Hidaha iyo dhaqanka

; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ;

Users Online

· Guests Online: 5

· Members Online: 0

· Total Members: 189,964
· Newest Member: evokafr

Welcome

Ciidamada Kenya oo qaadanaya magaca Amisom, halka magaalada Kismaayo

Wararka MaantaHS:-Ciidamada Kenya oo qaadanaya magaca Amisom, halka magaalada Kismaayo ka bixi rabaan Shabaab kadib cadaadis uga yimid ciidamada Kenya ee ku sugan Jubooyinka iyo kuwa maamul goboleedka Azaniya oo dhawrkii maalmood ee ina dhaaftay ku jabiyey Shabaab dhawr tuulo oo ay daagal kula galeen.

Isbitaalada Af Madow,Kismaayo iyo Mareeyey ayaa lagu soo waramayaa iney buux dhaafiyeen dhawacyada askarta Shabaab oo siweyn ugu jabay dagaal ay galeen dhawaantan kadib markii si sahlan loo helay qidadii ay ku dagaal galayeen maadama ciidamda Kenya iyo Azaniya garab ka helayaan shacabka degaanka oo aan sidii hore kooxdaan magacooda bedelay u jecleyn.

Golaha wasiirada xukumada Kenya ayaa shir ay iskugu yimaadeen ku ansaxiyey iney howl galka ciidamada Kenya loo bedelo Amisom oo ay magacaas qaataan maadama ay ciidamada dalka Kenya doonayaan iney halkaasi sii joogaan mudo inta ay degaanada jubooyinka ka hirgalinayaan maamul goboleed saaxiib dhaw la ah dowlada Kenya oo sugi kara amaanka xuduudaha Somaliya iyo Kenya kaasi oo sida muuqata noqon doona maamulka Azaniya hadii aysan kooxda Raaskaambooni oo iyadu ah koox u shaqeysa qaabkii USC oo kale aysan fidno dhax dhigin shacabka Jubooyinka maadama kooxdaasi lagu yaqaano sida dad badan aaminsan yahiin kuwo isbed bedel badan oo marba koox ku biira iyagoo horey uga go,ay midowkii maxkamadaha Islaamiga ee ka talin jiray koofurta Somaliya 2006kii ilaa ay markii danbe la baxeen ururkaan ay hada magaciisa wataan ee Raaskaambooni oo ka farcamay kooxdii uu hogaamin jiray Hasan Turki.

Sikastaba guul daro is xig xigta ayaa soo food saartay kooxdii dhawr sano ka hor meeshii ay galaan guul ka keeni jiray ee Shabaab, waxaana guuldaradan loo aaneynayaa shacabkii Somaliyeed oo horey usoo dhaweeyey markii ay ka dhigeen mid ay dilaan, xubnahiisa jar jaraan ugu danbeyna intey Bam ku qarxiyaan boqolaal ruux kuna tilmaama iney laayeen gaalo.

Waxaa lagu soo waramayaa in ay adag tahay inba mar danbe Somaliya ka taliyaan kooxo diimeedyo maadaama la arkey heerka ay cadaawadooda gaarsiisan tahay taasi ayaana keentay in maanta ciidamada Kenya ay shacabku garab ku siinayaan sidii looga sifeyn lahaa Jubooyinka.

Warar aan la hubin ayaa sheegayo in magaalada Kismaayo inteeda badan ay iskaka baxeen ciidamada Shabaab oo ay baro cayiman oo kaliya dhigeen ciidamo loo eegeysiiyey iney magaalada dhan gacanta ku hayaan.si kastaba kooxdu hada waxey ku jirtaa marxaladii ugu xumeyd ebed waxeyna hada shir ay dhawaantaan ku soo gabo gabeeyeen magaalada Baydhabo ka soo sareen in la dilo 23 wadaado caan ka ah gudaha iyo dibada Somaliya walow ay midkii ugu horeeyey ku guuleysteen oo ay ku dileen Puntland maalmo dhaw hadane raga la bartilmaameedsanayo ayaa u badan ragii ka tirsanaa midowgii maxkamadaha oo taageeray kadibna ka gaabsaday arinta tan iyo markii ay bur bureen maxkamadahii oo ay isku bedleen Shabaab kuwaasi oo ganacsi fiican ku heysta Kenya iyo Somaliya.

Qaabka ay Shabaab kaka dagalamayaan Jubooyinka ayaa ah mid ay adag tahay iney guul la taaban karo ka keeni karaan maadama ay meesha ka baxday kaalintii shacabka oo iyagu markey dagaal galayaan caanaha iyo biyaha ugu geyn jiray furumaha waxey hada joogaan in kii ka dhaawacmane lagu farxo kii dhintana laga socdo heerkaasina iyagaa gaarsiiyey shacabka.

Mar aanu xiriiro kala duwan la yeelanay bal sida ay shacabku u arkaan magaca cusub ee ay kooxdu la baxday ayaa iyagu u arka waanu soconweynaye aanu cararno oo ay ula jeedaan magaca la bedelo ineysan faa'ido ku gaareyn ee loo baahan yahay in la joogo waqtigii nidaam iyaga ka duwan la tijaabin lahaa oo ay ula jedaan maamul goboleed.

Isha warka Hiiraan State
webmaster@hiranstate.com
admin@hiranstate.net

Comments

No Comments have been Posted.

Post Comment

Please Login to Post a Comment.

Ratings

Rating is available to Members only.

Please login or register to vote.

No Ratings have been Posted.
Render time: 0.17 seconds
14,600,273 unique visits