Hidaha iyo dhaqanka

; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ;

Users Online

· Guests Online: 6

· Members Online: 0

· Total Members: 189,964
· Newest Member: evokafr

Welcome

HS:-Maamulka Puntland, Shariif Hasan iyo QM oo malaayiin dolar ku bixineysa sidii.

Wararka MaantaHS:-Maamulka Puntland, Shariif Hasan iyo QM oo malaayiin dolar ku bixinaya sidii uu u qabsoomi lahaa shirka Garoowe.maxaadse kala socotaa liiska mudanayaasha barlamaanka iyo tiradooda(Roadmap)?

Marka aad eegto isbedelada siyaasadeed ee dalka ka jira waxey hada u muuqataa in ay dalka hogaaminayaan Maamulka Puntland, Shariif Hasan, C/wali Gaas iyo Mahiga halka inta kale loo arko raaciyaal aan wax talo ah ku laheyn siyaasada Somaliya iyadoo ay u muuqato in Shiikh Shariif la go'doomin rabo iyadoo loo marayo wadooyin badan oo qarkood lagu guuleystay qaarne uu isagu sabab u yahay inuu maro marka la eego siyaasadaha jahwareerka ku dhisan ee maanta heysta Shiikh Shariif.

Hadaan ku hor marno qorshaha Puntlnad, Shariif Hasan, C/wali Gaas iyo Mahiga

Maamulka Puntland isagu waa midka maanta kala wada siyaasada Somaliya waxii uu diidane Mahiga waa diidayaa waxii ay ogoladane Mahiga wuu qaadanayaa waayo Mahiga waxaa loogu sheegeeyey amaba la siiyey warbixino ah in siyaasada Somaliya ay waligood hogaaminayeen dadka ka soo jeedo deegaanada Puntland muhiimne ay tahay in laga shidaal qaato maadama ay ka taliyaan degaan weyn oo nabdoon iyagoo xal u arka in arimaha loogu magac daray Roadmapka loo daayo maamulka Puntland iyo R/wasaare Gaas(aaway Somalidii kale)?.

Gudoomiyaha baarlamaanka Shariif Hasan iyo siyaasadahiisa cusub

Waxuu aaminsan yahay inuu siyaasada Somaliya heer ka gaaray isagoo heerkaan ku soo gaaray inuu isticmaali jiray qabqabalyaashii Mogdisho oo uu kala dili jiray aaqirkiina gaarsiiyey heer marka wax laga sheego Shariif Hasan dagaal gacan ka hadal ah ay baarlamanka ka bilaabaan hogaamiyaal aanu ka xasuusano Mohamed Qanyare, Caato iyo Muuse Suudi oo sida uu Shariif Hasan aaminsan yahay amaba dad badan ugu xan waramay ku faana inuu nimankaas isagu mushaar siiyo oo hadii uu ka joojiyo ay afka labadiisa baar furanayaan laakinse waxuu sheegay in laaluushka uu siinjiray ay meesha ka bixi doonto waxii ka danbeeya shirka Garoowe oo la qorsheynayo in siyaasada beelahii ku abtirsan jiray USCda laga dhigayo mid aan jirin maadama ay iyagu isku mashquulsan yahiin oo degaanadooda laga dhigay goobo colaadeed.

