Hidaha iyo dhaqanka

; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ;

Users Online

· Guests Online: 5

· Members Online: 1
bernardts3

· Total Members: 189,964
· Newest Member: evokafr

Welcome

Degmada Maxaas oo laga hirgalinayo Isbitaal casri ah.

Wararka MaantaHS:- Kadib markii dhawaantaan la soo gabo gabeeyey mashruucii xarunta Aoonta Ugaas Khalif ee Belet Weyne kadib ayaa waxaa qorshahan soo bandhigay qaar ka mid ah jaaliyadaHiiraan ee qurbaha kadibna waxaa leyslagartay in mashruuca xiga noqdo Mahas General Hospital oo ah isbitaalweyn aadna u dabooli kara baahida loo qabo isbitaal in loo helo degmada Maxaas iyo nawaaxigeeda.

Inta badan mashaariicdii ugu badneyd ee Hiiraan laga fuliyo dhawaanahan intooda badan waxaa laga hirgaliyey magaalda Belet Weyne oo ah caasimada Hiiraan halka uu mashruucaan noqonayo kii ugu horeeyey ee noociisa ah ee laga hirgaliyo meel ka baxsan magaalada Belet Weyne, ha yeeshee waxaa lagu wadaa in Isbitaalkaan oo uu qorshuhu yahay in la bilaabo isla sanadkani aynu ku jirno ay dhismahiisa hadii ale idmo lagu wadaa inuu dhamaado sanadka 2013 ugu danbeyn.



Mahas General Hospital ayaa lagu qiyaasay iney ku baxeyso dhaqaalo kor u dhaafayo half a million dolar. dad badan waxaa laga yaabaa iney la badan yahiinlacagtaas laakiiinse marka la eego hooyada markey foolaneyso u dhimatadhiig baxa iyo caruurta oo si sahlan nafaqo daro ugu dhinta meeshuna tahay dhul aad uga fog Isbitaalka Belet weyne aad ayuu ugu qalmaa in lagu bixiyo dhaqaalahaan oo hada gacanta lagu hayo 20% halka inta kale lagu wado iney ka qeyb qaataan walaalaha qeyrka jecel ee Somaliyeed iyo jaaliyada reer Hiiraan madaama isbitaalkani uu wax weyn u tarayo shacabkaku dhaqan Mahaas iyo nawaaxigeed ilaa kuwa degan xadka ay wadaagaan Degmada Mahaas iyo Galgaduud iyo dadka ku safra wadada dheer ee isku xirta Mahaas iyo Ceelbuur.



Hadaba sidii caadada aheyd waxaanu bulshada si joogto ah ugu soo gudbin doonaa hadba heerka uu marayo dhismaha Isbitaalka iyo xiliga rasmiyan la bilaabayo iyadoo hada la diyaariyey dhulkii Isbitaalka laga hirgalin lahaa.



Sanadka 2012 ayey Somali badansaadaaliyeen inuu noqon doono sanadkii nabada iyo horumarka bulshada Somaliyeed waxaana lagu wadaa iney noqon doonto sanadkii ay bulshadu si guud isku cafin laheyd kuna tartami laheyd dhinacahorumarka dalka.



Isha warka Hiiraan State
webmaster@hiranstate.com
admin@hiranstate,net

Comments

No Comments have been Posted.

Post Comment

Please Login to Post a Comment.

Ratings

Rating is available to Members only.

Please login or register to vote.

No Ratings have been Posted.
Render time: 0.24 seconds
14,612,186 unique visits