Hidaha iyo dhaqanka

; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ;

Users Online

· Guests Online: 9

· Members Online: 0

· Total Members: 189,964
· Newest Member: evokafr

Welcome

HS:- Xaalada uu dalku ku sugan yahay:Xog uruurin aanu ka soo diyaarinay qeybaha kala duwan ee bulshada Somaliyeed ayaa waxey jawaabtii noqotay.

Wararka MaantaHS:- Xaalada uu dalku ku sugan yahay:Xog uruurin aanu ka soo diyaarinay qeybaha kala duwan ee bulshada Somaliyeed ayaa waxey jawaabtoodii noqotay sidan.

Marka dhibaato soo taagneyd mudo aad dooneyso inaad wax ka weydiiso qeybaha kala duwan ee bulshada waxaa markasta ka soo baxa fikrado kala duwan laakisne waxaa inta badan arinta laga abaaraa meesha ay u badan yahiin shacabkii markaasi nasiibka u yeeshey inba wax laga weydiiyo xaalada markaasi lagu jiro.

Hadaba markaanu arknay heerka uu wadanku ku jiro, markaanu araknay kaalinta uu ka geysan karo shaqsi kasta oo Somaliyeed sidii uu dalkiisa u nabadeyn lahaa, markaanu aragnay colaada 21 jirsatay ee ku habsatay umada Somaliyeed. waxaanu xooga saarnay bal in aanu dul marno halka ay tiigsanayaan mustaqbalka umada Soamliyeed waxii ka danbeeya xiliga kala guurka amaba 2012.

Hadaba inkasta oo aanu halkaan ku soo koobi karin dhamaanba jawaabahii ay dadku siyaabo kala duwan u dhiibteen hadane nuxurka hadalkoodu waxuu noqday sidan.

Somaliya hadii in ay degto la doonayo waa in marka hore siyaasada ay ka nastaan dhamaanba qabiilada uu nasiibkooda ka dhigay iney hogaanka dalka qabtaan intii ay jirtay bulshada Somaliyeed waana in si isbedel loo helo ay hoganaka dalka la wareegaan wajiyo cusub amaba beelo aan aheyn kuwii horey u soo qabtay talada dalka ayaa ka mid ahaa fikradaha ay dadku dhiibteen.

Qaarkood waxey leeyahiin hadii qeyb bulshada ka mid ah jaanis u heleen iney dalka horey u soo hogaamiyaan xoog iyo xeeladba waxaa la joogaa waqtigii isbedelka oo jaanis la siin lahaa qeybaha kale ee aan walito hogaanka dalka ku fadhiisan.

Inta badan dadku uma arkin iney qalad tahay in hogaanka dalka in mudo ah isku bed bedelaan dhawr gobol amaba qabiil ee waxey leeyahiin walaalahaasi bal markaan ha nasteen hana isku dayaan iney dejinta dalka kala shaqeeyaan wajiyada cusub ee imaan doona oo ay ula jeedeen intii aan horey u soo qaban xilka dalka hadey noqon laheyd shaqsi amaba qeybo badan oo ka mid ah bulshada Somaliyeed.

Waxeyna hadalkooda ku soo gabo gabeeyeen in la joogo waqtigii ay hogaanka dalka la wareegi lahaayeen qeybaha Somaliyeed ee aan waligood waqti u helin iney qabtaan talada dalka sidey ku dhacdayba.

Dalka Somaliya oo ah dal fashilmay waxa uu maanta marayaa in marka dowladaha aduunka ka hadlayaan wadamada fashilmay amaba wax xun in la sheego la doonayo la yiraahdo like Somaliya. waa wadan sida la qirsan yahay marka dib loo eego dowladahii soo maray dalka umada lagu hogaamin jiray cadaalad daro tan iyo markii uu dalku xornimda qaatay.

Dhacdooyinka taariikhda galay marka laga soo tago dowladahii is xig xigay ee dalka soo maray 60kii sano ee ugu danbeysay hanaankii dowladnimo iyo cadaaladii waxaa ka dheereeyey dano qabiil iyo eex inta badan aan lagu najaxin.

