Hidaha iyo dhaqanka

; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ;

Users Online

· Guests Online: 2

· Members Online: 1
absomimib

· Total Members: 121,380
· Newest Member: oibjgegapisa

Welcome

M/weynaha Hiiraan State oo ku dhawaaqay golahiisa wasiirada iyo m/wenyne ku xigeen cusub.

Wararka MaantaMadaxweynaha dowlad goboleedka Hiiraan State ee Soomaaliya Dr. Maxamuud Cabdi Gaab ayaa maanta shir Jaraa’id oo uu ku qabtay Hotel Ambasador ee Magaalada Muqdisho ayaa waxa uu kaga dhawaaqay Xubnaha Xukuumadiisa , iyadoo wareegtada uu akhriyay sidan hoos ku qoran

Madaxweyne ku xigeenka Hiiraan State Mukhtaar iimaan Cabdulle , waxaana
Wasiirada ay kala yihiin sidatan :

1) Wasiirka Amniga:
S/guuto ismaaciil Cilmi Xareed

2) Wasiirka Garsoorka iyo Arrimaha Diinta :
Prof. Ibrahim Sheekh Xasan .

3) Wasiirka Arrimaha gudaha iyo dowladaha hoose :
Prof. C/raxmaan A/kadir A/raxiim

4) Wasiirka Gaashaandhigga :
S/guuto Xasan Cali Qeylooy

5) Wasiirka Xiriirka dibadda iyo iskaashiga caalamiga:
Dr. C/qaadir Cali Cabdi “Xuur”

6)Wasiirka Maaliyadda :
Mr .C/qaadir Sh.mu’min Faarax

7) Wasiirka Warfaafinta :
Ambassador : C/qaadir C/lle Xooshow

8) Wasiirka Caafimaadka
Dr. C/llaahi Sheekh Yuusuf Macalin Maxamed.

9) Wasiirka Waxbarashada, barbaarinta iyo Tacliinta sare :
Prof. Axmed Maxamuud Wehliye “Xiji”

10) Wasiirka Boostada iyo isgaarsiinta :
Mr. Aadan Cabdi Wayax

11) Wasiirka Dib u dhiska :
Eng. Maxamed Cusmaan Axmed “ Baasto”

12) Wasiirka Dib u dejinta:
Mr. Siyaad Aadan

13) Wasiirka Xiriirka Hiiraan State iyo Dowladda Federaalka Soomaaliya:
Avv. Daahir Xasan Cabdi

14) Wasiirka Gaadiidka Cirka iyo dhulka :
Mr. ismaaciil Aadan

15) Wasiirka Xanaanada Xoolaha iyo Daaqa:
Xaaji Siciid Maxamed

16) Wasiirka Haweenka iyo Arrimaha Qoyska :
Marwo Istanbuul Xaaji C/samad

17) Wasiirka Macdanta,Batroolka iyo Biyaha :
Mr. Jaamac Qoor-madoobe

18) Wasiirka Ganacsiga :
Mr. Maxamed Cismaan Xasan

19) Wasiirka Dastuurka :
Mr. Maxamed Guuleed Cabdi

20)Wasiirka Shaqada ,shaqaalaha ,dhalinyarada iyo Cayaaraha:
Marwo Sucaad Diiriye Xasan

21) Wasiirka Beeraha :
Dr. Maxamed Faarax Makaraan

22)Wasiirka Qorsheynta :
Mr. Haadi Cabdi Yuusuf

23) Wasiirka Deegaanka:
Col. Yuusuf Cali Cageey

24) Wasiirka Howlaha guud iyo guriyeynta:
Mr. Yuusuf Macalin Maxamed Owxaaji “Guulwade”

25) Wasiirka Dalxiiska iyo Duurjoogta:
Mr. Xasan Nuur iidow

Waxaa kaloo Madaxweynaha Hiiraan State , magacaabay Mas’uuliyiinta kala ah:

Taliyaha Ciidamada Milatariga:
S/guuto Maxamed Goodax Barre

Taliye ku xigeenka koowaad ee Ciidamada Milatariga:
G/sare Dhaqane Cabdi Axmed Nuur

