Hidaha iyo dhaqanka

; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ;

Users Online

· Guests Online: 4

· Members Online: 0

· Total Members: 189,964
· Newest Member: evokafr

Welcome

HS:- Dowlada Mareykanka oo qorsheyneysa iney ka mabnuucdo dalkeeda Xawaaladaha Somalida ka hor.

Wararka MaantaHS:- Dowlada mareykanka oo qorsheyneysa iney ka mabnuucdo dalkeeda Xawaaladaha Somalida ka hor inta aan la gaarin sanadka cusub 2012ka.

Qorshahan oo socday mudo ayaa hada ku dhaw gabo gabo iyadoo shirkadaha qarkood lagu wado in laga xanibo hantida u taalo bangiyada reer galbeedka.hayada sirdoonka Mareykanka ee loo yaqaano CIA-da ayaa lagu soo waramayaa iney bangiyada qaarkood ku wargeliyeen iney soo gudbiyan Xogta acountiyada shirkadaha oo dhan si loo ogado dhaqaalaha ay wadanka ka bixiyeen waxii ka danbeyey 2001-kii meesha laga diray iyo meesha ay u socdeen.

Sidoo kale qorshe ay iska kaashanayeen wadamada Mareykanka iyo Yurub ayaa lagu ogaaday shirkadaha Xawaaladaha qaarkood iyadoo loo marayo hayadaha gar gaarka QM si loo ogaado shirkadaha dhaqaalaha geyn kara goobaha ay ka arimiyaan Shabaab waxaana lagu soo waramayaa in dabagal aan caadi aheyn lagu hayo ilaa 4 shirkadood oo saldhigoodu yahay wadanka isku taga Imaaraadka Carabta iyo qeybo ka mid ah gudaha Somaliya.

Wararkii ugu danbeyey ayaa shegaya in Magaalooyinka Minneapols, Culombus oo Ohio ah iyo Washington DC ay hada qarka u saaran yahiin shirkadaha Xawaadladaha in laga xirto Acountigooda walow silama filaan ah hal mar looga xiri doono dhamantood.

Waxaa kale oo iyaguna jiro Somali badan oo shirkadahaasi dhaqaalo ka diray oo dabagal lagu hayo. wararka qarkood waxey sheegayaan in Somali badan oo xabsiyada Yurub iyo America ku jira oo looga shakisan yahay iney xiriir la leeyahiin kooxaha xag jirka ah laga helay warbixino horu dhac ah taasi oo muujineyso in hada tooshka lagu hayo dhamaanba shirkadaha Xawaaladaha Somalida ka howl gala dalka iyo dibada.

Inta badan bangiyada aduunka wey isku xiran yahiin waxaana maquul ah baa la leeyahay in hal mar shirkadaha laga xirto meelaha ay dhaqalaha ay xawilaan marsiiyaan.

Isha warka Hiiraan State
webmaster@hiranstate.com
admin@hiranstate.net

Comments

No Comments have been Posted.

Post Comment

Please Login to Post a Comment.

Ratings

Rating is available to Members only.

Please login or register to vote.

No Ratings have been Posted.
Render time: 0.22 seconds
14,568,957 unique visits