Hidaha iyo dhaqanka

; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ;

Users Online

· Guests Online: 3

· Members Online: 0

· Total Members: 189,964
· Newest Member: evokafr

Welcome

HS:-Wararkii ugu danbeyey iyo Hiiraan qaxooti Shabaab ah oo caawa gaaray

Wararka MaantaHS:-Wararkii ugu danbeyey iyo Hiiraan qaxooti Shabaab ah oo gaaray Afgooye.

Kadib dagaal kabteeydii ma aragtay ah oo maanta loogu geystay argagixisada Soomaaliya kuwoodii ku sugnaa Hiiraan kadib markii dhalinyaro carbisan diyaarna u ahaa iney u dhintaan dhulkooda kuwaasi oo loo yaqaano xoogaga Hiiraan amaba mujaahidiinta Hiiraan ayaa wararka naga soo gaaraya xili danbe oo caawa ah magaalada Afgooye iney gaareen qaxooti Shabaab iyo Alqaacida iskugu jira oo u badnaa rag iyo dumar.

Warku waxuu intaas ku darayaa in qaxootigaas ku biireen qaxooti kale oo laga soo ceyriyey Mogdisho iyo nawaaxigeeda dhamaantoodna marka laga reebo dumarka oo Somali ah inta kale waa ajaaniibtii ka dagaalameysay dhawrkii sano ee ugu danbeysay gudaha Hiiraan.

Warar lagu kalsoonaan karo ayaa sheegaya in qaxootigan ay qorsheynayaan sidii ay dalka ugu bixi lahaayeen waxaana lagu wadaa in dumarka laga dhoofiyo garoonka Mogdisho halka raguna u kala jabeen qaar doonaya iney dagalamaan iyo kuwo doonaya amaba raadinaya qaabka ugu haboon ee ay wadanka kaka bixi karaan.

Sidii caadada aheyd dalka Soomaaliya marka kooxdii la kari waayo jabto, macluumaadka laguma dhibtoodo caawa Degmada Afgooyo waxey u muuqataa adigoo hoyan waayey ma laguu soo hoyday, waxaana isku wareystay labo qaxooti oo miduna ka soo qaxay caasimada Mogdisho iyo nawaaxigeeda siiba ceelasha biyaha. halka kuwa kale ay walito yahiin fresh oo ay si xarako leh ugu soo qaxeen magaalada istiraatiijiga ah ee Belet Weyn amaba caasimada Hiiraan.

Marka laga soo tago ka saarida Shabaab laga saaray magaalada Belet Weyne hadane xaalada guud ee magaalada waa ok waxaana dal iyo dibad ka socda xiriiro is daba joog ah oo ay yeelanayaan saraakiisha iyo xildhibaanda ku sugan gudaha Hiiraan iyo waliba qeybaha kala duwan ee bulshada Hiiraan ee ku nool dalka dibadiisa si meesha looga saaro kooxahii fowdo u jooga ahaa iyo dhalinyaradii inta badan ay banaanka ka maamuli jireen dad aan reer Hiiraan aheyn intey magacyo ay sameysteen u soo dhiibaan, kadibna shacabka Hiiraan waxyeelo ugu geysan jiray.

Isku soo duuboo magalada Afgooye caawa ushii kor loo tuuro dhulka ma dhaceyso waxana iskugu tagay kuwii qaxdarada gacnaha iyo lugaha uga jari jiray shacabka Somaliyeed, ardeyda waxbarashada u aadeysa dibada xarxin jiray, kuwii tacliinta sare ka so oqalin jabiyey xasuuqayey halka dumar Somaliyeena waxii ay doonan ka sameysan jireen waa Alqacidee. war bixinteena caawa waxaan ku soo gabo gabeyneynaa NINKII DHOOF KU YIMID BEY GEERIDU DHIBEYSAA DAL RAGII LAHAA NOOLYAHAY DOOXA MIRANAAYO DABAALNIMADU WAA WAXII FARAY WEYSKA TAGAYAANE. SOMALIYA SOMALI BAA LEH.

La soco saacad walba jabka Shabaab iyo argagixisadooda.

Isha warka Hiiraan State
webmaster@hiranstate.com
admin@hiranstate.net






Comments

No Comments have been Posted.

Post Comment

Please Login to Post a Comment.

Ratings

Rating is available to Members only.

Please login or register to vote.

No Ratings have been Posted.
Render time: 0.17 seconds
14,589,485 unique visits