Hidaha iyo dhaqanka

; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ;

Users Online

· Guests Online: 5

· Members Online: 0

· Total Members: 189,964
· Newest Member: evokafr

Welcome

HS:-R/wasaaraha Somaliya C/Wali Gaas oo si buuxda u taageeray dowlada Kenya iyo dagaalka ay kula jirto Shabaab iyo Ajnabigooda

Wararka MaantaHS:-R/wasaaraha Somaliya C/Wali Gaas oo si buuxda u taageeray dowlada Kenya iyo dagaalka ay kula jirto Shabaab iyo Ajnabigooda isagoo waxan jirin ka dhigay hadalkii Sahriif ee dhiiragelinayey in Shabaab iyo Al qacida Somliya sii joogaan si ay u qasaan geeska Africa

Markaad si degan u qeexdo hadalka R/wasaaraha Somaliya waxaa muuqata in Shariifna Shabaab isku dhiibay C/wali Gaasna doonayo in Shabaab dalka laga xoreeyo, taasi oo ah mida ay Shacabka Somaliyeed u baahan yahiin.Masuulkaan ayaa maanta Shaaca ka qaaday in dowlada Kenya rabitaanka TFGda ku timid ayna ku taageerayaan sidii TFGda iyo Kenya iskaka kaashan lahaayeen qaabkasta oo Shabaab dalka looga xoreyn karo, Mr C/wali oo hadalkiisa sii wata waxuu yiri sidan.

Ciidamada Kenya ee ku sugan Soomaaliya waxey ay ku joogaan rabitaankeenaa, isagoo sheegay inay ciidamada Kenya ee ku sugan gudaha Soomaaliya ay gacan ka siinayaan ciidamada DKMG ah Soomaaliya dagaalka ay gula jiraan Al-shabaab.

Dr C/weli Gaas ayaa sheegay in ciidamada Kenya ee ku sugan gudaha Soomaaliya ay ku socdaan heshiiskii IGAD ee ahaa in dalalka gobolka ay gacan ka siiyaan sidii lagu soo celin lahaa nabada Soomaaliya.

"Warka ah Kenya ayaa Soomaaliya kusoo duushay waa khaldan yahay, Kenyana kuma soo duulin Soomaaliya ee waxay ciidamadeedu ku joogaan raribtaankeena, labada dal waxaa ka dhexeeya iskaashi milateri, ciidammadooda ku sugan gudaha Soomaaliya waxay ciidamada Soomaaliya ka taageerayaan dhinaca saadka iyo in lala dagaalamo Shabaab,"
ayuu si cad u yiri arintaasi oo meesha ka saareyso in TFGda oo dhan masuuliyiintooda Shabaab ku hayaan iney Somaliya joogto.

Ra'iisul wasaare C/wali Gaas ayaa faah fahin dheer ka bixiyey war-murtiyeedkii ay TFGda iyo xubno ka tirasn wasiirada Kenya ka soo saareen kulan ay ku yeesheen Muqdisho ayaa yiri: "War-murtiyeedkii laga soo saaray kulankii Muqdisho ee dhacay Oct 18-keedii wuxuu ahaa in labada dal ay iska kaashadaan la dagaalanka argagaxisada, burcadbadeeda ee dadka ka qafaalanaya labada dhinac, waxaa sidoo kale uu cadeeyey in labada dal ay iska-kaashadaan dhanka milateriga iyo nabadgalyada si labada wadan looga ciribtiro dadka dhibaatada kawada oo ah Al-shabaab iyo in laga wada-shaqeeyo sidii loogu soo dabbaali lahaa nabad."

R/wasaare C/wali Gaas ayaa si rasmi ah u beeniyey wax kama jiraane ku tilmaamay hadalkii shariifka ee ahaa in Kenya ku soo duushay Somaliya waxuuna yiri.

Ra'iisul wasaaraha oo mar la weydiiyay in Shiikh Shariif uu ka soo horjeedo in ciidamada Kenya ay soo galaan gudaha Soomaaliya, balse uu ogol yahay inay saad siiyaan ciidamada RFGda ee Kenya lagu soo tababaray ayaa si degan uga jawaabay yirina "ciidamada Kenya waxey ku joogaan rabitaankeena gudaha Soomaaliya".


Qofkasta o oSomali ah oo maanta wax garanaya wuu ogyahay ineysan Somaliya joogin amaba jirin cid ka arxan daran Shabaab iyo Al qacida in cidkasta loo isticmaalona waajib tahay Kenya waaba dal African ah marna derisnahay oo ay ku nool yahiin shacab Somaliyeed qeyb ka mid ah dhulkeeda ee waxey aheyd in aduunyada oo dhan loo soo kaxeysto ayey tiri hooyo Somaliyeed oo diiday iney ka qeyb qaatato banaanbax la doonayey in lagu taageero hadalkii Shariifka ee ahaa in Shabaab wadanka sii joogaan oo aan la wiiqin.

Waa markii ugu horeysay ee aanu C/wali Gaas ugu yeerno R/wasaaraha Somaliya tan iyo waxii ka danbeyey shirkii Kampala maadaama uu yahay shaqsi leh Shabaab cidkasta ayaan la kaashaneynaa Shariifna leeyahya Shabaab wadanka ha joogto waxaa maanta dan u haya umada Somaliyeed R/wasaare C/wali waayo Somaliya cadow aan Shabaab iyo Al qacida aheyn ma qabaan.

