Hidaha iyo dhaqanka

; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ;

Users Online

· Guests Online: 6

· Members Online: 0

· Total Members: 189,964
· Newest Member: evokafr

Welcome

Madaxweynaha mustaqbalka Somaliya Prof Warfaa oo soo gabogabeeyey inta badan shirarkii uu maalmahan u joogay

Wararka MaantaHS:-Madaxweynaha mustaqbalka Somaliya Prof Warfaa oo soo gabo gabeeyey inta badan shirarkii uu maalmahan u joogay caasimada Mareykanka ee washington kadib kulamo kala duwan oo uu halkaasi kula yeeshay diplomaasiyiin kala duwan.

Shirarka uu madaxweynaha mustaqbalka mudadii uu joogay halkaasi uu ka qeyb galay ayaa ahaa kuwo qorsheysnaa oo intooda badan dhacayey xiligii loogu talo galay waxeyna inta badan shirarkaasi ujeedadoodu aheyd dib u dejinta dalka Somaliya iyo sidii uu dalka Somaliya u noqon lahaa dal leh dowlad rasmi ah si shacabka Somaliyeed oo ay la hareen colaado iyo hogaan xumo baahsan looga saaro dhibta iyo fowdada ay ku jiraan.

Warar lagu kalsoonaan karo ayaa sheegaya in ay si weyn u soo dhaweeyeen qaabka uu marxalada dalka Somaliya xaaladiisa u maareynayo Professorka masuuliyiintii uu la kulmay oo aad ula dhacay amaba qireen in uu yahay hogaamiye wax badan ka bedeli kara xaalada siyaasadeed ee maanta ka taagan dalka Somaliya.inkasta oo madaxweynaha mustaqbalka lagu wado inuu war murtiyeed ka soo saaro shirarkaas iyo shirar kale oo uu ku qaban doono ilaa maalinta qamiista isla magaalada washington.

Marka laga soo tago shirarka uu la yeelanayey dadka aan Somalida aheyn hadane waxaa dhinac socday shirar gooyni gooyni ah oo uu la yeelanayey qeybaha kala duwan ee bulshada Somaliyeed iyadoo shirkii ugu dheeraa uu Professor Warfaa la yeesho qaar ka mid ah aqoonyahanada reer Hiiraan oo iyagu habeenkaas siweyn iskugu dheeraadeen musharaxa.

Shirka oo ahaa iswareysi iyo meesha ay wax u marayan madaxweynaha mustaqbalka ayaa waxaa warbixin kooban halkaas ka dhiibay musharaxa madaxweynimada Jamhuurida Federalka Somaliya Professor Ahmed Muumin Warfaa oo halkaasi ku soo bandhigay meesha uu ka soo bilaabay ololahiisa musharaxnimo iyo waxa ku dhaliyey iney aheyd soo jeedin ka timid qeybo badan oo bulshada Somaliyeed ka mid ah maantana uu marayo heer gabo gabo ah.



Aqoonyahanadii reer Hiiraan oo iyagu ahaa dad mudo ku noolaa Mareykanka gaar ahaan Varginia oo qaarkood aad u dareensanaa in uu Professorka mudadii uu joogay Washington DC uu la kulmay masuuliyiin cul culus oo Mareykan ah oo ay ka ilaalinayeen oo kaliya magacyadooda afka ayaa Professorka kula kaftamay goorta uu waxaan isku xir xirey maadama qof sanad kaliya olole soo waday uusan heerkaan gaarsiin karin wax badan oo ay dareensanaayeen markaas.

Ugu danbeyn dhamaanba aqoonyahanadii habeenkaas casuumaada u fidiyey madaxweynaha Mustaqbalka ayaa ku dhiirageliyey musharaxa una sheegay iney garabkiisa joogaan uguna duceeyey in Ilaah u fududeeyo masuuliyadaan hadii ay qeyr u tahay bulshada Somaliyeed oo uu noqon doono hogaamiye la mahadin doono oo bulshada Somaliyeed ku maamula cadaalad.

Professor Warfaa ayaa marka laga soo tago Somalida kale waxaa si weyn markaasta talooyin wax ku ool ah u siiya waxgaradka, aqoonyahanada, culimada, iyo haweenka reer Hiiraan iyagoo markasta kula taliya in uu u sinaado umada Somaliyeed iyagoo leh Somaliya ma helin hogaamiye u naxa oo bulshada u sinaada marka waxanu kaa codsaneynaa danta gaarka ah ee reer Hiiraan mida guud ee Somaliweyn ayey ku jirtaa ee cadaalada ku dadaal ayeyna markasta yiraahdaan, taasi oo markasta dhiiragelisa madaxweynaha mustaqbalka Somaliya Professor Warfaa.

Ugu danbeyn aqoonyahanadii habeenkaas kulanka la qaatay musharaxa ayaa sheegeen iney doonayaan in uu madaxweynaha mustaqbalka mar kale soo booqdo si ay jaaliyad ahaan ugu soo dhaweeyaan Washington iyo Varginia, inkasta oo mudada iyo goobta aysan wali na soo gaarin hadane waxaa la dhihi karaa waxuu ahaa shir wax weyn ka bedelay aqoonyahanadii habeenkaas Professorka la kulmay.



Inkasta oo uusan Professorka wali noqon madaxweyne Somaliyeed hadane inta badan bulshada ayaa ula shaqeynayo hada inuu yahay madaxweyne oo kale iyagoo dadku intooda badan ay dhibaatadooda si gooyni ah ugu soo bandhigayaan waxana lagu wadaa inuu kaalin weyn ka qaadan doono amaba wax uun ka dhihi doono xayiraada lagu soo rogay shirkadaha xawaaladaha oo intooda badan dhaqaalaha lagu diro ay ku tiirsan yahiin Somali badan, walow qaarkood qaabka ay u shaqeeyaan ay tahay nidaam qariban hadane shirkadaha waxa iska leh muwaadiniin Somaliyeed una baahan in la saacido waliba waqtigan adag iyadoo ay dad badan qirsan yahiin in Professorku wax ka qaban karo hadii uu dadaalo walow lagu soo waramayo inuusan aqoon buuxda u laheyn qaabka ay u shaqeeyaan shirkadaha xawaaladaha Somalida.

Isku soo duuboo Professor Warfaa waa musharaxa la saadaalinayo inuu noqon doono madaxweynaha Somaliya marka dhinac kasta laga eego ololahiisa iyo safarada badan ee intooda badan qorsheysan iyadoo wararkii ugu danbeyey sheegayaan inuu safar deg deg ah uu dhawaantan ku tagi doono dhawr dal oo Yurub ku yaala ka hor inta uusan dib ugu laaban Bariga dhexe.

La soco wararkeena danbe iyo arimaha madaxweynaha mustaqbalka iyo hadba meeshey wax u marayaan.

Hadii aad tahay muwaadin Somaliyeed doonayana in aad si toos ah ula hadasho madaxweynaha mustaqbalka waxaad kala xariiri kartaa toos, si aad u barato qofka mustaqbalka ku hogaminayo.

1646-206-7864 Telefon gacanta
Isha warka Hiiraan State
webmaster@hiranstate.com
admin@hiranstate.net




Comments

No Comments have been Posted.

Post Comment

Please Login to Post a Comment.

Ratings

Rating is available to Members only.

Please login or register to vote.

No Ratings have been Posted.
Render time: 0.16 seconds
14,638,469 unique visits