Hidaha iyo dhaqanka

; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ;

Users Online

· Guests Online: 5

· Members Online: 0

· Total Members: 189,964
· Newest Member: evokafr

Welcome

HS:-Gudoomiye kuxigeenka labaad ee baarlamanka oo sharci ku tilmaamay xil ka qadistii lagu sameeyey Shariif Hasan

Wararka MaantaHS:-Kulan balaaran oo ay maanta mudanayaasha baarlamaanka ku yeesheen Xarunta golaha shacabka ee magaalada Muqdisho ayaa lagu magacaabey guddi soo qabanqaabiya doorashooyinka gudoomiyaha cusub ee baarlamaanka kumeel gaarka Somaliya.

Sida ay sheegayaan wararka naga soo gaaraya xarunta baarlamanka xildhibaanada ayaa saaka mar laga horjoogsaday iney galaan xaruntaas ka dib markii ciidamada AMISOM iyo kuwa Booliska ay xaruntaas diideen in gudaha loo galo sida ay shegteen, hayeeshee xildhibaanada oo aad u badnaa tiro ahaan ayaa ciidamada AMISOM ugu hanjabay iney adkaan doonto iney ka howl galaan gudaha Somaliya haddii ay isku dayaan iney ka hor joogsadaan xaruntaas iney gudaha u galaan mudanayaasha baaralamanka ciidamda Amisom, taasoo markii dambe keentay wadahadal ka dib in xildhibaanada loo fasaxo xarunta golaha shacabka kadib markii ay buuxiyeen lana xaqiijiyey iney fadhi yeelan karaan oo uu buuxay kooramka loogu talo galay oo ayba ka badnaayeen tiro ahaan.

Intii lagu guda jiray fadhiga baarlamanka ayaa waxaa sidii caadada aheyd fowdo bilaabay xildhibaano taageersan gudoomiyahii hore ee baarlamanka Shariif Xasan oo lagu qiyaasay ilaa tobaneeyo kadibna waxey bilaabeen buuq iyo fowdo walow la xakameeyey markii danbe gacan ka hadal kadib.

Intaa ka dib ayaa waxaa furmay kulankii xildhibaanada oo maanta markii ugu horeysay uu shir gudoominayey gudoomiye ku-xigeenka labaad ee baarlamaanka Ahmed Dhimbil Rooble oo isagu ka soo go,ay Shariif Hasan kadib markii uu ogaaday in tirada xilka ka qaaday gudoomiyahii hore Shariif Hasan ay yahiin mudanayaal aad u badan taasi oo aaqirkii suuro galisay inuu ku biiro xubnahii xilka ka qaaday Shariif Xasan,wuxuuna halkaas ka sheegay in qodob ka mid ah xeer hooasaadka baarlamaanka uu u ogolaanayo inuu shir gudoomiyo fadhiyada baarlamanka.

Gudoomiye ku-xigeenka labaad ee Baarlamanka Axmed Dhimbil Rooble ayaa sheegay in Shariif Xasan Shiikh Aadan xilka looga qaaday si sharci ah wixii hada ka dambeeyana uu yahay xubin ka mid ah xildhibaanada baarlamanka Somalia, wuxuuna cod geliyey in la magacaabo iyo in kale guddi qaban qaabiya doorashooyinka gudoomiyaha cusub ee Baarlamanka waxaana loo qaaday cod gacan taag ah iyadoo in gudigaas la magacaabo ay u codeeyaan dhamaanba 292 xildhibaan oo soo xaadiray kulankii maanta oo ay ka dhex muuqdeen xildhibaano horey u diidanaa xilka qaadista Shariif Xasan, iyadoo gudoomiye ku xigeenka labaadna uu sheegay in saacadaha soo socda uu ku dhawaaqi doono gudigaas qaban qaabinaya doorashada magacyadooda iyo xiliga ay dhici doonto doorashada gudoomiyaha cusub.

Marka la magacaabo gudiyada doorashada kadib ayaa waxaa lagu wadaa in la guda galo maalmaha soo socda doorashada gudoomiyaha baarlamaanka oo aan la ogeyn cida loo dooran doona walow wararka qaarkood sheegayaan in si rasmi ah loogu dooran doono xilkaas xildhibaan Madoobe Nuunoow Mohamed oo hada ah gudoomiyaha kumeel gaarka.

Arinta kale ee in la xuso u baahan waa in ay maanta shirka ku soo biireen xildhibaano badan oo Shariif Hasan ku fikir ahaa oo hada doonaya iney malmaha soo socda doortaan gudoomiye cusub oo uu yeesho baarlamaanka Somaliya.

Isha warka Hiiraan State
webmaster@hiranstate.com
admin@hiranstate.net

Comments

No Comments have been Posted.

Post Comment

Please Login to Post a Comment.

Ratings

Rating is available to Members only.

Please login or register to vote.

No Ratings have been Posted.
Render time: 0.36 seconds
14,584,630 unique visits