Hidaha iyo dhaqanka

; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ;

Users Online

· Guests Online: 5

· Members Online: 2
dixieym11, virginiard4

· Total Members: 189,964
· Newest Member: evokafr

Welcome

HS:- Qaranka kubada Cagta Somaaliya ee aan heysan wax dal ah oo ka danbeeya ayaa maanta guul weyn ka soo hooyey ciyaar ay la yeesheen Ethopia

Wararka MaantaHS:-Ciyaar dhax martay Qaranka wadan la,aantu heyso ee Somaliya iyo Ethiopia oo ah wadanka geeska Africa ugu awooda badan sida waayadan danbe nalooga dhaadhaciyey run iyo beenba ayaa ka dhacday garoonka Guuleed Abti-doon Stadium oo ku yaala dalka Jabuuti.

Ciyaartaani oo ka mid aheyd is reeb reeb Koobka Aduunka ee Sanadka 2014 ee lagu qaban doono wadanka Brazil ayaa waxey ciyartooydii Somaliyeed soo bandhigeen ciyaar aad u soo jiitatay dadweynahii u daawasho tagay halkaasi, Dowlada jabouti iyo shacabkeeda oo aan waxba ka reeban qaranka Somaliyeed oo xitaa si toos ah uga soo tabinayey TV-ka qaranka jabouti hadane dhalinta Somaliyeed ee calankooda difaacayey waxey sameeyeen rag ka rooni, waxeyna u muuqaal ekaayeen kuwo qalbigooda galiyey guulkasta oo ay keenaan waqtigan adag iney wada gaari doonto bulshada Somaliyeed oo maalintiina qabiil qabiil isku dila habeenkiina wiilashooda iyo hablahooda isku guuriya.

Somalidu waxey tiraahdaa shaqsi aan gurigiisa joogin amaba aan kuciyaareyn garoonkii ugu quruxda badnaa garoomada Africa horaantii sideedameeyadii Stadium Mogdisho amaba aan ku ciyaareyn caasimadii labaad ee Somaliya ee Hargeysa oo aan gobolada dalka oo dhan aysan bulshadu iskaka imaneyn guul kasta oo ay gaaraan waa qabyo.

Hadanse u laabano ciyaartii maanta iyo sida ay dhalinta Somaliyeed u dadaaleen.

Ciyaarta qeybteedii hore ayaa waxa weerar u muuqaal ekaa waxaan ahey libaaxyadii Africa oo aad u badan waday Xulka qaranka Ethopiya iyagaana garoonka iska mamulanayey. Laakisne markii leysku soo laabtay qeybtii danbe ee Ciyaarta ayaa Xulka Somalida waxey garoonka ku soo galeen dar dar iyo niyad ka duwan tii hore waxeeyna bilaabeen weerar loogu magac daray hadaad libaax tahay aniguba waxan ka imid dhulkii udkoonaa ee ay abwaanada Somaliyeed horey u dhaheen dhaxal ma leh nin Somaliyoon dhaqanin gooreeye oo ay ula jeedeen Hilib Geel ayaa iku maqan saaxiib , waxeyna dhalintii Somaliyeed ee dalkoodu ka socday 21 sano dagaalada sokeeye iska maamulanayeen meel aan sidaasi uga fogeyn goosha ciyaartooyda Ethiopia oo u muuqday kuwo ku dadaalayey oo kaliya in aan wax gool ah laga dhalin ilaa markii danbe mid ka mid ah ciyaartooyda Ethiopia laga saro garoonka kadib markii kaarka gaduudan loo taagay.

Hadaanu sii kala qaadno xulka kubada cagta Somaliya waxey aad ugu dhisnaayeen dhinaca difaaca oo markasta weerarka Ethiopia waxey uga baxayeen Hobside ilaa Qaranka Ethiopia laga diido dhawr gool.

Al muhiim ciyaartii waxey ku dhamaatay 0 iyo 0.


isha warka Hiiraan state
webmaster@hiranstate.com
admin@hiranstate.net

Comments

No Comments have been Posted.

Post Comment

Please Login to Post a Comment.

Ratings

Rating is available to Members only.

Please login or register to vote.

No Ratings have been Posted.
Render time: 0.15 seconds
14,569,563 unique visits