Hidaha iyo dhaqanka

; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ;

Users Online

· Guests Online: 6

· Members Online: 0

· Total Members: 189,964
· Newest Member: evokafr

Welcome

Wararkii ugu danbeeyey xil ka qaadistii Shariif Hasan iyo shirkii Garoowe

Wararka MaantaHS:-Kadib mudo dhawr sano ah oo ay mudanayasha baarlamanka ku jireen jahwareer siyaasadeed taasi oo sida la sheegayo ay sabab u ahaayeen Gudoomiyaha baarlamaanka kumeel gaarka Shariif Hasan Shiikh Aden iyo hadba wakiilkii ay Qaramada Midoobay u soo bedesho dalka Somaliya oo faraha si toos ah ula gala arimaha Somaliya ayaa ugu danbeyn waxey maanta mudanayaashu ku guuleysteen in ay dib u bilaabaan fadhiyadii baarlamanka.

Bal aanu dul marno sidey wax u dhaceen dhawrkii bilood ee ugu danbeysay.


Dalka Somaliya waxuu ka mid yahay dalalka fara ku tiriska ah ee aysan dadkiisu xor u aheyn iney maareeyaan danahooda siyaasadeed waxuuna gaaray heer xukumad dhan oo dhisan la af gambiyo kadibna mudanayaasha baarlamanka loogu hanjabo ineysan iskugu imaan karin wax kulan ah mudo sanad ah inta uu ka dhamaanayo waqatigii la soo gabo gabeyey shirkii shaqada looga ceyriyey Xukumadii Farmaajo oo ilaa hada aysan aqoon bulshada Somaliyeed ujeedada laga lahaa.

Marka dib loo eego shirkii Kampala Acord loogu magac daray, waxaa si toos ah meel looga dhacay madax banaanida iyo qaranimada umada Somaliyeed taasi oo shaki badan ku abuurtay tiro yar oo aragti dheer inba dalku xor yahay iyo in kale, marka dib loo eego sidey wax u dhaceen shirkii Kampala. laakinse marka dhinaca kale arinta laga eego waxaa siweyn loo caburinayey shaqadii caadiga aheyd ee baarlamanka iyadoo lagu tumanayo sharcigii lagu soo dhoodhoobay dalka Kenya 2004kii, ilaa heer mudanayaasha la gaarsiyo ineysanba kulmi karin oo furahii xarunta golaha shacabka leysku dhiidhiibo cida heysa oo diidan in ay mudanayaasha baarlamaanka ay dib u furaan fadhiyada iyadoona aaqirkii la xaqiijiyey in gudoomiyaha baarlamanka ahaa shaqsiga sida rasmiga ah ugu tumanayey sharciga oo markii uu isagu doonayo oo kaliya fura baarlamaanka markii uu doonana xira.

Hadaba waxaa in la xasuusto u baahan halkey wax iska bedeleen dhawrkii maalmood ee ina dhaaftay?

Inta badan mudanayaashii ka soo horjeeday fikirka Mahiga iyo gudoomiyaha baarlamaanka ayaa cabasho ka geeyey gudoomiyahii hore ee baarlamaanka Shariif Hasan iyagoo warqad qoraal ah u gudbiyey xoghayaha guud ee QM midoobay xili uu dhawaantan booqasho ku tagay dalka Somaliya taasi oo ay ku sheegeen in laga hortaagan yahay in dib loo furo fadhiyada baarlamaanka iyagoo dadka masuulka ka ah si gaar ah farta ugu fiiqay, walow cabashada ugu badan ay ku socotay wakiilka Somaliya u jooga QM Amb Mahiga.

Al muhiim muran badan kadib dowladaha ay ciidamadooda ka joogaan Somaliya amaba saraakiisha Amisom ayaa lagu soo wargeliyey in la siiyo mudanayaasha baarlamaanka furaha laga heysto si ay u bilaabaan fadhiyada iyadoo saraakiisha Amisom lagu war galiyey in aysan dhameyn kooramkii loo baahnaa ee iskugu imaan lahaa fadhiyada waxeysa waxkasta isbedeleen maanta markii ay madasha shirka soo xaadireen ku dhawaad 300 mudane iyadoo ay waliba tirinayeen ciidamada Amisom oo aad ula yaabay in aan la dheyelsan karin mudanayaasha ka soo horjeeda gudoomiye Shariif Hasan iyagoona aaqirkii xilkii ka xayuubiyey si kumeel gaar ahne ugu doortay gudoomiye Madoobe Nuunoow Mahamed.

Hadaba xil ka qaadistii Shariif Hasan kadib maxaa iska bedelay shirkii lagu waday inuu ka dhaco caasimada Puntland ee Garoowe?

Maadaama ay isku xiran yahiin siyaasada guud ee dalka waxaa mar qura hagad galay shirkii lagu waday inuu ka dhaco Puntland ee la doonayey in lagu dhimo tirada baarlamaanka kumeel gaarka ah lamana oga xiliga uu rasmi ahaan u furmi doono amaba u qabsoomi doono waxaana laga yaabaa inba xukumada C/wali Gaas ay galaaftaan kulamada ay maalmaha inagu soo aadan yeelan doonaan mudanayaasha oo mudo la caburinayey doonayana iney la xisaabtamaan xukumada hada jirta oo lagu eedeynayo qaar ka mid ah masuuliyiintooda iney lunsadeen gar gaarkii loogu deeqay shacabka Somaliyeed heshiisyo qarsoona la galeen shirkado aysan ka warqabin amaba aan la horkenin golaha baarlamaanka oo ah hay'dda ugu sareysa marka laga hadlayo dhinaca sharciga.

Hadaba maxey tahay kalinta kaka aadan madaxweyne Shiikh Shariif.

Madaxweyne Shariif jidka u furan waa inuu raaco oo kaliya mudanayaasha xil ka qaadista ku sameeyey gudoomiyahii hore ee baarlamanka Shariif Hasan uuna ogolaado in xukumada lala xisaabtamo oo ay hor timaado baarlamanka si uu uga bad baado qalalaasaha siyaasadeed ee hada taagan ayey leeyahiin dadka ku xeel dheer siyaasada jaantaa roganta ah ee ka tagan Somaliya.

La soco wararkeena caawa

Isha warka Hiiraan State
webmaster@hiranstate.com
admin@hiranstate.net


Comments

No Comments have been Posted.

Post Comment

Please Login to Post a Comment.

Ratings

Rating is available to Members only.

Please login or register to vote.

No Ratings have been Posted.
Render time: 0.19 seconds
14,589,477 unique visits