Hidaha iyo dhaqanka

; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ;

Users Online

· Guests Online: 3

· Members Online: 0

· Total Members: 189,964
· Newest Member: evokafr

Welcome

M/weynaha mustaqbalka Somaliya Prof Ahmed Muumin Warfaa oo shacabka Somaliyeed ugu hambalyeeyey Ciida xili uu maanta ka dhoofay dalka Mareykanka.

Wararka MaantaHS:-M/weynaha mustaqbalka Somaliya Prof Ahmed Muumin Warfaa oo shacabka Somaliyeed ugu hambalyeeyey maalinta Ciida.

Waxaa maanta ka dhoofay garoonka diyaaradaha magaalada Salt Lake City m/weynaha mustaqbalka Somaliya Prof Ahmed Muumin Warfaa oo safar ku saabsan arimahiisa siyaasada ugu kicitimay wadamo iskugu jira bariga dhexe,Asia iyo Africa, maadama sida lagu soo waramayo uu hada wajiga labaad ee ololahiisa u gudbay mid siyaasadeed tan iyo inta laga gaarayo doorashada soo socota ee lagu wado in ay bulshada Somaliyeed kaka baxaan xiliga kumeel gaarka.

Professor Ahmed Muumin ayaa dhawr maalmood sii joogi doona wadanka Imaaradka Carabta ka hor intii uusan booqasho ku tagin dhawr wadan oo ka tirsan isla bariga dhexe. waxaa lagu soo waramayaan amaba ay sheegayan wararka qaarkood in mudada uu joogo dalka UAE uu halkaasi kula kulmi doono masuuliyiin aan si rasmi ah loo carabaabin loosa maleynayo iney ka socdaan wadamada daneeya arimaha Somaliya.

Mar aanu gelinkii hore ee maanta xiriir la sameynay qaar ka mid ah Somalidii ku sii dhaweysay garoonka diyaaradaha ayaa inoo xaqiijiyey in xiligii uu Professor ku sugnaa gudaha garoonka uu ka dhoofay qeyb ay u maleynayaan VIPda halka qaarkoodna lahaayeen xiligii u dhoofayey ma gelin safka dadka caadiga ah maadama tiketkiisa uu ahaa First Class kuna wajahnaa magaalada washington oo uu ku sugnaan doono mudo aan la cayimin.sikasta oo ay ahaataba M/weynaha mustaqbalka Professor Warfaa iyo teamkiisuba waxaa ka go,an sidii ay doorashada soo socota ugu guuleysan lahayeen si ay umada Somaliyeed u gaarsiiyaan nidaam iyo kala danbeyntii luntay mudada dheer iyagoo hadafkoodu yahay hadii ay ku guuleystaan masuuliyadaan iney ka shaqeeynayaan dib u heshiisin joogto ah. halka ay dhawr mar oo hore ka dhawaajiyeen iney shacabka adeega ay u baahan yahiin ugugeyn doonaan meesha ay joogaan sida tacliinta, biyaha, korontada iyo waxa la hal maala

Hadaba la soco wararkena danbe iyo ololaha musharaxa madaxweynida Somaliya Prof Warfaa.

Isha warka Hiiraan State
webmaster@hiranstate.com
admin@hiranstate.net

Comments

No Comments have been Posted.

Post Comment

Please Login to Post a Comment.

Ratings

Rating is available to Members only.

Please login or register to vote.

No Ratings have been Posted.
Render time: 0.16 seconds
14,586,140 unique visits