Taliye ku xigeenka Labaad ee Ciidamada Milatariga:
G/sare Siraad Xiish

Taliyaha Ciidamada Nabadsugidda:
S/guuto Khaliif Mu’min Tooxow

Gudoomiyaha Maxkamada sare:
Cabdi Rooble Naxar

Gudoomiyaha Hanti dhowrka:
Dr. C/llaahi Maxamed Cadow

Lataliyaha Madaxweynaha Arrimaha Siyaasadda iyo ammaanka :
Duuliye sare Axmed Cismaan Beyle

Lataliyaha Madaxweynaha Arrimaha Sharciga :
Dr. C/kariim Maxamed Caraale (Huutaan)

Agaasimaha Madaxtooyada :
Marwo Canab Maxamed Abtidoon

Afhayeenka Xukuumadda :
Mr. Cilmi Khaliif Guuleed “Cilmi yare”

Afhayeenka Madaxtooyada :
Maxamed Keynaan Wehliye

Agaasimaha Xafiiska Madaxweyne ku xigeenka :
Mr. Maxamed Bukhaari Axmed

Madaxweynaha Hiiraan State , wuxuu si dhaqsiya ah ku soo magacaabi doonaa wasiir ku xigeenada wasaaradaha iyo sidoo kale Taliska Booliska ,ku xigeenadiisa , ku xigeenada Nabadsugidda,ku xigeenka Hanti dhowrka , Gudoomiyaha Bankiga dhexe,ku xigeenkiisa , ku xigeenka Gudoomiyaha Maxkamadda sare , Xeer ilaaliyaha guud , Xeer ilaaliye ku xigeen iyo Gudoomiyeyaasha gobolada seddexda ah ee Hiiraan State ay ka kooban tahay oo kala ah sidatan :

Gobolka Dhagax Jibis , waxa uu ka kooban yahay 7 degmo oo kala ah : Magaalada Baladweyne oo ah Caasimadda dowladda Hiiraan State ,sidoo kalana ah Xarunta Ganacsiga iyo Magaalo Madaxda gobolka Dhagax jibis, Degmada Jawiil ,Degmada Coomaad,Degmada Matabaan,Degmada Deefoow,Degmada Feerfeer Soomaaliya iyo Degmada Farlibaax .

Gobolka Deebley , waxa uu ka kooban yahay 7 degmo oo kala ah : Degmada Buulo burde oo ah Xarunta gobolka Deebley , Degmada Maxaas,Degmada Magokori ,Degmada Halgan ,Degmada Dabayoodle,Degmada Buqda iyo Degmada Hees.

Gobolka Koonfurta Hiiraan , waxa uu ka kooban yahay 6 Degmo oo kala ah : Degmada Jalalaqsi oo ah Xarunta gobolka koonfurta Hiiraan, Degmada Qoryaale,Degmada Jimbilley,Degmada Dhurwaale ,Degmada Booco iyo Degmada Buurane .

Waxaa jira tuulooyin badan oo hoostaga degmooyinka gobolada aan soo sheegnay ,kuwaasoo ku xusan Khariidada Hiiraan ee Soomaaliya.


Xuduudaha Dowlad Goboleedka Hiiraan State, ay la wadaagto gobolada kale ayaa ah sidatan :-

Dhanka waqooyi – Degmada Feer feer Soomaaliya /Degmada Feer feer ee kilinka Shanaad ee ismaamulka Soomaalida Ethiopia .

Dhanka bari – Rugta lagu magacaabo libi Hiiraan oo ah marinka kala qeybiya Hiiraan iyo Gobolka Galgaduud ee Soomaaliya.

Dhanka Koonfur – Deegaanka Caluu baaley oo ah soohdinta kala qeybisa Hiiraan iyo Gobolka Sh/hoose.

Dhanka koonfur – wadada kala qeybisa degmada Buurane ee Hiiraan iyo Degmada Mahadaay ee gobolka Sh/dhexe ,halkaasoo ah Xadka kala qeybiya Hiiraan iyo Gobolka Sh/dhexe .

Dhanka koonfur Galbeed- dhulka loo yaqaan Dalandoole ee dhuxusha laga gubo ee ka tirsan gobolka Baay, halkaasoo ah xadka kala qeybiya Hiiraan iyo gobolka Baay.

Dhanka galbeed – Togga Abeesaale ee ku dhow Deegaanka Qurac joome oo ah halka ay ku kala qeybsamaan Hiiraan iyo Gobolka Bakool ee Soomaaliya.





