Hidaha iyo dhaqanka

; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ;

Users Online

· Guests Online: 3

· Members Online: 0

· Total Members: 189,964
· Newest Member: evokafr

Welcome

Madaxweyne Shariif iyo safarkiisa Doha.

Wararka MaantaHS:-Madaxweyne Shariif oo hal mar la waayey meel uu jaan iyo cirib dhigay xili uu ku sugnaa magaalada Doha.


Inta badan marka madaxweyne uu booqdo dal kale waxuu leeyahay dad ka agdhaw oo meel kasta u raaca marka laga reebo qolka uu markaasi ka degan yahay hadba meeshii ay dejiyaan wadanka uu markaasi madaxweynaha martida u yahay.

Hadaba jaliyada dalka Qatar iyo waliba shaqsiyaad ku wehliyey safarka Doha M/weyne Shariif ayaa hal mar isweydiiyey meel uu jaan iyo cirib dhigay iyadoo maqnaashahiisa mudadii la waayey ay ka soo baxayaan warar is qilaafsan.

Wararka qaarkood ayaa sheegaya in ay dhici karto in loo kaxeeyey goob qarsoodi ah oo lagu wareysto maadaama dowlado badan oo caalamka ka tirsan u arkaan madaxweyne Shariif mid aad ugu dhaw kooxaha Islaamiyiinta ah ee dagaalka ba'an ka wada Somaliya amaba bariga Africa sida Shabaab iyo Al qacida.

Sidoo kale warbixin taasi ka duwan ayaa waxey leetahay amaba dadka qaarkii isla dhax marayaan in ujeedada shirka Doha looga yeerayba ay aheyd in lagu wargaliyo in uusan waqti danbe u harin oo ay dowladahii isaga xadka Kenya ka soo qabtay xiligii ay bur bureen midowkii maxkamadaha kadibna madaxweynaha ka dhigay gacan ka taagteen siyaasadahiisa bur burka iyo fowdada u badan.

Marka laga soo tago warbixinada iyo halka u madaxweyne Shariif aaday amaba loo kaxeeyey hadane siyaasada inuu ku fashilmay shacabku aad ayey u dareensan yahiin oo xaaladu hada ma joogto Shariif waa siyaasi iyo maahan ee waxey mareysaa qaab noocee ah ayuu isku difaaci doonaa amaba kaka bad baadi doonaa maxkamad iyo xarig marka uu waqtigiisa dhamaado kadib maadaama hada beesha caalamka iyo inta badan bulshada Somaliyeed dareensan yahiin inuu dhiirageliyo kooxaha Islaamiyiinta ah amaba uu si toos ah xiriir ula leeyahay.

Sidoo kale Shiikh Shariif mudadii uu joogay Doha waxaa ku adkaatay inuu la kulmo hogaamiyaal kala duwan waxaana u suuro gashay oo kaliya inuu la kulmo madaxweynaha Falastiin Mohamud Cabaas.

Hadaba la soco wararkeena danbe iyo safarka madaxweyne Shariif ee Doha

Isha warka Hiiraan State
webmaster@hiranstate.net
admin@hiranstate.net


Comments

No Comments have been Posted.

Post Comment

Please Login to Post a Comment.

Ratings

Rating is available to Members only.

Please login or register to vote.

No Ratings have been Posted.
Render time: 0.65 seconds
14,600,012 unique visits