Hidaha iyo dhaqanka

; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ;

Users Online

· Guests Online: 4

· Members Online: 0

· Total Members: 189,964
· Newest Member: evokafr

Welcome

Mudanayasha baarlamaanka oo waxbo kama jiraan ku tilaamay gudigii Roadmapka

Wararka Maanta Xildhibaano ka tirsan barlamanka Soomaaliya oo maanta kulan ku yeeshay magaalada Muqdisho ayaa waxa ay sheegeen in ay kasoo horjeedaan Gudiga Wadajirka ah ee habraaca marxalada kala guurka ah “Roadmap” ee uu shalay magacaabay Ra’iisul wasaare C/wali Gaas iyadoona u arintani la ogyahay gudoonka baarlamaanka Shariif Hasan xildhibanada manta kulanka qabtay.

Kulankaani oo ay isugu yimaadeen Xildhibaano tiradooda ay gaareyso 200 ku dhawaad oo ka tirsan barlamaanka Soomaaliya ayaa waxa ay ka soo horjeesteen Gudigii shalay Ra’iisul wasaare C/wali Gaas uu u magacaabay meel marinta qorshaha RoadMapka ee mudada halka sano ah ee kasoo baxay go,aanadii shirkii Kampala Acord.

Xildhibaanada ayaa waxa ay sharci daro ku tilmaameen Gudigaasi oo ay sheegeen in qorsho howleedkaasi aan la horkeenin Mudanayaasha barlamanka Soomaaliya, waxaana ay intaasi ku dareen in Xukuumada ay ku xadgudubtay axdiga u dagsan TFGda oo ay sheegeen in meel looga dhacay iyaga oo gaba gabadii kulanka la hadlay Warbaahinta ayaa waxa ay sheegeen in Xukuumada ay weyn doonto kalsoonida barlamanka hadii ay ku adkeysato sida uu hadalka u dhigay ku xad gudubka sharciga u dagsan dowlada kumeel gaarka.

Xildhibaan Saleymaan Max’ed Ibraahim ,Abuukaate Max’ed Nuur Sheegoow iyo mudanayaal badan oo kulanka ka hadlay ayaa waxa ay sheegeen in loo baahan yahay in Xukuumada ay ka digtoonaato ku dhaqanka qorsha howleedka oo uu sheegay in ay ku jiraan qodobo ka hor imaanaya Axdiga KMG, isagoo tibaaxay in qorshahaani loogu tala galay in dalka dib loogu celiyo dagaaladii sokeeye maadaama aysan u dhameyn Somaliweyn ayaa warbixinta lagu yiri qorshaha Rodmapka aya waxaa siweyn uga soo horjeeda shacabka Hiiraan, Bay iyo Bakool iyadoo laga yaabo in ay arintan sameyn ku yeelato hoganka guud ee TFGda.

Xildhibaan Madoobe Nuunoow Max’ed oo ah Gudoomiyaha Guddiga dastuurka iyo arimaha fedralka baralamanka oo isna ka hadlay halkaasi ayaa sheegay in barlamanka uusan ogalaan doonin in xilligaani Umada Soomaaliyeed dib loogu celiyo marxaladihii dhibaato oo ay soo mareen isagoona ku tilaamay arintaani mid aysan aqbaleyn baarlamaanka kumeel gaarka Somaliya.

Maalintii shalayto ayey aheyd markii R/wasaare Gaas uu magacaabay Gudi isku dhaf ah oo ka soo talo bixiya sidii uu u qabsoomi lahaa shirkii lagu waday inuu ka dhaco magaalada Garoowe.

Maxey tahy shaqada rasmiga ah ee gudigan Roadmapka?

Gudiga lagu dhawaaqay malintii shaleyto xitaa kama war hayo wasiirka qorsheynta iyo xiriirka caalamiga ah oo ahaa gudoomiyahii arimaha Roadmapka loo xilsaaray ujeedada gudigan loo boobsiiyey ayaa ah sidii loo dhimi lahaa tirada baarlamanka marka la tago Garoowe halkaasne lagu dhimo awooda gudoonka baarlamanka ka hor inta aan la gaarin doorashada soo socota.

Gudigaan ayaa waxuu meesha ka saarayaa gabi ahaanba gudiyadii hore ee Dastuurka iyo kuwii uu horey u dhisay gudoonka baarlamaanka.sidoo kale arimahii Roadmapka ayaa hakad galay kadib markii wasiirka Qorsheynta iyo kan Dastuurka aad u dareemeen in arinta Roadmapka aysan u dhameyn Somaliweyn maadama ay xita ka maqan yahiin wasiirka Qorsheynta shacabkii uu ka soo jeeday deegankiisa ee Hiiraan. arintaan oo markii ay hakad gashay kadib uu R/wasaaraha go,aansaday inuu xilka ka xayuubiyo dhawr wasiir oo aanu ka xusi karno Wasiirka Qorsheynta, Arimaha gudaha iyo kan Dastuurka.

Gudigan ayaa ku dhawaaqidooda aysan sharci aheyn ilaa laga ansaxiyo golaha baarlamanka hadii aan baaralamaanka la horgeyna howshooda wey adag tahay iney meel mar noqoto waxaana laga yaaba in wasiirka qorsheynta iyo xiriirka caalamiga oo ka dheregsan siyaasadaha ka socda Mogdisho ee saacadkasta is bed bedelayo awadeed inuu shaqadiisa iskaka tago inta aanba la gaarin in isaga xilka laga qaado sidaasina arimahii Roadmapka ku bur buraan.

Isha warka Hiiraan State
webmaster@hiranstate.com
admin@hiranstate.net

Comments

No Comments have been Posted.

Post Comment

Please Login to Post a Comment.

Ratings

Rating is available to Members only.

Please login or register to vote.

No Ratings have been Posted.
Render time: 0.30 seconds
14,569,568 unique visits