Hidaha iyo dhaqanka

; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ;

Users Online

· Guests Online: 5

· Members Online: 0

· Total Members: 189,964
· Newest Member: evokafr

Welcome

Maxuu ku dhamaday shir dhawr saac qaatay oo ay doonayeen Gudoomiyaha baarlamanka iyo r/wasaaraha Somaliya iney kaka taqalusiyaan Shiikh Shariif

Wararka MaantaHS:-Maxuu ku dhamaday shir dhawr saac qaatay oo ay doonayeen Gudoomiyaha baarlamanka iyo r/wasaaraha Somaliya iney kaka taqalusiyaan Shiikh Shariif si ay xulufo u noqdaan?.


Inkasta oo waayadan danbe ay dalka Somaliya kusoo bateen dhaqano ku cusub umada Somaliyeed oo xitaa hadii ay gaajo u dhamaanayaan amaba wadanku soo galaan ciidamo shisheeye halkii dhibatadaasi wax laga qaban lahaa bedelkeedii Xaj iyo cimro loo aadayo Beydka Ilaahey hadane bal aanu dul marno siyaasadahii ugu danbeyye ee halkaasi ka dhaca amaba qorshe u muuqday mid laga soo shaqeyey oo ay kulamo isdaba jooga ah isku arkayeen R/wasaare Cabdiwali iyo gudoomiyaha baarlamanka Shariif Hasan.

Shirka oo markii hore ku bilaawday is wareysi iyo qaabka uu gudoomiyaha baarlamaanka ula jaan qaadi karo siyaasiyiin dhalinyaro u badan oo halmeel wax iskula wado oo ay hor boodayan R/wasaaraha hada jira Cabdiwali Gaas iyo R/wasaarahii hore ee isaga lagu bedelay Farmaajo iyo inta badan golahii wasiirada Farmaajo iyo sida ugu haboon ee looga hortagi karo xil ka qaadis uu Shiikh Shariif doonayo inuu shaqada kaka ceyriyo Cabdiwali Gaas.

Shirka oo saacado badan qaatay ayaa ugu danbeyn leysla gartay in Shariifka laga taqalusiyo si taasi u dhacdana waa in bey yiraahdeen olole xoogan loo galo in aan barlamanka la horgeyn qorshahii Road Map-ka lana dar dar geliyo sirkii wadatashiga wajigiisa labaad sidii uu uga dhici lahaa Garoowe halkaasi oo loo arkey in ay tahay goobta kaliya ee Shiikh Shariif looga guuleysan karo marka 1200 askari oo ay codsadeen maamulka Puntland iyo Cabdiwali Gaas la geeyo magaalada Galkacyo ee xarunta gobolka Mudug marna ah xarunta dowlad goboleedka Galmudug State ay dhaqan galiyaan Amisom iyadoo loo marayo arintaas wakiilka QM Mahiga oo isaguba ololahiisa iyo siyaasadiisa u gaarka ah iska wata.

Xaalka oo meel fiican maraya ayaa waxaa Kitaab yar jeebka kala soo baxay gudoomiyaha baarlamanka oo hada u muuqda inuusan jirin cid uu aaminayo tan iyo waxii ka danbeyey markii ay si toos ah iyo si dadban ay kalsoonidii ugula laabteen beelaha Digil iyo Mirifle oo abaalweyn u galay Shariif Hasan dhawr iyo tobankii sano ee ina dhaaftayna dhinaca siyaasada garab ku siinayey ayaa yiri waa inaad Kitaab martaa C/wali Gaas maadama la joogo goob leysku aamini karo amaba beydkii Ilaahey hortiisa oo markaasi goobta ay ku shirayeen u muuqday.

C/waliGaas oo reer Mudug ah ayaa la soo booday sow taan Ilaahey wajigii lahaa dhawr daqiiqo ka hor laakisne arintaasi Shariif Hasan wey u cuntami weysay waxuuna ku adkeystay inuu Cabdiwali gacantiisa dul saaro. ma hubno in u Kitaabka maray iyo in kale laakisne dadka Shariif Hasan yaqaano waxey yiraahdaan waxuu heystaa buug yar oo loo maleynayo in lagu qoray afka Urduuga ee looga hadlo dalal badan oo ay ka mid tahay Bakistaan waana siyaasiga galiya ee la sheego hadii aad si kaste ugu xanaaqsan tahay hadii uu mar ku dhaho waxaan doonayaa inaan si toos ah kuula kulmo oo uu ku salaamo uu isbedel qofkaasi ku dhacayo oo isagoo faraxsan ka tagayo Shariif Hasan.

Laakisne meesha Shiikh Shariif loogu tashanayey meel la mid ah ayuu isaguna ugu tashanayaa R/wasaaraha oo isaguba ma shar yara oo dhinaciisa ayuu ka wadaa dadaalo kala duwan oo uu xilka uga qaadayo R/wasaaraha iyadoo ay hada xalaadu mareyso amaba ay aad u adag tahay sii wada shaqeynta Shiikh Shariif iyo Cabdiwali Gaas maadama ay horey u jirtay qilaafkii dhaliyey ciidamadii Kenya hada shirarkaan ka dhanka ah Shiikh Shariif waxey soo dedejineysaa in R/wasaarahu maro wadadii uu horey u maray Farmaajo oo sidii uu Shiikh Shariif ka ag dhawaa u lahaa ay labada Shariif hal mar la gooyeen siyaasada.

Marka siyaasadahan is dhax yaaca ah laga soo tago dad badan waxeysan ogeyn in gudoomiyaha baarlamaanka uu xasaasiyad ka qabo qofba la leeyahy Professor, Dr iyo waxii la mid ah marka taasi ayaa keentay in Farmaajo si sahlan looga ceyriyo shaqada Cabdiwali Gaasna midaasi ayaa ku dhici doonta oo gudoomiyaha baarlamanka oo lumiyey siyaasadii iyo garabkii uu ka heli jiray beelaha Digil iyo Mirifle uma arko in uu wax badan ka faa'idi doono shirarkaan iyo siyaasadahan maalinba maalinta ka danbeysa is bed bedelayo.

Isha warka Hiiraan State
webmaster@hiranstate.com
admin@hiranstate.net

Comments

No Comments have been Posted.

Post Comment

Please Login to Post a Comment.

Ratings

Rating is available to Members only.

Please login or register to vote.

No Ratings have been Posted.
Render time: 0.41 seconds
14,584,633 unique visits