Hidaha iyo dhaqanka

; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ;

Users Online

· Guests Online: 3

· Members Online: 0

· Total Members: 189,964
· Newest Member: evokafr

Welcome

Gobolada jubooyinka oo mudo 21 sano kedib qarka u saaran iney la wareegaan maamulka Azania iyo Prof Gaandi ??

Wararka MaantaHS:-Ciidamadii ugu badnaa ee ka tirsan Shabaab oo iskaka cararayo gobolada jubooyinka kedib markii ay dagaal cirka iyo dhulka ah ku qaadeen ciidamada maamul goboleedka Azania oo garab ka helaya dowlada Kenya.

Inta badan dagaalo lagu bartilmaameedsanayey goobaha ay ku sugan yahiin Shabaabka jubooyinka ayaa lagu soo waramayaa iney qasaaro dhinacyo badan leh ka soo gaareen, taasi oo aaqirkii ku qasabtay iney baneeyaan degaano badan oo ay ka talin jireen gobolada Jubooyinka.

Duqeymo dhinaca cirka ah oo maanta loo geeystay dekeda Kismayo ayaa suuro gelisay iney Shabaab intooda badan ka baxaan xarumahii ay halkaasi kaka sugnaayeen iyagoo isku diyaarinaya iney tagaan goobaha ay shacabku ku badan yahiin.

Marka la eego baaxada dagaalka Jubooyinka iyo sida uu u yahay mid qorsheysan waxey u muuqataa in magaalada istiraatiijiga ah ee Kismaayo noqon doonto maalmaha soo socda mid ay ka taliyaan maamul goboleedka Azania oo isagu u muuqda maamulka kaliya ee shacabka Jubooyinka inuu kasbado isku dayaya, halka ay horey degaanadaasi uga talin jireen kooxo ay hogaaminayeen qabqablayashi dagaalka oo intooda badan Isbaaro u tiilay qeybo badan oo ka mid ahaa deganadaasi.

Maamulka Azania ayaa lagu soo waramayaa inuu isku dhinac wado dhinaca wacyi gelinta shacabka, siyaasada iyo marka Shabaab laga saaro Jubooyinka sidii loo sugi lahaa nabadgalyada muwaadiniinta Somaliyeed ee degaanadaasi ku nool.wararka inaga soo gaaraya jubooyinka ayaa sheegaya in inta badan waxgaradka deganadaasi ay hada u arkaan maamulka Azania midka kaliya ee doonaya nidaam iyo kala danbeyn maadama maamulo badan oo ay horey u maqli jireen ay ku dhamaadeen af oo kaliya oo ugu yaraan maamulkani isku keenay qeybaha kala duwan ee shacabka Jubooyinka iyo Gedo xili uu dhawaantan shirweyne ku qabteen dalka Kenya.

Madaxwynaha maamulka Prof Gaandi halka uu ku sugan ayaa waxaa ka soo baxaya warar is qilaafsan kuwaasi oo sheegaya inuu dhinac kaka sugan yahay qeybo ka tirsan jubooyinka inkastoon la shaacin goobta uu rasmi ahaan ku sugan yahay. halka warar kale shegayaan inuu walito joogo dalka Kenya oo marka magaalada Kismaayo la qabto lagu geyn doono diyaarad ay leetahay dowlada kenya.

Guud ahaan xaalada jubooyinka waxey u muuqataa mid ay si buuxda uga talin doonaan mamulka Azania hadii maskax caafimad qabto la yimaadaan ciidamada Raaskaambooni oo ay fursadaan ka faa'ideystaan oo la midoobaan Azania oo xiriir wanagsan la leh dowlada Kenya oo ogolaansho iyo ogolaansho la,anba maanta duqeyneysa magaalada Kismaayo.inta badan Somalida iyagoo is fiirsanayo ayey dhamaantood iyadoo aysan jirin mid meel gaaray wada bur buraan halka koox kasta dano qabiil ku dhisan ka shaqeyneyso hadiise ay isku tanaasulan waxaa macquul ah in si sahlan looga baxo fowdada ay dalka ku hayan argagixisada Shabaab iyo xulifadooda.

Maamulka Azania waxuu taagero siyaasaded mid dhaqaale ka helaa dowlada Kenya, maamulka goboleedka Puntland halka dhinaca TFGda ay dhiiro gelin weyn ka helaan C/wali Gaas iyo xildhibaano ka soo jeeda jubooyinka.

Isha warka Hiiraan State
webmaster@hiranstate.com
admin@hiranstate.net

Comments

No Comments have been Posted.

Post Comment

Please Login to Post a Comment.

Ratings

Rating is available to Members only.

Please login or register to vote.

No Ratings have been Posted.
Render time: 0.18 seconds
14,638,232 unique visits