Hidaha iyo dhaqanka

; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ;

Users Online

· Guests Online: 4

· Members Online: 0

· Total Members: 189,964
· Newest Member: evokafr

Welcome

Shiikh Shariif oo dowlada Kenya uga digay iney degaanada Jybooyinka u qabtaan maamulka Azania kana codaday howsha u daayaan TFGda.

Wararka MaantaHS:-Shiikh Shariif oo dowlada Kenya uga digay iney degaanada Jubooyinka u qabtaan maamulka Azania kana codaday in ay arimaha Somaliya u daayaan TFGda.

Inkasta oo dalka Somaliya horey loo sahansaday oo qofkasta oo maanta hadla laga bilabo 3 jir ilaa hogamiye Somaliyeed uusan warkiisa ka soconeyn dowlado badan oo ka mid ah wadamada deriska la ah Somaliya hadane hadalka Shiikh shariif ee uu kaka soo horjeestay faragelinta ay dowlada Kenya ku sameysay wadankeena iyadoon lagala tashan hogaanka maanta jira ee loogu magac daray TFG, hadane ugu yaraan hadalka Shiikh Shariif waxuu ka wanaagsan yahay inuu qofka Somaligaa marka uu dhib arko uu ka aamuso.

Inkasta oo Shiikh shariif ka walwalsan yahay xaalada jubooyinka oo ay dhawaantan laga yaabo iney la wareegaan maamul goboleedka Azania oo u muuqda mid taageero buuxda ka helaya dowlada Kenya oo iyadu dooneysa in ay maamulkaasi u qabato ilaa caasimada jubada dhexe ee Bu'aale iyo inta u dhaxesa xadka wadanka Kenya.

Marka laga soo tago hadalka Shiikh Shariif uu ku diidan yahay ciidamada soo galay dalka Somaliya ogolaansho la,aan hadane wararkii ugu danbeyey ee inaga soo gaaraya Jubada hoose ayaa sheegayo in shacabka asalkoodii hore ka soo jeeday degaanada Puntland dhalinyaradooda lagu dhiiragelinayo iney taageeraan maamulka Azania marka loo qabto gobolada ugu barwaaqada badan dalka Somaliya oo intooda badan laga sifeyey Shabaab inkasta oo ay hada qeybo ka tirsan degaanadaasi ku joogaan cabsi iyo walwal.

Inkasta oo aysan dalka Somaliya ka jirin hanaan dowladadeed oo ay dalka isku heystaan quwado shisheeye ah oo shacabka Somaliya dhibaato ku haya midkastana maslaxadiisa ilaashanayo sida Kuwa ka socda Africanka iyo kuwa ku shaqeeya fikirka qaldan ee Al-qacida hadane TFGda waxaa dhinac kasta ka heysta iska warqab la,aan oo shaqsi kasta sida uu isagu jecel yahay ayuu iska hadlaa iyadoo midkasta markaasi uu hadlayo hadalkiisa ku saleeyo dano gaar ah.

Maxaase ku jaban marba hadii ciidamo African ah joogaan dalka in kuwa Kenyana dalka si sharci ah ku soo galaan halkii ay dharaar cad duqeyn lahaayeen mid ka mid ah magaalooyinka ugu taariikhda iyo xadaarada dheer dalka Somaliya Kismaayo oo ay waliba kuwa Somali ahne inkiraan si iyagii loo bahdilona aduunyada isla dowladii ay ciidamadedu ku soo xad gudbeen hawada Somaliya sheegtaan duqeyntii ay dalka u geysteen?

Waxaanu sugnaaba waa 50 kun kale oo ciidamo ka socda wadan ka mid ah wadamada deriska la ah Somaliya oo iyaguna gala gobolada dhexe ogolaansho iyo ogolaansho la,aanba.marka la soo koobo nuxurka hadalka uu Shiikh Shariif kaka soo horjeedo faragelinta dowlada Kenya ku heyso dalka Somaliya waxey farxad gelineysaa wiilka amaba gebedha Somaliyeed ee gudaha Kismaayo gacanta uga jareen Shabaab iyo al-qacida dowlada kenyane ay hawada ka duweyneyso iyagoo leh waxaan dagaal kula jiraa kooxo amaanka dalkeena qatar galinaya oo aan aqoon meel ay u cararaan.

Laakinse sikasta ay noqotaba Jubooyinka maamulka Azania wuu ka shaqeynayaa maadama ay taageero ka helayaan dowlada Kenya oo xiir la leh madaxweynaha maamulkaasi Prof Gaandi,sidoo kale dowlad goboleedka Puntland iyo C/wali Gaas ayaa iyaguna kaalin fir fircoon kuleh howlaha hada socda uguna mahadceliyey soona dhaweeyey howl galka dowlada Kenya.

Waxaa isweydiin leh dal kuwii ku magacaawnaa hogaanka uu midna leeyahay waa ku saxsan yahiin soo gelitaanka ay Kenya soo gashay Somaliya midna leeyahay ha naga deyso faragelinta Kenya ma noqon karaan dad isku ujeedo ah amaba meel kaka soo wada jeesan kara cidkasta oo dalka iyo dadka Somaliyeed wax u dhimeysa?.

TFGda hada jirta iyo xukumadii uu Farmaajo hogaaminayey labaduba waxbo isma dhaamaan Farmaajo iyo kooxdii qurbaha ka tagay oo aad loogu hanweynaa waxey markii ay hogaanka qabteen noqdeen daneystayaal waxaana laga kari waayey war wadanka ka saara xiliga kumeel gaarka ah ee doorasho ogolaada iney dhacdo. nasiib wanaag culeysyo badan oo dhinaca guryo qurqurxan oo ay ka qaateen wadamadii ay kunoolaayeen ka heystay ayaa iloowsiiyey iney wadanka ka saaraan xiliga kumeel gaarka ah.

Inta lagu jiro xiliga kumel gaarka wax badan oo taariikh xumo ku reeba bulshada Somaliyeed waa la maqli doonaa hogaamiye kastan hadii uu wad ka bad baado waqtiga iyo bulshada ayaa la xisaabtami doonta waxana taariikh aan la iloobi karin Somaliya ku yeelan doona cidkasta oo maanta u ololeysa in bulshada somaliyeed laga saaro xiliga kumeel gaarka.

Isha warka Hiiraan State
webmaster@hiranstate.com
admin@hiranstate.net


Comments

No Comments have been Posted.

Post Comment

Please Login to Post a Comment.

Ratings

Rating is available to Members only.

Please login or register to vote.

No Ratings have been Posted.
Render time: 0.16 seconds
14,569,581 unique visits