Hidaha iyo dhaqanka

; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ;

Users Online

· Guests Online: 3

· Members Online: 0

· Total Members: 189,964
· Newest Member: evokafr

Welcome

HS:- Qorshe ay ku doonayeen mudanayaal taageersanaa xildhibaan Shariif Hasan oo fashilmay kadib

Wararka MaantaHS:- Qorshe ay ku doonayeen mudanayaal taageersanaa xildhibaan Shariif Hasan in ay xilka kaka qaadaan madaxweyne Shariif oo fashilmay kadib.

Waxaa maanta si layaab leh u fashilmay qorshe laga shaqeynayey ilaa xaleyto ujeedadiisuna aheyd in ay maanta ku kulmaan mid ka mid ah Hotelada magalada Mogdisho xildhibaano lagu qiyaasay 200 oo mudane si ay xilka ugu qaadaan madaxweyne Shiikh SHariif laakinse arintaasi ayaa si sahlan loogu guuleysan waayey, kadib markii ay ka hor yimideen ku dhawaad 50 mudane oo horey u taageersanaa gudoomiyahii hore ee baarlamaanka Xildhibaan Shariif Hasan Shiikh Aden kuwaasi oo aanu ka xusi karno ragii qabqablayaasha Mogdisho horey u ahaa.

Markii uu xaalku halkaas marayo ayna ogaadeen mudanayaashu ineysan u suuroobeyn iney helaan tiro ku filan oo ay xilka kaka qaadi karaan Shiikh Shariif ayey koox ka mid aheyd mudanayaasha oo lagu qiyaasay dhawr iyo labaatan mudane ay aadeen golahii shacabka oo ay ku sugnaayeen xildhibaanadii ugu badnaa kadibna halkaas ka bilaabeen buuq iyo qeyli si ay u fashiliyaan kulanka ay halkaasi ku lahaayeen mudanayaasha kadibna buuqoodii wuu shaqeyn waayey waxeyna bilaabeen gacan ka hadal maadaama Shariif Hasan iyo kuwa taageersan ay heerkaan ku soo gaareen fowdo iyo wax la mid ah.

Arinta ayaa sii murugtay markii ay mudanayaashii baarlamanka ee ku sugnaa gobolada dalka taageereen go,aankii xilka looga qaaday Shariif Hasan, waxeyna u muuqataa in xaalku hada sidii hore ka duwan yahay oo ay inta badan mudanyaashu ku qanacsan yahiin xil ka qaadistii Shariif Hasan amaba gudoomiyahii hore ee baarlamanka lagu sameeyey.

Isku soo duuboo Shariif Hasan ayaad moodaa inuu hada si rasmi ah u dareemay culeys siyaasadeed tan iyo markii uu ku biiray siyaasada Somaliya madaama ay u meel martay qalalaaso badan hadana waxkasta waxey ku xiran tahay sidii ay u socdaan kulamada baarlamaanka oo isaga ku ah waji gabax hadii ay sii socdaan.

Arintii ugu yaabka badneyd ee maalintii shaleyto ka dhacday magaalada Mogdisho ayaa aheyd kadib markii dhawr shaqsi oo ka mid ahaa raga sida weyn loogu tuhmayey iney taageersan yahiin oo waliba idaacadaha ka lahaa Shariif Hasan xilka lagama qaadi karo ay hada ku qanacsan yahiin sida Muuse Suudi, Qaryare, Caato iyo mudanyaal badan oo ka soo jeeda beelaha Digil iyo Mirlifle oo hada sida muuqata siweyn ula safan xildhibaano aanu ka xusi karno wasiirkii hore ee dastuurka Madoobe Nuunoow Mohamed.

Sida ay wax u socdaan madaxweyne Shariif ayaa ku qasban inuu taageero go,aanka baarlamaanka halkeedana uu ka sii socdo fadhiyada baarlamaanka

La soco wararkeena danbe

Isha warka Hiiraan State
webmaster@hiranstate.com
admin@hiranstate.net

Comments

No Comments have been Posted.

Post Comment

Please Login to Post a Comment.

Ratings

Rating is available to Members only.

Please login or register to vote.

No Ratings have been Posted.
Render time: 0.15 seconds
14,614,475 unique visits