Hidaha iyo dhaqanka

; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ;

Users Online

· Guests Online: 4

· Members Online: 0

· Total Members: 189,964
· Newest Member: evokafr

Welcome

HS:- Ciidamo ka tirsan shabaab oo lagu dilay magalada Belet Weyne , halka lagu raad joogo kuwa kale.

Wararka MaantaHS:- Ciidamo ka tirsan shabaab oo lagu dilay magalada Belet Weyne , halka lagu raad joogo kuwa kale oo ku dhuumaaleysanaya gudaha magaalada.

Tan iyo markii laga saaray magaalada Belet Weyne kooxdii argagixisada aheyd ee Shabaab waxaa gudaha magaalada ku dhuumaaleysanaya ciidamo lagu qiyaasay labaatameeyo iyo dhawr sargaal kuwaasi oo 3 ka mid ah maanta la qabtay laguna dilay meel fagaro ah.

Ciidamadan ka tirsanaa Shabaab ayaa waxaa tan iyo shaleyto loola socday dhaq dhaqaaqooda siweyn iyagoona intii aan la dilin laga helay macluumad iyo xogag ay is lahaayeen hadaad shegtaan waa leydiin deynayaa, walow warbixinada ay sheegeen intooda badan lala socday oo aysan dhegaha ciidamada amaanka magaalada Belet Weyne ku cusbeyn.

Guud ahaan magaalada Belet Weyne waa magaalo nabad ah iyadoo ay shacabku siweyn ula shaqeynayaan ciidamada si loo xaqiijiyo nabadgalyada guud ee magaalada maadama ay ku nool yahiin shacab badan.

Nabadgalyada ka jirta magaalada Belet Weyne ilaah ka sokoow waxaa sabab u ah shacabka oo isku abaabulay qaab xaafad xaafad ah taasi oo u sahleysa maamulkasta oo ka hirgala Hiiraan inuu si sahlan u hanto kalsoonida shacabka.

Isha warka Hiiraan State
webmaster@hiranstate.com
admin@hiranstate.net

Comments

No Comments have been Posted.

Post Comment

Please Login to Post a Comment.

Ratings

Rating is available to Members only.

Please login or register to vote.

No Ratings have been Posted.
Render time: 0.19 seconds
14,614,379 unique visits