Isha warka : Xafiiska Hiran State ee Muqdisho
Muqdisho-Soomaaliya
webmaster@hiranstate.com
admin@hiranstate.net


Comments

#1 | ali dhux on January 07 2011 13:45:25
guul somali waxbaa la tusaa la taaban karo,
maaahane wax looma sheego, well done,
#2 | Cabdi on January 07 2011 14:53:32
Sanadkani Reer Hiiraan caadi ma ahan

Cabdi

USA
#3 | gambar on January 07 2011 16:05:53
waan soo dhaweyne doowlada hiiraan state hadaan nahay dhalin yarad kunool wadan shiinaha ama china hadba sidii looyaqaano waana taageersanahay dowlada hiiraan state lakiin waa in looga hoowlgaa gobolka oo laga sifiiyaa raga caado qaata yaasha ah gaaran ahan al sheydaan iyo waxii taageera ama ku ah hadaf dhamaanto waxaan idii rajeeynaa guul guul ilaah ayaan idiinka baryaa lakiin waa inla dhoowraa dadka laga badan yahaay ee ah reer hiiraan oo dhan meel kasta eey joogaan ayaan ku talin lahay walaalyaal kiidiida nabada waa inleeska wareestaa markii lasaraayo maxkamad waa inloo ingolaada garsoore ah xaq fadlan wabilaahi toowfiiq dhamaan reer hiiraan oo dhan
#4 | sabriye on January 07 2011 17:28:07
aad iyo aada utaageersannahy Hiiraan State waana kufaraxsannahay
#5 | ILYAAS on January 07 2011 18:44:04
AAD IYO AAD BAAN UGU FARAXSANAHAY DOWLADA NOO DHALATAY MASHA ALLAH..MADAXWEYNE MAXAMUUD CABDI GAAB HANOOLAADO... VIva dowlada hiiraanstate
#6 | Mohamed Ali Afrah(Mulle) on January 07 2011 19:31:15
Hambalyo iyo guul Waxaan aad iyo aad ugu faraxsanahay Guusha u soo hoyatay Hiiraan,
wax kasta oo laiisku dayo waa laga guulgaaraa, wxakastana waxay leeyhiin bilow, qofna kuma dhalan
umana dhalan wax dhawlad la yiraahdo ee dadka
ayaa sameysta, haddaba tane waxaa sameystay
dadka hiiraan u dhashay, waxyan isku haleynayaan
aqoontooda,dadnimadooda, iyagoo isku kalsoon
cidna aan xumeyneynin, cidna aan duullaan ku ahayn.
Waxaan marlabaad leeyaha guul guul guul.
#7 | dhafe on January 07 2011 19:49:39
waxan aad ugu faraxsanahay dowlada cusub oo maanta dhalatay waxana alle ugu rajeyna iney noqato mid nabad u keenta hiiran state oo dhan
#8 | SAMAJECEL on January 07 2011 19:52:54
HAMBALYO HAMBALYO
ALLOW XILKAA IDIIN FUDUDEE AAMIIN.
GUULEESTAYAALOOW GEEDI WADAAY WADAAY WADAAY,GEEDIGA WADAAY.
#9 | SAMAJECEL on January 07 2011 19:58:12
HAMBALYO IYO DUCO, AYAAN SOO HOOYO ORANAYAA.

HANAANKA WANAAGSAN,HOOWSHIINA HORE WADA.

ALLOW HADAFKIINA LAGA YEELO ,KII HIRGALA.

AAMIIN AAMIIN AAMIIIIIIIIIIIIIIIIIIIIIIIIIIIIIN
#10 | SAMAJECEL on January 07 2011 20:11:45
HAMBALYO IYO DUCO, AYAAN SOO HOOYO ORANAYAA.

HANAANKA WANAAGSAN,HOOWSHIINA HORE WADA.

HALYEEYADA NABADDA ,JECELOOW HOGAANKA WADA

ALLOW HADAFKIINA LAGA YEELO ,KII HIRGALA.

AAMIIN AAMIIN AAMIIIIIIIIIIIIIIIIIIIIIIIIIIIIIN

Post Comment

Please Login to Post a Comment.

Ratings

Rating is available to Members only.

Please login or register to vote.

No Ratings have been Posted.
Render time: 0.10 seconds
9,750,908 unique visits