Hidaha iyo dhaqanka

; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ;

Users Online

· Guests Online: 7

· Members Online: 0

· Total Members: 189,964
· Newest Member: evokafr

Welcome

HS:-Mid ka mid ah shirar dhawr ah oo uu madaxweynah mustaqbalka Somaliya ku qabtay magaalada Washington DC oo.

Wararka MaantaHS:-Madaxweynaha mustaqbalka Somaliya Professor Warfaa oo soo gabo gabeyey mid ka mid ah dhawr shir oo uu ku qabanayo magaalada washington DC.


Shir socday ku dhawaad 8 saacadood ayna ka soo qeyb galeen marti sharaf kala duwan ayaa lagu soo gabo gabeeyey habeenkii xaleyto ahaa caasimada dalka Mareykanka ee Washingto DC. shirkaan oo sida lagu soo waramayo ahaa mid horu dhac ahaa loogana hadlayey amaba madaxweynaha mustaqbalka ku soo bandhigayey siyaasadiisa musharaxnimo iyo qaabka ugu haboon ee dalka iyo dadka Somaliyeed looga saari karo dhibaatada ku habsatay ayaa markii la furay waxaa cod baahiyaha lagu soo dhaweeyey Professor Warfaa oo isagu shirka ka ahaa Key Note Speaker maadama uu shirka dhanba ujeedadii loo qabtay ay aheyd ololahiisa musharaxnimo iyo rajada uu ka qabo inuu noqdo madaxweynaha Somaliya oo loo badinayo inuu noqon doono mustaqbalka dhaw.

Shirkaan ayaa lagu soo waramayaa inuu gogol xaar u ahaa shirar dhawr ah oo uu musharaxu ku qaban doono Washington DC maalmaha inagu soo aadan walow shirkaan u muuqday mid horu dhac ah, hadane madaxweynaha mustaqbalka waxuu halkaas ku sugnaan doonaa mudo aan hada si rasmi ah loo shaacin loosa maleynayo isbuuc.

Professor Warfaa oo sida lagu soo waramayo casuumaad badan ka helay dhawr wadan oo iskugu jira Bariga dhexe, Asia iyo Yurub ayaa hada ku sugan dalka Mareykanka kadib markii uu soo gaabiyey safar uu dhawaantan ku joogay dalka Isku taga imaaraadka Carabta, inkasta oo aysan inoo suurto galin in aanu ogaano magacyada dadka ka soo qeyb galay shirkii xaleyto hadane ololaha musharaxa ma ahan mid sahlan marka la eego sida ay u qorsheysan yahiin safaradiisa isagoo il gaar ahne ku haya siyaasada Somaliya.

Madaxweynaha mustaqbalka Somaliya ayaa ololahiisa ka bilaabay jaaliyada Somaliyeed ee qurbaha isagoona uga sii gudbay Kenya ilaa uu kula soo kulmo mudanayaasha baarlamaanka caasimada Somaliya ee Mogdisho ayaa hada lagu soo waramayaa inuu xooga saarayo siyaasadiisa arimaha dibada iyo qaabka ay doonayaan isaga iyo teamkiisu iney wadanka Somaliya ku dejiyaan.

Warar nagu soo gaaraya si duul duul ah ayaa sheegaya in mudada uu joogo magaalada Washington uu musharaxu la kulmi doono masuuliyiin aan si rasmi ah magacyadooda carabka loogu dhufan laakinse loo maleynayo iney yahiin dadka ay ka godo siyaasada Mareykanka qaarkood.

Isku soo duuboo madaxweynaha mustaqbalka Somaliya Professor Warfaa ayaa looga fadhiyaa hadii uu ku guuleysto masuuliyadan uu u tartamayo inuu umada Somaliyeed mudada uu xilkaan hayo ku hogaamin doono cadaalada isagoona dhawr jeer oo hore ku cel celiyey inuu wax badan ka qaban doono nolosha aas aasiga ah ee ay shacabku u baahan yahiin sida in bulshada adeegooda loogu geeyo meesha ay joogaan min gobol, degmo ilaa tuulo sida biyaha, korontada, caafimaadka iyo tacliinta oo ah adeegyada ay bulshadu aad ugu ooman tahay.

Sidoo kale warar leysku haleyn karo ayaa sheegayo in musharaxa iyo teamka isaga la shaqeynaya ay dhawr bilood ka hor diyaariyeen qaabkii ay ku maamuli lahayeen dalka oo ay sugayaan kaliya xiligii ay u soo bandhigi lahaayeen bulshada Somaliyeed marka la gaaro doorashada soo socota.

Sidoo kale qorshaha uu madaxweynaha mustaqbalka Somaliya ugu talo galay inuu dalka iyo dadka Somaliyeed ku bad baadiyo inuu noqon doono mid dadka Somaliyeed iloowsiinaya dabeecadahan ku dhisan qabiil qabiilka waxeyna dadku intooda badan noqon doonaan meesha ay hada iyaga isku muuqdaan kuwo dunida inteeda kale la jaanqaadayo maadama nidaam u fududeeynayo arintaas ay qorsheynayaan madaxweynaha mustaqbalka iyo inta hada howshan la wada.

Sidoo kale qorshahan ayaa lagu soo waramayaa inuu meesha ka saari doono muwaadin Somaliyeed oo wadan kale qaxooti ku ah sida siyaasiyiintii hore ee dalka soo maray,waalidiinta Somaliyeed ee iyagu ku dhiban dibadaha iyadoo ujeedadu tahay dal iyo bad baadin ilaah baa wax bad badin karee.

Si kastaba waxaa dowlada rasmiga ah ee dalka Somaliya iney ka dhalato la rajeynayo looga fadhiyaa iney dib u dejiso malaayiinta Somalida ah ee nolol xumida ku heysato meelo badan oo gudaha iyo dibda ka mid ah. Waxey u muuqataa in eex iyo nin jecleysi ay meesha ka bixi doonto calankaas buluuga ah iyo dalkaas hodanka ah ee loogu yeero Somaliyana umada looga faa'ideyn doono qeyraadka ku jiro oo ay ka silceen intii ay ifka ku noolaayeen badankood.

La soco wararkeena danbe iyo ololaha madaxweynaha mustaqbalka Somaliya oo hada soo gaaray heer aan la dheyelsan karin marka la eego sida dhaqdhaqaaqiisa iyo nabadgalyadiisa loo sugayo wadankasta oo u tago iyadoo mararka qarkood aad isleetahay waqtiga uunbaa la dhereynayaa mahane ninkani waa madaxweyne Somaliyeed iyo wax la mid ah, walow ay Somali badan ololahiisa u bixiyeen Ololahii rajada.

Isha warka Hiiraan State
webmaster@hiranstate.com
admin@hiranstate.net

Comments

No Comments have been Posted.

Post Comment

Please Login to Post a Comment.

Ratings

Rating is available to Members only.

Please login or register to vote.

No Ratings have been Posted.
Render time: 0.15 seconds
14,589,395 unique visits