Hidaha iyo dhaqanka

; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ;

Users Online

· Guests Online: 5

· Members Online: 0

· Total Members: 189,964
· Newest Member: evokafr

Welcome

HS:-:- Hasan Turki iyo ciidamo badan ooka soo jeeda Shabaabka Jubooyinka oo qorsheynaya iney nabad ku bedeshaan colaada kadib markii ay arkeen hadalada qabiilka ee ay mujaahidnta ku kala

Wararka MaantaHS:- Breaking News:- Hasan Turki iyo ciidamo badan oo ka soo jeeda Shabaabka Jubooyinka oo qorsheynaya iney nabad ku bedeshaan colaada kadib markii sida ay sheegeen koox xarakada ka tirsan oo fadhigoodu yahay ceelasha biyaha ay bilaabeen.

Wararka naga soo gaaraya degaanada Jubooyinka ayaa sheegaya in inta badan ciidamo daacad u ah Hasan Turki kana soo jeeda jubooyinka oo Shabaab ah doonayaan iney nabad ku bedeshaan dagaalka ay kula jiraan ciidamada huwanta ah ee dagaalka kula jira Shabaabka halkaasi. arintaan ayaa timid kadib markii koox ka tirsan Shabaab oo fadhigoodu yahay ceelasha biyaha oo ah meel aan sidaasi uga fogeyn magaalada Mogdisho maalmahani bilaabeen hadalo lid ku ah qaar ka mid ah beelaha Somaliyeed iyadoo hadaladaasi intooda badan ay isticmalayeen hogaamiyaal xarakada ka tiran oo aanuka xusi karno Hasan Daahir Aweys, Cali dheer iyo Abuu Mansuur.

Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya qilaafkaan sababay iney kooxda jubooyinka amaba inta ka amar qaata wadaadka loogu yeero aabaha mujaahidiinta amaba bar baariyaha mujahidiinta Somaliya Hasan Turki iyo ciidamo u badan degaanka jubooyinka oo isaga ka amar qaata ay doonayaan iney wada hadal la galaan ciidamada degaanka ee halkaasi ku sugan ee doonaya iney la wareegaan jubooyinka, kadib markii ay ogaadeen in hanjabaadyada iyo beelaha Somaliyeed ee maalmahan ay kusoo cel celinayan hogaamiyasha Shabaab ee isku baheystay ceelasha biyaha ujeedada ka danbeysa tahay sidii Shabaabka Jubooyinka inta dowlada Kenya loo hanjabo loo wiiqi lahaa si ay iyagu u noqdaan awooda kaliya ee Shabaabka koofurta Somaliya loogu soo hagaago si ay gor gortan siyaasadeed ula galaan dowlada rasmiga ah ee wadanka ka dhalan toonta dhawaan, si aysan taasi u dhicina ciidamada jubooyinka ka jooga Shabaab waxey hada ciyaarayan siyaasado u muuqda ineyba dhib la,aan nabad ku bedeshaan colaada maadama Hasan Turki si wanaagsan u garanayo raga isaga ka soo horjeeda oo uu ka mid yahay Ahmed Madoobe oo isaga gebadhiisa qaba ( ma hubno inuu walito qabo maadama ay meel xun arinta ka gaartay Hasan Turki iyo Ahmed Madoobe).

Hadii arintaan dhacdo waxey ka dhigan tahay in lagu fahmay qiyaanadii ay wateen kooxdaan halkaasina ka dhacdo heshiisyo iyo isku tanaasul wax ku ool ah oo looga hortagayo ineyba shacab hor leh ka barakacaan jubooyinka. mid ka mid ah ciidmada Shabaabka jubooyinka oo maalmahani la yabanaa hadaladan ceelasha biyaha ay ka soo farayaan qaar xarakada ka mid ah ayuu sheegay iney ka mid tahay fowdadii ay waligood ku jiri jireen reer Mogdisho oo marka halkan socday arkaan inuu fashilmayo mid kale u sii tafa xeyta laakisne cid la qatalayo amaba qabiil loogu soo gaban karo ma jirto ayuna sii raaciyey.

Sida muuqata sida ay arinta Kenya ugu kala aragti duwan yahiin R/wasaaraha iyo Shariifka hadane Shabaab waa sidaasi oo kale Fu,aad Shanqoole oo in badan u hanjabi jiray dowlada kenya ayaan ilaa hada fikirka oday Aweys iyo kooxdiisa ku sugan ceelasha biyaha la qabin maadama ay hada arintu qabiil afka la galeyso ma doonayo in Shabaabka jubooyinka lagu wiiqo hadal amaba shir jaraa'id oo uu ku qabtay ceelasha biyaha taasi bedelkeeduna dhibta shacabka ha laga daayo ayuu meelaha la marayaa maba ahan ninkii shaleyto gaaleynayey shacbaka Somaliyeed ee muslinka ah.

Wararkani oo ah kuwo cusub ayaa laga yaabaa iney ka faa'ideystaan ciidmada huwanta ah ee ku sugan jubooyinka oo laga yaabo in loo baneeyo magaalada Kismaayo iyadoon dhiig ku daadan.

Isha warka Hiiraan State
webmaster@hiranstate.com
admin@hiranstate.net

Comments

No Comments have been Posted.

Post Comment

Please Login to Post a Comment.

Ratings

Rating is available to Members only.

Please login or register to vote.

No Ratings have been Posted.
Render time: 0.18 seconds
14,633,401 unique visits