R/wasaare C/Wali Gaas iyo siyaasadiisa Somaliya

C/wali Gaas inkasta oo ay isaga iyo Faroole isku yahiin reer Puntland isagu waxuu wadaa siyaasad ka duwan mida Faroole waxuuna aaminsan yahay marka uu soo dhamaado shirka Garoowe inuu canshuur ku soo rogo ganacsatada Mogdisho kadibna malaayiinta dolar ee ka soo baxeysa canshuurtaas beelaha Daarood kula wareegaan Jubooyinka laga soo bilaabo xadka ay Somaliya la wadaagto Kenya ilaa gobolka Sh/hoose sidaasi daraadeed waxuu guclo ugu jiraa sidii uu miro dhal u noqon lahaa shirka Garoowe.laakiinse Faroole isagu fikirkaas ka duwan ayuu qabaa waxuuna Shariif Hasan ka dhadhicyey inuu madaxweyne Somaliyeed ka dhigayo isagana wiilkiisa R/wasaare looga dhigo danta ay hada saaxiibada ku yahiin Faroole iyo Shariif Hasan waa uun intaas hayeeshee C/wali Gaas qorshahiisu waxey dabada la galayaan qabiil iyo wax la mid ah ninkani ay dad badan u heystaan nin wax bartay Faroole ayaaba dhaama oo wiilkiisa wax u raadsanayo isagu bulshada Somaliyeed oo colaad ka daashay ayuu hada kadib dano qabiil ka shaqeynayaa cidkasta oo jubooyinka hogaamisa intii uu u arki lahaa muwaadin Somaliyeed isaga Daaroodeey ayuu leeyahay hadane markaad xaalada dhianca kale ka eegto Farmaajo isagaa meesha ka ceyrsaday oo xiligaasi u arkey qatar kusoo wajahan reer Puntland.



Maxey tahay ujeedada ka danbeysa shirka Garoowe iyo waxa shacabka koofurta Somaliya kunool looga soo qaatay oo kaliya beesha Sacad amaba maamulka Galmudug?

Maamulka Galmudug ilaa hada ma muuqato iney fahamsan yahiin ujeedada shirka Garoowe laga leeyahay amaba qorshaha Roadmapka laakisne waxeysan ilaa hada isweydiin maxey tahay ujeedada shacabka kunool koofurta Mudug ilaa Mogdisho iyaga kaliya loogu daray qorshaha Roadmapka oo inta kale looga reebay? hadaanse taariikhda yara xasuusano ma ahan markii ugu horeysay ee qorshe ay Somaliweyn ka maqan tahay loo isticmaalo jifo ka mid ah beesha Habargedir waxey shacabka Somaliyeed marqaati ka ahaayeen xiligii ay dalka soo galeen ciidamada Ethiopia in xukumada Ethiopia dalkeeda ku casuuntay waxgarad, siyaasiyiin iyo ganacsato ka soo jeeda jifada Ceyr oo isla Habargadir ah, xiligaasi sida hada Galmudug heysata waxey isweydiin waayeen idinkoo jifo ah waxa ay dowlad shacabkeedu yahiin 100 Million idiinkala soo dhax baxeen umada Somaliyeed iyadoo waliba xiligaas beesha laga xasuuqayey cidkasta oo wax fahmeysa iyagu waxey laaluush siinayeen qaar ka mid ah saraakiishii halkaasi ku sugneyd oo waxaa laga xasuustaa laaluushkaas 80 kun oo dolar iyo gaari Landcruiser ah oo ay siiyeen mid ka mid ah saraakiishii ciidamada hogaaminayey ileen Somalidu waxba kalama qarsatee.xagee hada ku danbeeyeen jifadaasi oo iyagoo caasimadii Somaliya la heysto hadane ogolaaday laaluush dhinaca kalena fowdo kawaday iyo waanu jihaadeynaa oo horboodayey muqaawamada maanta Shabaabka isku bedelay?

Siyaasadaha qar iska tuurka ah ee Shiikh Shariif ka heysta loolanka siyaasadeed ee Somaliya

Inkasta oo aanu ku dheeraaneyn ka hadalka Shiikh Shariif maadama aanu horey wax badan uka hadalnay hadane isagu qorshaha uguma jirto inuu siyaasada Somaliya waxii ka danbeeya mudada u hartay inuu ku sii jiro waayo rag beeshiisa ah oo aqoonyahano ah oo doonaya iney tartan u galaan doorashada soo socota oo aanan hada dooneyn in aanu magacooda soo bandhigno ayaa galiyey jahwareerka siyaasadeed ee uu maanta ku jiro si ay u fashiliyaan amaba meesha uga baxdo hamigiisa siyaasadeed iyagoo u sheegay in uu iska ilaaliyo iney wax noqdaan amaba nabad ka dhalato gobolada dhexe ilaa Mogdisho dadka kunool iyadoo waliba farta loogu fiiqayo reer Hiiraan ineysan noqon umad ku shaqeysa rabitaankooda waligiina ogolaan maamul halkaas ka dhasha oo la mid ah amaba ka xoogan midka Puntland isaguna taladaasi wuu qaatay laakinse maxuu ka dheefay?