Ma jirto qof damiir leh oo doonaya in ay wadankiisa soo galaan ciidamo ka socda wadan kale kuwa Mogdisho jooga iyagu ma Somalibaa maxaase ka hor taagan iney socdaan ilaa gobolada? waxaa ka hor tagaan Shariif oon dooneyn in Shabaab dalka laga saaro.

Dhinaca kale waxa si rasmi ah fashil ugu dhamaday banaanbaxyo la doonayey in shacabka Somaliyeed ee qurbaha lagu qaldo kuwaasi oo lagu tageeri rabay hadalkii Shariifka cidkasta lafaheeda ayey u baqeen waayo Kenya hadii ay ciidamo u soo diri laheyd Somaliya iyadoo aysan Shabaab joogin meelkasta ayaa mudaharaad laga dhigi lahaa, laakinse tira yar oo la shaqeysa argagixisada iyo Shariifka ma qaldi karan Somaliweyn ayey yiraahdeen dad guryahooda loogu tagay oo diiday iney banaanbaxaan magaalada London.

Hadalka maanta ka soo yeeray R/wasaaraha iyo hadalkii ay shaleyto sii daayeen Ahalu sunna ee ahaa in Shariif iyo Shabaab waxbo is dhaamin waa xaqiiqda rasmiga ah ee Somaliya ka jirta waayo Shariifka isagaa horey dhawr jeer u lahaa cidkasta waan u isticmaaleynaa dagaalka aan kula jirno Shabaab hada maxaa iska bedelay?

Dowlada Kenya oo difacaneysa nabadgalyada dalkeeda ayaa iyadu dhinacyo badan ka cuuriyaamineysa ururka Shabaab iyadoo kala dagaaleysa dhinaca dhaqaalaha iyo ciidanka waxana lagu soo waramayaa in Shabaabku ku joogaan degaanada Jubooyinka wal wal xili kasta arintaas oo ah mid loo baahnaa mar hore ayey leeyahiin inta badan shacabka Somaliyeed.

Marka la eego jaaliyada qurbaha inta badan hadalkii Shariifka wey iskaka kaabsadeen oo sidii ay markii hore moodayeen ma noqon waxeyna hada dareensan yahiin in ay lagama maarmaan tahay xiligii Shabaab cidkasta oo la heli karo loo isticmali lahaa in la joogo.

Shariifka oo marka ay la soo deristo xaalad siyaasad xumo dagaal la gali jiray amaba xilka ka qaadi jiray hadba R/wasaarahii markaasi jira hada kuma dhiiran karo inuu shaqada ka ceyriyo C/wali Gaas waayo waxuu difaacaya Shabaab iney wadanka sii joogto taasi oo meesha ka saareysa qilaafkasta oo jira inuusan ku dhiiran karin inuu shaqada sidii Farmaajo ka ceyriyo.

Wararkii ugu danbeyye ee inaga soo gaaraya Shaqaalaha Radio Mogdisho ayaa sheegaya inuu saameeyey qilaafkaan cusub ee labada masuul ubkasta oo la qarinayo ilaa xad arintaas.

Hadaan nuxurka ka abaarno qilaafkaan Shariifka waxuu leeyahay Shabaab wadanka ha sii joogto.C/wali Gaasna waxuu leeyahay cidkasta waan u isticmaaleynaa sidii wadanka looga saari lahaa. dowlada Kenyana Shariifka hadalkiisa waxey u arkaan mid ka soo baxay Amiirka Al qacida iyo midka Shabaab ilaa hadane ma joojin howl galkoodii oo wax iska bedelay ma jirto sida wararkii ugu danbeyey ee naga soo gaaraya jubooyinka sheegayaan.

Mar uu qiimeyn ku sameyey xaalada ciidamada Kenya sargaal ka tirsanaa ciidamdii xooga dalka oo howl gab noqday waxuu yiri hadii dowlada Kenya ka baxdo Somaliya ilaa ay Shabaab ka bur buriso gudaha wadankeeda ayey Shabaab ka howl gali doonaan waxeyna kooxdaas mayalka adag iska dhadhicin doonaan in Kenya cabsatay ayuu yiri sargaalkaani. sidoo kale hadalkii Shariifka ayuu ku tilmaamay mid loo baahnaa inuu banaanka keeno waayo ayuu yiri horey ayaa masuuliyiin badan loogu xaman jiray iney kooxahaan gacan saar la leeyahiin hada cadeyn uma baahna ayuu hadalkiisa ku soo qatimay isagoo ula jeeday in Shariifka iyo shaqsiyaad badan ka tirsan yahiin Shabaab marka la eego ficiladooda.

Dhiancaas iyo goboalda dhexe banaanbax lagu taageerayo hadalkii Shariif iska daaye cidii laga maqlo Shariifaa yiri waa la xirayaa inkasta oo aysanba gobolada dhexe joogin ciidamo daacad u ah TFGda hadane dadku dhamantood Shariifka waxey u arkaan shaqsi xubin ka ah ururka uu difaacayo.waxaase laga yabaa in degaanada Shabaabku maamulaan lag ataageero hadalka Shariifka maadama.............

La soco wararkena danbe

Isha warka Hiiraan State
webmaster@hiranstte.com
admin@hiranstate.net

Comments

No Comments have been Posted.

Post Comment

Please Login to Post a Comment.

Ratings

Rating is available to Members only.

Please login or register to vote.

No Ratings have been Posted.
Render time: 0.24 seconds
14,614,374 unique visits