Hidaha iyo dhaqanka

; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ;

Users Online

· Guests Online: 5

· Members Online: 0

· Total Members: 189,964
· Newest Member: evokafr

Welcome

Wararkii ugu danbeyey:Safiirka Somaliya ufadhiya kenya oo ka soo horjeestay hadalkii Shariifka.

Wararka MaantaHS:-Wararkii ugu danbeyey:Safiirka Somaliya u fadhiya kenya oo ka soo horjeestay hadalkii Shariifka sheegayna in dowlada Kenya ku saxsan tahay soo gelitaanka Somaliya fasaxna ka heysato TFGda.

Saacadahii ugu danbeyey ayaa waxaaa gudaha dalka Somaliya looga soo dhaweynayey dadaalka ay dowlada Kenya ku dooneyso iney ku bur buriso ururka Shabaab kadib markii madaxweynaha Puntland, Azania R/wasaaraha Somaliya iyo dowlada Kenya si isku mid ah u dhaleeceeyeen hadalkii Shariifka ku difaacayey Shabaab iney Somaliya sii joogto.

Wararka naga soo gaaraya Kenya ayaa sheegaya in safiirka Somaliya u fadhiya Kenya Mohamed Ali Ameerica oo siyaasada mustaqbal ka leh arkeyna fashilka ku dhacay Shariifka si buuxda u tageeray qorshaha ay dowlada Kenya ku bur burineysa awooda Shabaab ee koofurta Somaliya, isagoo sheegay in ay Kenya Somaliya ku gashay ogolaansho buuxa si ay u wiiqdo Shabaab oo qatar ku ah nabadgalyada geeska Africa.

Warar aan la hubin jiritaankooda ayaa shegaya in safiirada wadamada kale ee geeska Africa joogane laga yaabo iney ku mowqif noqdaan safiirka Kenya iyo r/wasaaraha oo moqif isku mid ah ka istaagay hadalkii Shariifka.

Dhinaca kale ninka isagu lagu wado inuu la wareego guud ahaan jubooyinka ahna madaxweynah a Azania State of Somaliya Prof Gaandi ayaa sheegay in cidkasta oo ka soo horjeesata howlgalka Shabaab looga cirib tirayo Jubooyinka loo aqoonsan doono Shabaab xitaa Shariifka marka lagu daro. sidoo kale waxaa hadal kaasi la mid ah ka dhawaajiyey gudoomiye ku xigeenka baarlamaanka dalka Kenya Faarax Macalin Dawaari oo si kulul uga soo horjeestay hadalkii shariifka ee dunida ka yaabiyey oo garab siinaya Shabaab oo dhawr maalmood ka hor maalin cad ku xasuuqay bartamaha magaalda Mogdisho 100 arday ah oo waxbarasho ugu socday Turkiga

Sidoo kale madaxweynaha Puntland Faroole ayaa isaguna soo dhaweyey howlgalada Jubooyinka looga sifeynayo Shabaab iyo xulifadooda isagoo soo dhaweyey soo gelitaanka ciidamda Kenya soo galeen gudaha Somaliya inkastoo sida uu sheegay mar hore loo baahnaa.

Kooxda Shabaab oo intooda badan laga xiray jidadkii ay sahaydu u mareysay hal mar ayey qatar aan la dheyelsankarin la soo deristay kadib markii ciidamo hor leh oo lagu qiyaasay 2 kun oo Kenya ka socda gudaha u galeen Somaliya saldhigna ka dhigteen Qooqaani oo ah magaalo muhiim u ah isku socodka gobolka Jubada hoose halka si rasmi ah u xireen dowlada Kenya isticmaalka dekeda Kismaayo kadib markii ay badweynta Hindiya dhigeen maraakiib dagaal oo dib u celiya doonyaha ku soo xiranaya Kismaayo.

La soco wararkeena danbe

Isha warka Hiiraan State
webmaster@hiranstate.com
admin@hiranstate.net


Comments

No Comments have been Posted.

Post Comment

Please Login to Post a Comment.

Ratings

Rating is available to Members only.

Please login or register to vote.

No Ratings have been Posted.
Render time: 1.45 seconds
14,666,199 unique visits