Hidaha iyo dhaqanka

; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ;

Users Online

· Guests Online: 4

· Members Online: 0

· Total Members: 189,964
· Newest Member: evokafr

Welcome

HS:-Gudoomiyihii hore ee barlamanka Sheekh Aadan Madoobe oo maanta Shir jaraa’id ku qabtay

Wararka MaantaHS:-Gudoomiyihii hore ee barlamanka Sheekh Aadan Madoobe oo maanta Shir jaraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa waxa uu ka hadlay xil ka qaadistii dhawaan Xildhibaano ka tirsan barlamaanka ay ku sameeyeen Xildhibaan Shariif Xasan Sheekh Aadan oo dhawr maalmood ka hor ahaa gudoomiye baarlamaan.

Sheekh Aadan Madoobe ayaa waxa uu tilmaamay in xil ka qaadistaasi ay tahay mid sharci ah, isagoo hoosta ka xariiqay in Xildhibaanadii kulanka ku yeeshay Muqdisho tira ahaan ay u dhamaayeen koramka loogu tala galay in ay ku furmaan fadhiyada barlamaanka taasi oo aan shaki la galin karin ayna joogan dhamaantood ayuuna sii raaciyey.

Shiikh Aden Madoobe ayaa waxa uu wax laga xumaado ku tilmaamay in xildhibaan Shariif Xasan uu isku dhajiyo in uu wali yahay Gudoomiyaha barlamanka taasi ma dhaceyso waana inuu aqbalaa codka mudanayaasha baarlamanka, waxaana uu tibaaxay in beelaha Digil iyo Mirfle looga baahan yahay in ay aqbasho xil ka qaasita Shariif Xasan lagu sameeyey hadii kale ay dhici karto in dad horey looga qaday xilkoodii gudoomiyenimo ay iyaguna hadii loo hogansami waayo awaamiirta mudanayasha ay banaanka imaan doonaan.

Gudoomiyihii hore Shiikh A Madoobe ayaa ku nuux nuuxsaday in la joogo xiligii dib u habeyn lagu sameyn lahaa baarlamanka xil ka qaadistii lagu sameeyay Shariif Xasan amaba gudoomiyahi horena ay qeyb ka tahay howlaha dib u habeynta barlamanka dhexdiisa ka socda.

Aadan Madoobe oo hadalkiisa sii wata ayaa waxa uu sheegay xili uu ka hadlayey heshiiskii Kampala Acord loogu magac daray in ay ku jiraan qodobo suurta gal ka dhigi kara in mowshin laga keeno Madaxda TFGda, isagoo sheegay in Shariif Xasan uu qabtay mid ka mid ah qodobadaasi.

Hadalka Shiikh Aden Madoobe ayaa imaanaya xili ay beelaha Digil iyo Mirfle doonayaan iney la yimaadaan siyaasad ka duwan mida Shariif Hasan iyagoona hada si weyn u taageersan gudoomiyaha kumeel gaarka ah ee baarlamanka Madoobe Nuunoow Mohamed oo taageero ka helaya inta badan mudanayasha baarlamaanka.

Shariif Hasan Shiikh Aden oo horey u bahdilay siyaasiyiin badan ayaa hada u muuqda mid ay talo farahiisa ka baxday waxeyna u badan tahay in shirka lagu wado inuu ka dhaco bisha labaad dalka Ingiriiska uu xildhibaanada baarlamanka uga qeyb gali doono Madoobe Nuunoow hadii uu sii socdo qilaafka baarlamaanka.

Xildhibaan Shariif Hasan ma ahan siyaasi ay ciidamo u gaar ah u joogaan Mogdisho amaba Somaliya waxuu isku haleeyaa beelaha Digil iyo Mirfle marka ay soo dhaafto Digil iyo Mirfle awooda ku xigta waa inuu heysto buug yar oo uu ku qoran yahay afka Urduuga sida la sheego( waxaa loo qarinayaa waa sixiroow) iyo wax la mid ah. laakinse waxaa hada la sugayaa buugaas tilaabada uu ka qaado mudanayaasha isaga ka soo horjeeda.

Dhinaca kale waxa arinta sidan oo kale u soo dhaweyey gudoomiyahii hore ee gobolka Banaadir Maxamed Dheere iyo inta badan shacabka somaliyeed kuwooda fahamsan fidnada uu dalka ku hayo Shariif Hasan Shiikh Aden.

Isha warka Hiiraan State
webmaster@hiranstate.com
admin@hiranstate.net

Comments

No Comments have been Posted.

Post Comment

Please Login to Post a Comment.

Ratings

Rating is available to Members only.

Please login or register to vote.

No Ratings have been Posted.
Render time: 0.24 seconds
14,569,760 unique visits