Hidaha iyo dhaqanka

; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ;

Users Online

· Guests Online: 1

· Members Online: 0

· Total Members: 189,964
· Newest Member: evokafr

Welcome

HS:-Wararkii ugu danbeyey shirar isadaba jooga ah oo u ka wado m/weynaha mustaqbalka Somaliya UAE.

Wararka MaantaHS:- Dalka Isku taga Imaaraadka carabta waxaa ku sugan Musharraxa Madaxweynennimada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Professor Ahmed M. Warfaa isagoona halkaasi shirar iskugu jiray kuwo dipolomaasiyadeed iyo kuwo uu la kulmayey qeybaha kala duwan ee bulshada Somaliyeed oo uu madaxweynaha mustaqbalka ula kulmayey siyaabo kala duwan.

Professor Warfaa mudadii uu halkaasi ku sugnaa ayaa waxuu kulamo la qaatay wadamada daneeya arimaha Somaliya, siyaasiyiin, culimo, aqoonyahano, dhaliyaro iyo ugu danbeyn waxgarad Somaliyeed. shirarka oo iskugu jiray labo nooc hadaanu kala qaadno.

1- Inta badan shirarka uu la yeelanayey qeybaha kala duwan ee bulshada Somaliyeed oo ay ugu horeeyaan siyaasiyiinta maadaama uu dalku ku soo jiray mudo dagaal sokeeye waxaa Somalida booqaneysa Musharaxa loo diyaariyey qeyb ay muwaadiniinta Somaliyeed isku wareystaan amaba ku kaftamaan. waxaana ugu muhiimsan inta badan wax yaabahii laga hadlayey.

a) ka hadalka xiligii wanaagsanaa ee ay bulshada Somaliyeed ahaayeen umad jirta iyo sidii walaaltinimada , Somalinimada, muslinimada iyo deriswanaaga laheyd ee ay inta badan qaar ka mid ah bulshada horey u soo mareen.

b)Mustaqbalka siyaasadeed ee madaxweynaha Mustaqbalka iyo inta howsha adag ee ay ku doonayaan iney isbedel la taban karo kaka sameeyan dalka iyo dadka Somaliyeed waxii ka danbeeya 2012ka xiligaasi oo lagu rajo weynyahay in dalka laga saaro xiliga kumeel gaarka dalkana ay ka dhalato dowlad rasmi ah.

C)Inta badan lagama hadleyn waxii naga qaldamay ee waxaa la abaarayey sidii mustaqbalka dalka iyo dadka Somaliyeed loogu horseedi lahaa cadaalad, sinaan, qeyraadka dalka ku jira oo looga faa'ideeyo umada iyadoon loo eegin degaan amaba qabiil oo shaqsikasta lagu qiimeeyo inuu yahay muwaadin Somaliyeed kaalinta uu dalka iyo dadka Somaliyeedna ku bad baadin karo lagu qiimeeyo lana dhageysto fikirkiisa si uu mustaqbalka u noqdo qof wax ka leh talada dalka haduu yahay dhaqtar amaba qof qabiir ku ah aqoonta dhinac kasta leh hadey noqon laheyd mid diin amaba mid maadi ah, sido kale ganacsatada kaalintooda ayan ka marneyn kulamada qaarkood.

d)Madaxweynaha mustaqbalka Somaliya waxuu xooga saaray inuu hor fadhiisto amaba casuumo inta aan la gaarin ololahiisa doorasho inuu si fool ka fool ah ula kulmo qeybaha kala duwan ee bulshada Somaliyeed siiba shaqsiyaadkii siyaasada dalka horey u soo maray amaba hada haya hadey noqon laheyd min tuulo, gobol, madaxweyne maamul goboleed ilaa heer hogaanka dalka shaqsi kasta oo Somaliyeed eeba xil dalka ka soo qabtay intiiba uu ka gaari karo dhawrka bilood ee inagu soo aadan arintaan oo hada bilaaw ah socona doonta sida warar horu dhac ah lagu helayo ilaa laga gaarayo doorashada soo socota si ugu yaraan musharaxu u ogaado waxa dal ahaan amaba bulshada Somaliyeed ka qaldamay waqti hore iyo mid dhawba.

Hadaan uga baxno shirarka uu musharaxu la leeyahay qeybaha kala duwan ee bulshada Somaliyeed hadane waxaa dhinac socda shirar is daba joog ah oo uu mudadii uu joogay musharaxu halkaas kula qaatay diplomaasiyiin sida safiiro, wakiilo gaar ah oo ka socda hogaamiyaasha dalkooda iyo waliba masuuliyiin sida la shegay caan ka ah golaha guud ee QM amaba UN-ka.

Arinta kale ee iyaduna aad u xiiso badan ayaa ah in kooxda ku mashquulsan ololaha Professor Warfaa iyo kuwa ku soo biiri doono mustaqbalka aan loo eegeyn qofku waxa uu yahay amaba ahaan jiray waxaa muhiim u ah teamka inuu qofkaasi yahay muwaadin Somaliyeed uuna diyaar u yahay isbedelkaan dalka iyo dadka Somaliyeed lagu bad badinayo inuu dhinaciisa kaka soo biiri karo sharuud kale maba jirto waa howl u furan cidkasta oo Somaliyeed, taasi waxey ku tusineysaa sida ay musharaxu iyo teamkiisu ugu go,an tahay iney waji cusub u furaan mustaqbalka siyaasad cidkasta danteeda ka dhax raadsan karto laguna bad badin karo jiritanka dalnimo iyo umadnimo.

Laakinse waxaasi oo dhan hadaanu soo koobno waxaa ugu muhiimsan sidii ay bulshada Somaliyeed u heli lahaayeen hogaamiye daacad ah oo u sinaada umada kana daaya eex iyo dano qabiil isku sina u qaabiilo amaba ugu adeega danta bulshada iyo tan dalka, dushana u dhigan kara inuu dabargooyo colaadahii micno darada ahaa ee ka dhax dhici jiray bulshada. hadii intaas loo helo bulshada Somaliyeed inta kale iyagaa qabsanayo oo yaqaana sidey qeyrkood ula jaan qadi lahayeen amaba uga dhereyn lahayeen nolosha asmiga ah ee ka jirta dunidan aynu ku noolnahay maanta..

Hadaba la soco wararkeena danbe iyo shirarka oo marba marka ka danbeysa u gudbaya heer caalami.

Isha warka Hiiraan State
webmaster@hiranstate.com
admin@hiranstate.net

Comments

No Comments have been Posted.

Post Comment

Please Login to Post a Comment.

Ratings

Rating is available to Members only.

Please login or register to vote.

No Ratings have been Posted.
Render time: 1.13 seconds
14,667,382 unique visits