Hidaha iyo dhaqanka

; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ;

Users Online

· Guests Online: 6

· Members Online: 1
judywf18

· Total Members: 189,964
· Newest Member: evokafr

Welcome

Kooxda Shabaab iyo Al-qacidada Somaliya oo markasta awood aysan l.aheyn idaacadaha ka shegta

Wararka MaantaHS:-Kooxaha argagixisada Shabaab iyo ajaanibtooda oo caawa lagu duqeeyey degmada Afgooye xili ay shegeen iney heystaan qalabka sheega diyaaradaha.

Waxaa caawa dhawr gantaal lala eegtay goob ay ku shirayeen horjoogayaasha fowdada ka wada dalka Somaliya ee Shabaab iyo xulifadooda al qacida ee kusugan gudaha Somaliya. gantaaladan oo loo maleynayo kuwa laga tuuro diyaradaha dagaalka ayaa dhawr xabo la helay goobahii looga shakisanaa iney kooxdaan ku sugan yahiin.

Wararka naga soo gaaraya magaalada Afgooye ayaa sheegaya in ay u badan tahay in goobtaasi lagu dilay rag muhiim u ahaa labada dhinac Shabaab iyo saraakiil sar sare oo ka tirsan Alqacida. xiliga lala eegtay gantaalada ayaa waxa ka horeyey sahan dhawr sacadood qaatay maadama wadanka ay colaadi ka jirto xiliga habeenkiina ay socdaan oo kaliya kooxdaani sidaasi ayaa goobaha caawa la duqeyey loo bartilmaameedsaday.

Sida muuqata beesha caalamka ayaa hada u soo jeesatay iney wax ka qabtaan Shabaab iyo Al-qacidada kusugan Somaliya iyagoo dhawantaan wadamada qaarkood ay qireen ineysan ciidamada Amisom guulo la taaban karo mudo dhawr sano ah oo ay halkaasi ku sugnayeen ka keenin,iyadoo sida la sheegay ay adag tahay in Shabaab laga guuleysto inta uu joogo Shiikh Shariif maadama uu si dadban kooxahani uga mid yahay durbaba wadamada qaarkood dhaqaalahii aysiin jireen ciidamada Amisom 20% wey hakiyeen dhawaana madaxweynaha Ugandha oo TFGda dhaleceynayo ayey dunidu maqli doontaa maadama uu isagu ilaashanayo dantiisa gaarka ah oo kaliya sababna u ahaa qilaafkii ay ku dhacday xukumadii Farmaajo.

Dhinaca kale wadamada daneeya arimaha Somaliya ee iyagu bixiya dhaqaalaha ku baxa Amisom ayaa tan iyo markii ay dalka soo galeen ciidamada Kenya hal mar ku baraarugay guulaha deg deg ah ee ay gareen ciidamada kenya halka Amisom 2 sano ku dhawaad ay ka dagaalameysay dhawr xaafadood oo Mogdisho ka tirsan taasi oo muujineysa ineysan daacad ka aheyn howl galka ay Somaliya ka wadeen dowladaha Ugandha iyo Burundi iyadoo shakiga ugu weyn hada yahay in dhaqaalaha loogu talo galay in lagu fuliyo howlahaasi ay si sahlan u kala qeybsan jireen Shiikh Shariif iyo dowladaha ay ciidamada ka joogaan Somaliya ee Amisom.

Laakinse marka dhinaca kale la eego dowlada Mareykanka wey ogtahay in Shiikh Shariif iyo Shabaab isku mabda yahiin kadib markii hub iyo saanad militeri oo ay dowlada mareykanka ugu deeqday xukumadii Cumar Cabdirashiid si toos ah loogu gacan galiyey amaba la arkey Shabaab oo u isticmaaleysa dagaaladii Mogdisho ka dhacay hubkaasi oo markiiugu wardanbeysay ay dowalda Mareykanka ku ogaayen gacanta Shiikh Shariif.

Dowlada kenya oo ka faa'ideysaneysa qaladaadkaasi ay TFGda horey u soo mareen waxa macquul ah in ciidmadeeda loo bedelo nabad dhaliyayaal oo ay ku biiraan kuwa Amison sidaasina ku helaan amaba loogu weeciyo dhaqaalahii Amisom qeyb ka mid ah. waa macquul in ciidamada Kenya gaaran guul dagdag ah hadii hogaanka hada jira ee xilikasta oo uu wadanku dagaal ku jiro lana doonayo in kooxahaan laga sifeeyo kooxahan argagixisada ah iyagu qilaaf ku jira la bedelo oo wadanka dhawr bilood gudahood doorasho laga qabto inta ya howl galkaani socdaan.

Waxaa kale oo ay howlgalka ciidamada Kenya miro dhal noqon karaan hadii ay ka caawiso shacabka jubooyinka sidii uu uga shaqeyn lahaa maamul shacabka ka ilaaliya fowdada dalkeedana ka ilaaliya fowdada oo la socon kara dhaqdhaqaaqa xuduudaha Somaliya. hadiise ay meeshii qabtaanba amaba Shabaab ka saaraan koox iska qabsato gudaha Somaliya ciidamo badan wey kaka dhiman doonaan Kenya weyna ka shalaayi doontaa dagaalkan ay kula jirto kooxaha argagixisada ah ee wadankeeda dadka ka soo afduubta.

Hadaan eegno waxii ku dhacay ciidamadii Ethiopia ee gudaha u soo galay Somaliya 2007kii iyo waxii ka danbeyey wax yaabahii jabiyey waxaa ka mid ahaa goobtii ay qabtaanba kooxo iska soo horjeeda ayey ku dhafayeen ilaa uu midkasta markii uu waayey dantiisii u gaarka aheyd uu dhabarka ka toogto Ethiopiankii oo ay kala garan waayaan midka saaxiibkood ah iyo midka cadowkooda ah oo ay iney la dagalaan dalka u yimideen.

Aaqirkiina 25000 oo ciidamadii Ethiopia ka socday waxey dalka ka baxeen iyagoo qoomameynayo waayo diyaar uma aheyn iney nabad dhaliyaan.

Ugu danbeyn umada Somaliyeed nabad iyo kala danbeyn wey helayaan marba hadii kooxahan argagixisada ah dhinackasta lagala dagaalo gudaha, dibada, bada iyo bariga ilaa ay ajaanibta dalka joogto wadanka ka baxaan.sidoo kale shacabka Jubooyinka ayaa iyaguna u muuqda kuwo ka faa'ideysanaya qaladaadkii ay horey u galeen shacabka Mogdisho mana doonayaan in ay fowdo ka dhacdo degaanadaasi waxeyna ku qasbanaan doonaan iney ku daba feylaan ugu yaraan maamulka ugubka ah ee Azaniya State maadama raga kale ee uu hayo damaca siyaasadeed ay u badan yahiin qabqablayaashii dagaalka ee ay midawkii maxkamadaha afka ciida u dareen oo iyagu markasta xal u arka Isbaaro iyo fowdo.

La soco wararkeena danbe iyo jabka Argagixisada oo ahguusha umada Somaliyeed iyo waamada deriska la ah.

Isha warka Hiiraan State
webmaster@hiranstate.com
admin@hiranstate.net

Comments

No Comments have been Posted.

Post Comment

Please Login to Post a Comment.

Ratings

Rating is available to Members only.

Please login or register to vote.

No Ratings have been Posted.
Render time: 0.21 seconds
14,579,432 unique visits