Hidaha iyo dhaqanka

; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ;

Users Online

· Guests Online: 3

· Members Online: 0

· Total Members: 189,964
· Newest Member: evokafr

Welcome

Wasiirka difaaca Somaliya oo sheegay in dagalka Shabaab l akaashanayan cidkasta.

Wararka MaantaHS:-Wasiirka gaashaandhiga Somaliya Xuseen Carab Ciise oo sheegay in dagaalka Shabaab la kaashanayaan cidkasta taasi oo laga yaaboiney soo dhaweeyaan bulshada Somaliyeed ee u baahan iney Somaliya ka dhalato dowlad shaqeysa si umada Somaliyeed dhibaatada ay ku soojireen mudada looga saaro.

R/Wasaare ku xigeenka ahna wasiirka difaaca dowlada kumeel gaarka ah ee Somaliya oo maanta dalka dib ugu soo laabtay ayaa shir jaraa'id ka sheegay in dowlada kumeel gaarka ah ay soo dhaweyneyso cid walba oo gacan ku siineysa la dagaalanka kooxda argagixisada ah haddii aysan ku xadgudbeynin qarannimada iyo jiritaanka umada Soomaaliyeed.

Mudane Xuseen Carab Ciise oo uu la socday taliyaha ciidanka xooga dalka ayaa subaxnimadii maanta dib ugu soo laabatay magaalada Muqdisho kadib socdaal shaqo uu kusoo maray wadamada Ethiopia iyo Kenya halkaasi oo uu mudadii uu joogay kula soo kulmay madax kala duwan oo ka socotay bariga Africa.

Wasiirka ayaa shegay in ay lama huraan tahay sidii kooxahaan dalka looga sifeyn lahaa laakisne ma sheegin marka Shabaab laga cirib tiro dalka waxa ka danbeyn doona amaba sida laga yeeli doono kooxda iyadu isku diyaarineysa iney hogaanka dalka xoog kula wareegto ee Ahalusuna oo iyadu heshiisyada u gaarka ah la galeeysa dowladaha daneeya arimaha Somaliya oo iyaguna huwan magac diin laakisne damacoodu yahay iney rabaan inta ay Shabaab rabaan iyo ka badan.

Xuseen Carab ciise wasiirka oo saxaafada kula hadlay garoonka diyaaraddaha ayaa sheegay in dowladda ay soo dhaweyneyso cid kasta ee gacan ku siineysa sidii loo afjari lahaa kooxda Shabaab haddii aysan wax xad gudub ah ku smeneynin jiritaanka iyo qarannimada dalka , waxa uu hoosta ka xariiqay Wasiirku in dowladaha deriska ah ay hal cadow leeyihiin dowlada itoobiyana uu waajib ka saaranyahay inay Soomaaliya ka caawiso la dagaallanka Shabaab, Ahalusuna hada looma arko qatar.

Dhanka kale mar wasiirka wax laga weydiiyay sababaha keenay inay soo laa laabtaan dagaalada ay magaalada Mogdisho ka wadaan Shabaab ayuu xusay inay farsamadii dagaalka bedeleen isla markaana ay dowlada ka shaqeyneyso sidii dalka oo dhan looga cirib tiri lahaa koxdaasi waxa uuna farta ku fiiqay inaysan jirin wax hakad ah oo ku yimid howlgaladii ay ciidamada TFGda ka wadeen gobolada dalka, dabcan waxuu ka hadlayaa gobolka Gedo oo kaliya maadaama uusan gobolada dhexe ka jirin ciidan wata waxba magac dowladeed ah oo xaqiiqada leyska indha tirayo.

Sidaani oo kale ayey dowladii ka horeysay mida hada jirta ugu hadli jireen midowkii maxkamdaha oo ay xiligaasi u arkeen cadowka umada Somaliyeed iyagoo masuuliyiintii xiligaasi jirtayna ay dhihi jireen cidkasta oo naga caawimeysa in aanu dalka ka saarno waanu soo dhaweyneynaa waa hadaladii taariikhda galay ee laga maqli jiray Husen Ceydiid iyo Cali Max'ed Geedi xiligii maxkamadaha dagaalka ku qadeen Beydhabo. xilgaasi wey jireen kooxda Shabaab laakiisne magac ahaan uma jirin hadase waxaa loo jeedaa oo kaliya qatarta Shabaab lagama baaraan dagayo waxa ay yahiin Ahalu suna iyo waxa mustaqbalka dhaw laga filan karo marka Shabaab la saaro madama ay iyaguba huwanyahiin magac diimed la mid ah midka ay Shabaab iyo maxkamadahii horey u isticmaaleen.

Maamul goboleed waa la gartay hala diido amaba hala ogolaadee laakisne kooxo diimeedyada marba marka ka danbeysa wadanka ka curanayo qatartooda xiliga laga bixidoono ayuu muranweyn ka tagan yahay waxaana la qaatay in Shabaab iyo Ahalu suna halmar hubka laga dhigo iyagoo mid lala dagalayo midka kalena si nabad ah looga qaado hubka waa hadii dowladnimo iyo kala danbeyn laga doonayo Somaliya ayuu yiri qabiir ka hadlayey wadamada ay colaadu ka taagan tahay sida Somaliya oo kale oo ay ka jiraan kooxaha markasta magacyada diimeedka xambaarsan laakisne ujeedadoodu tahay xukun raadis.

Mar uu sii hadlayey ayuu yiri hadii ay daacadnimo jirto kooxda Ahalusuna mey ku dagaal galan maagca TFGda?ma doonayaan waayo waxa ay TFGdu rraadineyso ayey iyaguba raadinayaan waana gursigaas ayuu yiri.

Laakisne hadalka wasiirka difaaca oo ka turjumaya marxalada maanta la marayo maadama aysan masuuliyiinta Soamliya intooda badan mustaqbalka xil iska saarin hada hadalkaasi waxaa la joogaa waqtigiisa waana macquul iney bulshada Soamliyeed soo dhaweeyan.

isha warka Hiiran State
webmaster@hiranstate.com
admin@hiranstate.net


Comments

No Comments have been Posted.

Post Comment

Please Login to Post a Comment.

Ratings

Rating is available to Members only.

Please login or register to vote.

No Ratings have been Posted.
Render time: 0.17 seconds
14,579,845 unique visits