Hidaha iyo dhaqanka

; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ;

Users Online

· Guests Online: 5

· Members Online: 0

· Total Members: 189,964
· Newest Member: evokafr

Welcome

HS:- Qaar ka mid ah ragii mali galin jiray iyo horjoogayaal shabaab ka tirsanaa oo xalay ku hoyday Saldhiga Magaalada Baladweyne

Wararka MaantaHorjoogayaal shabaabka ka tirsanaa oo xalay ku hoyday Saldhiga Magaalada Baladweyne ka markii lagu qabtay dagaalkii shalay.

Ku dhawaad ilaa 11 ruux oo xilal kala duwan ka hayay Kooxdii Shabaab ee maalintii shleyto aheyd laga ceyriyey magaalada Belet Weyne ayaa caawa habeenkii labaad ku hoyanaya saldhiga magaalada Belet Weyn ka dib markii ay xoogaga reer Hiiraan iyo kuwa dowlada Ethopia ay ku soo qab qabteen howlgalo ay ka sameyeen mid ka mid aha xaafadaha ay ka kooban tahay magaalada Belet Weyne.

Dadka la qabtay ee caanka ah waxaa ka mid ah Xaaji Quuraaw oo mudo dheer shabaabka u qaabilsanaa dhinaca dilalka iyo shirqoolada colaado badana ka dhax abuuray bulshada Hiiraan sidoo kale ahaa madaxii maaliyadiyada ee Argagixisada Hiiraan ku sugneyd dhowrkii sano ee ina dhaaftay.

Waxaa kale oo ka mid ahaa nin magaciisa lagu soo koobay Sheikh Mustaf oo u qaabilsanaa dhinaca waxyaabaha ay kooxda argagixisada ah ee Shabaab u yaqaaanaan Qaniimada ama hantida laga dhaco bulshada Hiiraan ku dhaqan iyo hayaddaha gar gaarka waxaana uu sidoo kale lahaa garaash weyn oo la dhigi jiray hantida ay shacabka ka boobaan oo ku yaalaya isla xaafada maanta laga soo qabtay waana garaashkii lagu farsameeyey qaraxii Jun,18/2009kii ee lagu dilay ku dhawaad 100kii qofood ee reer Hiiraan.

Inta kale ee shabaabka xiran ayaa waxaa ay isugu jiraan dad qaab ganaacsato oo kale ah ku shaqeeya oo si dadban ula shaqeynayay kooxda iyo sidoo kale rag la sheegay iney lahaayeen shirkada korontada siisa Xaafada Howl-wadaag oo Shabaabka ka tirsanaa kuwaasi oo laga soo qabtay degaanka Burjada Ciinta o dhinaca galbeed kaka beegan magaalada Belet Weyne oo ay ku sugan yahiin ciidmao isku dhaf ah oo iskugu jira Ethiopian iyo xoogaga Hiiraan xili ay doonayeen iney u baxsadaan gobolka Bakool.

Xaalada guud ee magaalada Belet Weyne ayaa ah mid degan xiligan waxaana ka soconaya baaritaano guri, guri ah oo lagu baadi goobayo rag ka tirsanaa argagixisada oo sida ay sheegayaan shacabka ay u suurta gali weysay in ay magaalada ka baxsadaan kadib markii ay lama filan ku noqotay in sidan sahlan loo jabinayo argagixisadii ay aaminsanaayeen ee mudada xooga ku heystay inta badan magaalooyinka waaweyn ee Hiiraan kuwaasi oo ku dhuumaaleysanayo guro ku yaala isla magsalada iyo tuulooyinka ku xeeran magaalada Belet Weyne.

Isku soo duuboo waxaa wali magaalada gudaheeda ku sugan dhalinyaro aaminsan aragagixisada oo loogu talo galay iney qaraxyo ka fuliyaan magaalada gudaheeda waqtigii ay jaanis u helaan goobaha ay dadku iskugu yimaadaan sidii horey u dhacday Jun,18/2009kii.

La soco wararkeena danbe

Isha warka Hiiraan State
webmaster@hiranstate.com
admin@hiranstate.net

Comments

#1 | cheap air jordans on May 17 2012 15:09:00

Post Comment

Please Login to Post a Comment.

Ratings

Rating is available to Members only.

Please login or register to vote.

No Ratings have been Posted.
Render time: 0.15 seconds
14,600,464 unique visits