Hidaha iyo dhaqanka

; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ;

Users Online

· Guests Online: 6

· Members Online: 0

· Total Members: 189,964
· Newest Member: evokafr

Welcome

Wararkii ugu danbeyey:Dowlada kenya oo laga yaabo iney joojiso duulimaadyada uga yimaada gudaha Soamliya iyo dadkii qurbaha ka tagy oo arintaas ka wal walsan hadii ay dhacdo

Wararka MaantaHS:-Dowlada kenya oo laga yaabo iney joojiso duulimaadyada uga yimaada gudaha Somaliya iyo dadkii qurbaha ka tagay oo arintaas ka wal walsan hadii ay dhacdo.

Kadib qaraxyo is xig xiga iyo qudbadii Shariif uu ku dhaliilay dowlada Kenya ayaa waxaa soo baxaya warar sheegaya in la joojiyo duulimaadyadii kaka imaan jiray dalka Somaliya siiba koofurta taasi oo meesh aka saareysa iney dalka Kenya si sahlan u soo galan masuuliyiinta TFGda oo intooda badan safarada ku taga dibada ya soo maraan Kenya.

Dowlada Kenya wax badan wey ka duwan tahay dowlada Ethiopia waayo iyadu mar hadey dagaal kasho waxey ka bilaawdaa gudaha iyodibada waxeyna u muuqataa in xiriirka labada wadan heer xun gaari doono.

Dhinaca kale Qudbad uu maanta ku sheegay C/wali Gaas in ay muhiim tahay soo galitaanka dowlada Kenya ay soo gashay Somaliya si ay u difaacado dalkeeda oo gudaha loogu galay ayaa shegay in ay lama huraan tahay sidii ay TFGda iyo dowlada Kenya iskaka kashan lahayeen arinta howshan ooo ah la dagaalanka Shabab iyoxulifadooda.

Shariifka oo marka ay qof is qabtaan ku dhiiran jiray inuu ceyriyo waxbo kama qaban karo hadalka C/wali Gaas maadama uu ogyahay waqtiga u harayba inuusan u saamaxeyn muran iyo kala bedel kale oo TFGda ku dhaca.

Guud ahan markaad fiiriso sidey wax u socdaan waxaad moodaa inuu Shariifka is qadimay waayo hadalkaan waxaa laga rabay inuu jeediyo marka ay soo gaaraan ciidamada Turkiga ah ee uu heshiiska la soo galay dowladooda si ay wadanka u keenaan 15 kun ciidamo ah si uu xiriirka ugu jaro dhawr wadan oo ay ku jiraan Kenya iyo Ethiopia oo Somaliya deris la ah.

C/wali Gaas oo ka faa'ideysanaya dabeysha meeshey u socoto ayaa isagu durbaba soo dhaweeyey soo gelitaankii ciidamada Kenya soo galeen dalka Somaliya taasi oo meesha ka saareysa ilaa la horkeeyo baarlamaanka arintan iney ciidmadasi ka baxaan marba hadey soo dhaweyn ka heystan mid ka mid ah masuuliyinta TFGda iyo shacabka Jubooyinka.

Hadii dowlada Kenya joojiso amaba ku dhawaaqdo iney joojin doonto duulimadyada uga yimada Mogdisho oo kaliya waxaa hal mar Mogdisho iskaka soo tagayo qurbo joogtii TFGda u doontay shaqada oo ka cabsi qaba iney ku godoomaan dalka.


La soc wararkena danbe

Isha warka Hiiraan State

Comments

No Comments have been Posted.

Post Comment

Please Login to Post a Comment.

Ratings

Rating is available to Members only.

Please login or register to vote.

No Ratings have been Posted.
Render time: 0.15 seconds
14,613,866 unique visits