Mar ay dadkii aanu weydiinay qaabka ugu haboon ee dalka iyo dadka loo bad baadin karo ayaa mid ka mid ah bulsahdii aanu su'aalaha weydiinay waxuu yiri xagee lagu arkey beel amab laba beel oo Somali ah oo jagooyinka ay ka hayan TFGda marka la bar bar dhigo ilaa 10 qabiil oo Somaliyeed ka badan.

Iyagoo ula jeeday hananka ay wax ku qeybsadaan labada masuul ee hada hogaamineysa dalka sida ay awooda jagooyinka ugu qeybiyaan amaba xilalka ugu magacaabaan degaanadooda amaba hadaan afka laga ilaalin beelaha ay ka soo jeedaan.waxuu mid ka mid ah tusaale u soo qatay xili dhawr kun oo ciidamo ah loo dirayey dalka Ugandha si loogu soo taba baro halkaasi markii uu ka waayey 2 askari oo iskaba daa qabiilkiisee degaanka uu ka soo jeeday oo ay ku nool yahiin inta badan bulsahada Somaliyeed.

Waxaasi oo dhan markaad dhinaca kale ka eegto waxey salka ku hayaan amaba dhibatada meeshey ka timid waa wadaniyadii oo dalka iyo bulshada ka mareysa heerkii ugu xumaa hadii wadaniyad la waayana cadaalad halkaasi ayey ku dhimatay waxa dalkeenii hooyo ka taana waa intaas.

Hadaba bulshada Somaliyeed oo iyagu ka hadla amaba ka qeyliya hadba dhibtaada markaasi taagan aanse looga baran iney dhahaan Alloow wax qeyr qaba inooku bedel waxaa lagu wadaa iney dhawrka bilood ee inagu soo aadan kabaxaan xiligii adkaa ee kumeel gaarka. waxeysa waxkasta is bedeli karaan hadii uu dalka la wareego masuul daacad ah oo bulshada Somaliyeed u sinaan karaan maadama sad bursi iyo ina adeeroow wax lagu keeni waayey dalkii iyo dadkiina ay ka qaadeen bur bur iyo halaag.

Bulshadu waxey u baahan tahay hogaamiya isku soo dumiya shacabka dalkana ka naxa.
Bulsahdu waxey u baahan tahay wadani uga faa'ideeya qeyraadka dalka umadana ka ilaaliya eex iyo dano qabiil.Bulshadu waxey u baahan tahay mid soo celiya is dhaxgalkii iyo is jecelkii ka dhaxeyn jiray dalka iyo dadka. Bulshadu waxey u baahan tahay aqoonyahan yaqaana dhaqanka iyo waxa ay Somali isku tahay cilmiga diintana aad u yaqaano. Bulshadu waxey u baahan tahay mid canshuurteedii wax ku soo bartay. bulshadu waxey u baahan tahay mid dhaya boogaha iyo dhibaatada dalka iyo dadka Somaliyeed ku habsaday.

Intaasi oo wanaag ah hirgalinteeda waxaa laga doonayaa shacabka oo bal marka hore isweydiiya waxii horey uga soo qaldamay iyo waxa maanta ka qaldan kadibna abaara meesha uu ka dhaw yahay xalka iyagoo talo saaranaya Alaahu subxaanahu watacaalaa ka hor intii aysan shareysan dowlada imaan doonta iyo cida hogaamin doonta oo koleyto noqon doono muwaadin Somaliyeed ileen cirka lagama keenayo umada ayuu ku dhax jiraaye.

La soco qeybteena labaad iyo sida ay shacbaku uga hadalyaan fikirkooda uu aadan isbedelada ku soo fool leh dalka 2012.

Isha warka Hiiraan State
webmaster@hiransatte.com
admin@hiranstate.net

Comments

No Comments have been Posted.

Post Comment

Please Login to Post a Comment.

Ratings

Rating is available to Members only.

Please login or register to vote.

No Ratings have been Posted.
Render time: 0.16 seconds
14,585,869 unique visits