan oo ay dadka u soo bandhigaan hantida ay ragani wataan si aduunyada loo tusiyo ineysan Somaliya ka jirin dowlad dadka dhiban ka naxeysa?

Isha warka Hiiraan State
webmaster@hiranstate.com
admin@hiranstate.net

Comments

No Comments have been Posted.

Post Comment

Please Login to Post a Comment.

Ratings

Rating is available to Members only.

Please login or register to vote.

No Ratings have been Posted.
Render time: 0.20 seconds
14,613,003 unique visits