Hidaha iyo dhaqanka

; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ;

Users Online

· Guests Online: 2

· Members Online: 0

· Total Members: 189,964
· Newest Member: evokafr

Welcome

HS:-Faa'idooyinka laga dhaxlay tan iy markii Jamaamacada Hiiraan Belet Weyne.

Wararka MaantaHS:-Faa'idooyinka laga dhaxlay tan iyo markii Jamaamacada Hiiraan laga hirgaliyey magaalada Belet Weyne .

Tan iyo markii ay aqoonyahano reer Hiiraan ah ku guuleyteen iney ka hirgaliyan magaalada Belet Weyne waxaa hal mar kor u kacay rajada bulshada iyadoo aad moodo in uu waa cusub u furmay bulshada ku dhaqan Hiiraan siiba waalidiinta oo dhibaato ku qabay dhawr sano ka hor marka ay caruuurtooda ka baxan amaba dhameystaan dugsiga sare u aadi jiray jaamacad meel aad uga fog fog sida Mogdisho,Puntland, Somaliland iyo wadamo kale, halka waalidiinta qaarkoodna ay ku adkaan jirtay ineyba caruurtooda u diraan meel ka baxsan Hiiraan daruufo jiro aawadeed.

Hadaba furitaankii iyo dhismahii la dhisay Hiiraan University waxey shacabka Hiiraan u furtay nolol cusub iyadoo dadku ay bilaabeen iney tuulo kasta u dhistaan Schoolo amaba soo nooleeyaan waxbarashadii.Inkasta oo aanu halkaan ku soo koobi karin Schoolada Hiiraan laga hirgaliyey tan iyo dhismahii jaamacada Hiiraan hadane waxaanu maanta ku soo qadaneynaa dugsi h/dhexe oo laga hirgaliyey dhawaantan mid ka mid ah tuulooyinka Hiiraan kuwooda ku deedsan amaba u dhaw magaalooyinka waaweyn sida Bulo Burde iyo Belet weyne inta u dhaxeysa.

Hadaba inta aanan u guda galin Schoolkaan waxaanu isku dayi doonaa in aanu dul marno qaabkii lagu dhisay.tuulada Qansax waxey ku taalaa bartamaha magaalooyinka Belet Weyne iyo Bulo Burde waana tuulo hodan ku ah beeraha oo ay ku badan yahiin wax soo saarka.Tuulada waxa ka yimid aqoonyahano fara badan oo ku kala daadsan dunida dacaladeeda waana tuulo ku wanaagsan dhinaca nolosha hadey noqon laheyd wax soosaarka, biyaha oo waxa u dhaw wabiga Shabeele . sidoo kale waxey ku taalaa meel sare oo dhulka ka kacsan taasi oo xiliyada kuleylaha hadaad ku nooshahay xitaa aad dareemeyso neecaaw macaan.

Hadaba mudo hada laga joogo dhawr sano ayaa waxaa tuulada ka hirgaliyey Schoolka aad muuqaalkiisa aragtaan hayada Save The Children qeybteeda Hiiraan iyadoona mudadii ay socotay howsha dhismaha schoolkaani ay kaalin wax ku ool ah ka qaateen shacabka tuulada oo muujiyey dadaal dheeri ah.nasiib wanaag mudo ayuu hakad galay inuu shaqeeyo schoolka iyadoo loo aaneynayo colaad iyo dagaalo isdaba joog ahaa oo marba marka ka danbeysa ka dhacay gudaha Hiiraan taasi oo aad u yareysay inba waqti loo helo ay caruurtu wax ku baran karaan.

Mudadii uu schoolka xirnaa waxey shacabka magaalada degan ku dadaleen in aan la bililaqeysan inta laga helayo waqti ku haboon oo dib loo furi karo Schoolka ha yeeshee dhawr sano kadib waxaa u suuro gashay qurba joogta degankaasi ka soo jeeda iney dib u furaan una dayac diraan schoolka.Hadaba qaabkii loo furay iyo sida uu u shaqeeyo waxaanu kaka hadli doonaa warbixinadeena kale. hadase muuqaalka aad aragtaan waa intii aan la dayac dirin Schoolka amaba aan dib loo furin.




La soc wararkeena danbe iyo Schoolka H/dhexe ee Qansax oo ku yaala Hiiraan.

Isha warka Hiiraan State
webmaster@hiranstate.com
admin@hiranstate.net

Comments

No Comments have been Posted.

Post Comment

Please Login to Post a Comment.

Ratings

Rating is available to Members only.

Please login or register to vote.

No Ratings have been Posted.
Render time: 0.24 seconds
14,614,656 unique visits