Waxu ka dheefay in Fu'aad Shanqoole Sh/dhexe dadka gacmaha uga jaro oo gaaleeyo bulshadii kunooleyd deegaankiisa. waxey noqotay in awooda jubooyinka maanta lagala tashanayo R/wasaare Gaas oo dowlada Kenya ku dhiiragalinaya in ay Jubooyinka la waregaan amaba cida lagala tashanaa ay noqoto beesha Daarood waa fikirka C/wali Gaas qabo nac amaba jecloow. in uusan maanta jirin hal askari oo sheegta TFGda oo kunool Hiiraan amaba Puntland waayo ciidamada Puntland waxa loogu yeeraa ciidamada Puntland lama dhaho ciidamada TFGda Hiiraane lagama maqli karo wax la yiraahdo TFG taasina ma ahan wax Somaliweyn ka qarsoon.

Ugu danbeyn qorshaha Roadmapka horey ayey iskaka fogeeyeen shacabka Somaliyeed waxeyna u muuqataa waxkasta oo ka soo baxa ineysan Somaliweyn u dhameyn iyadoo si isku mid ah ay qeybo badan oo ka tirsan bulshada Somaliyeed ugu soo horjeedaan. sidoo kale waxaa hada gabo gabo maraya tirada xubnaha ay xulanayaan aqiyaarta horboodeyso sidii uu ku hirgali lahaa shirka Garoowe waxeyna wararkii ugu danbeyey shegayaan in tirada rasmiga ah laga dhigayo 275 mudane oo kaliya waxaana howsha inta ka dhiman lagu dhameystirayaa magaalada Garoowe oo ah meesh ala doonayo in awooda baarlamaanka si fiican loogu faragaliyo si ay meesha uga baxdo 550kaan mudano oo tirada badan loogana soo reebo tiro waxii la doono laga sameyn karo xitaa hadii dalka dhan la iibinayo.

Hadaba reer Hiiraan ayaa hada u muuqda kuwa kaliya ee qorshaha Roadmapka go,aan iskumid ah uga qaatay iyadoo dhawaantan mid ka mid ah wasiirada reer Hiiran ugu jira TFGda mar uu dalka Kenya waxgarad reer Hiiraan ah kula kulmay u sheegay in go,aankii ay horey u qateen uu ahaa mid ay ku saxsanayeen maadama aysan talada iyo qorshaha roadmapka ka maqan yahiin qeybo badan oo bulshada ka mid ah oo ay reer Hiiraan ugu horeeyaan isagoona sheegay in ninka waxkasta reer Hiiraan iyo shacabka koofurta Somaliya kunool ka hortaagan inuu yahay Shiikh Shariif ee yaan cidkale oo Somali ah amaba masuuliyiinta kale ee TFGda lagu danbaabin.

Shiikh Shariif waaba la gartay waxkasta oo uu sameeyo ma doonayo inuu siyaasada kusii jiro laakinse C/wali Gaas oo Professor ah sidee qabiilka laga yeelaa madama uu yahay nin dhalinyaro ah oo doonaya inuu siyaasada kusii jiro mustaqbalka?

La soco qeybta labaad oo taabaneysa meelo xasaasi ah inagoo ku soo beegidoona xiliga u dhacayo shirka Garoowe oo ay ka maqan yahiin 80% shacabka Somaliyeed.

Isha warka Hiiraan State
webmaster@hiranstate.com
admin@hiranstate.net

Comments

No Comments have been Posted.

Post Comment

Please Login to Post a Comment.

Ratings

Rating is available to Members only.

Please login or register to vote.

No Ratings have been Posted.
Render time: 0.17 seconds
14,638,304 unique visits