Hidaha iyo dhaqanka

; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ;

Users Online

· Guests Online: 4

· Members Online: 0

· Total Members: 189,964
· Newest Member: evokafr

Welcome

Beesha caalamka oo aad ula yaaban Shiikh Shariif oo ka hor yimid ciidmadii Kenya kuwa Ethiopiyana ka hadli la.

Wararka MaantaHS:-Beesha caalamka oo aad ula yaaban Shiikh Shariif oo ka hor yimid ciidmadii Kenya kuwa Ethiopiyana ka hadli la.

Dowladaha reer galbeedka oo maalmahan si taxadir leh xaalada Somaliya iyo soo gelitaankii ciidamada Kenya soo gashay la socday ayaa warbaahinta caalamka waxey ka maqlayeen Shariifka oo leh raali kama nihin ciidamada Kenya.

Hadaba wadamada Kenya iyo Ethiopiya oo iyaguba ku shaqeeya fikradaha reer galbeedka ayaa labo jiho ka soo galay dalka Somaliya, hayeeshee Shariifka waxuu ka hadlay oo kaliya kuwa Kenya oo malaha aduunyadu is dhaheen gelitaanka ay galeen Somaliya ayaa Shariifka ku cusub laakisne kuwa Ethiopia wuu la qabsaday soo gelitaankooda oo kama hadlayo taasina waxey meesha ka saartay in aduunyadu dheg u dhigto hadalada Shariifka iyadoo Mareykanka iyo Faransiiska ay kaalin buuxda ku leeyahiin dagaalada hada lagu wiiqayo awooda Shabaabka Somaliya iyo ajaanibtooda.

Bal aanu dhawrka maalmood ee inagu soo aadan aragno inba Shariifka ka hadlo arintaas iyo in kale. dhinaca kale R/wasaaraha Somaliya C/wali Gaas ayaa lagu wada inuu maalinta berita ah safar ku tago dalka Kenya si uu xaalada Somaliya ugala hadlo arintaan oo u muuqata mid lagu godoominayo siyaasadaha guracan ee Shariifka ku doonayo sidii ay Shabaab ku sii joogi laheyd dalka Somaliya

Dad badan oo Somaliyeed waxey sugayaan sida uu Shariifka uga hadlo ciidamda Ethiopia ee gudah Somaliya ku sugan, hadiuuka hadli waayane qudbadiin maalmo dhaweyd jeediyey uu ku cambaareynayey dowlada Kenya waxey u ekaneysaa mid dano gooyni ah laga lahaa ee aysan wadan jaceyl aheyn sidan horey bulshada ugu sheegnay.

Dowlada Ethiopia isagey bahdileysaa ayna tuseysa inuusan ciidankooda ka hadli karin maahane ma dooneyso iney si buuxda Somaliya u soo gasho sidii dhacday dhawr sano ka hor.

la soco wararkeena danbe

Isha warka Hiiraan State
webmaster@hiranstate.com
admin@hiranstate.net

Comments

No Comments have been Posted.

Post Comment

Please Login to Post a Comment.

Ratings

Rating is available to Members only.

Please login or register to vote.

No Ratings have been Posted.
Render time: 0.15 seconds
14,600,562 unique visits