Hidaha iyo dhaqanka

; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ;

Users Online

· Guests Online: 4

· Members Online: 0

· Total Members: 189,964
· Newest Member: evokafr

Welcome

Tacsi (Inaa lilaahi wa inaa ilaahi raajicuun)

Wararka MaantaHS:- Waxaa maanta magaalada Toronto ku geeriyooday Ala ha u naxariistee mid ka mid ah aas aasayaashii Jaamada Hiiraan Dr Cabdullqadir Khalif Diriye.


Ala ha u naxariistee waxaa maanta magaalada Toronto ku geeriyooday Dr C/qadir Khalif Dirie oo ka mid ahaa aas aasayaashii jaamacada Hiiraan ee magaalada Belet weyne. marxuumka oo dhawrkii bilood ee ina dhaftay ku xanuunsanaa wadanka Kanada ayaa aaqirkii u geeriyooday xanuunkaas.

Dr A/qadir waxuu ka mid ahaa aqooyahanada fara ku tiriska ah ee suuro galiyey in caruurta Hiiraan helaan tacliin tayo sare leh inkasta oo uu ku hamin jiray inuu caruurtaasi mustaqbalka wax ku baro isla jamaacadaasi oo uu doonayey inuu macalin ka noqdo.

Inkasta oo waqtiga iyo waayaha u saamixi waayey intii uu ifka ku lahaane ay halkaasi ku egeyd hadane waxuu ka mid yahay jiilkii ugu horeyey ee taariikhda reer Hiiraan suura galiya inba caruurta Hiiraan helaan Jaamacad amaba tacliin sare.

Marxuumka waxuu ifka kaka tagay xaas iyo 3 caruur ah mudadii uu xanuunsanaa waxaaa dunida dacaladeeda kaka kala yimid qeynaha kala duwan ee bulshada Somaliyeed hadey noqon laheyd qaraabo iyo saaxiibo intuba.

Marxuumka ayaa ku geeriyooday maanta Isbitaalka weyn ee Toronto General Hospital ee magaalada Toronto.ka hor intii usan xanuunsan waxuu bare amaba macalin ka ahaa una shaqeynayey wasaaarada waxbarashada dalka kanada isagoo ay xirfadiisa shaqo aheyd bare amaba macalin.waxuu ahaa shaqsi ahalu diin ah.

Bahda HS.COM iyo guud ahaan bulshada reer Hiiraan waxaanu leenahay samir iyo iimaan marxuumkane ilaah camalkiisa ha u wanaajiyo eheladii iyo qaraabadiina samir iyo Iimaan Amiin .

Waxaanu dib ugu soo faaloon doonaa taariikh nololeedka marxuumka.

Comments

No Comments have been Posted.

Post Comment

Please Login to Post a Comment.

Ratings

Rating is available to Members only.

Please login or register to vote.

No Ratings have been Posted.
Render time: 0.22 seconds
14,613,494 unique visits