Hidaha iyo dhaqanka

; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ;

Users Online

· Guests Online: 6

· Members Online: 0

· Total Members: 189,964
· Newest Member: evokafr

Welcome

HS:- Ciidamada Shabaab kaka sugan magaalada Bulo Burde oo ay soo wajahday cabsi xoogan kadib markii si lama filaan ah loo helay.

Wararka MaantaHS:- Ciidamada Shabaabka kaka sugan magaalada Bulo Burde oo ay soo wajahday cabsi xoogan kadib markii si lama filaan ah loo helay sirtooda.


Magaalada Bulo Burde oo ah magaalo kala barta dalka Soomaaliya amaba si kale hadaan u dhigno Raascayer iyo Raaskaambooni oo tan iyo markii magaalada Belet Weyn looga awood roonaadey kooxda Shabaab ay ku soo qul qulayeen ciidamo badan oo Shabaab iyo Alqacida ka tirsan una badnaayeen ajaaniib ka kala yimid dhawr dowladood oo Carabta ah ayna hor kacayeen saraakiil ka tirsan kooxda Shabaab ayaa waxaa si lama filan ah loo helay awoodooda ciidan iyo waliba sidey u kala degan yahiin arintan oo ay fududeeyeen rag isla Shabaabka ka tirsan oo ka soo horjeeda in lagu dagaalo gudaha magaalada.

Marka xaalada dhinac kasta laga eego waxaa Shabaabka ku sugan magaalada Bulo Burde iyo qeybo ka tirsan Hiiraan soo food saartay jahwareer siyaasadeed kii ugu xumaa taasi oo sida la sheegay ka timid fikir kala duwanaan iyo guul daro is xig xiga oo kooxda soo wajahaday bilooyinkii ugu danbeeyey kadib markii ay ku xad gudbeen jiritaanka iyo dadnimada umada Soomaaliyeed iyagoo waliba heer xun la garaay bulshada Soomaaliyeed ilaa ay gaaleeyaan dad muslim ah oo dukanaya, Soomaya,dalkoodii jooga, calankoodii gubayaan,daarahoodii bur burinayaan, gebdhahoodii xoogayaan, waxgaradkii ka dhigeen wax ay dileen iyo wax ay u hanjabeen dalkana iskaka carara ayaa hada ku jira waqtigii ugu adkaa iyadoo hada gudaha Hiiraan shacabkii iyo waliba qaar iyaga ka mid ah iska kaashanayaan in ay bixiyaan sirtooda iyo qaabka ay u dagaal galayaan.

Dhibaatada Shabaab ka heysata magaalada Bulo Burde ayaa aheyd iyagoo isku dayi rabay iney dagaal galaan iyagoo aan u sheegin qaabka loo dagaalgalayo ciidamada iyo saraakiisha degaan ahaan ka soo jeeda Hiiraan arintiina wey socon weysay taasi oo aaqirkii waxey ku qasabtay iney sheegaan sidaasina ay sirtooda ku baxdo.Sidoo kale waxaa lagu soo waramayaa inuu fashil ku dhamaaday shir la qorsheynayey in ay xarakadu maanta ku yeeshaan gudaha magaalada Bulo Burde kaasi oo daba socday fashil ku yimid shir ay habeenkii xaleyto ahaa ku qabsadeen meel waxooga dibada ka ah magaalada saraakiil ka tirsan xarakada oo iyagu isku abaabulay qaab iskugu jirta saxiibtinimo iyo mid qabiil iyadoo ay arintu hada mareyso in la kala rarto ciidamada oo ay qaarkood xafiisyada magaalada ay ku leeyahiin kala baxaan waxiiba ay helikaraan oo muhiim u ah.

Xaqiiqadii marka sidey wax u socdaan aad si fiican ugu guur gasho magaalada Bulo Burde waxey u muuqata in ay mar hore kala tageen shacabka iyo kooxda Shabaab waxeyna kala garan la yahiin midkii ay ku hormari lahaayeen iney dagaal la galaan ciidamo xoogan kana soo ruqaansaday dhinacaas iyo magaalada Belet Weyne iyo Shacabka magaalada iney ku qanciyaan amaba soo nooleeyaan xiriirkii markii horeba cabsida ahaa oo ka dhaxeeyey iyaga iyo shacabka ee meesha ka baxay sidii loo soo celin lahaa.

Dad badan oo aan xog ogaal u aheyn xaalada iyo dagaalada ka socda Hiiraan ayaa laga yaabaa iney waqti ku lumiyaan in Shabaab dib ugu soo laaban doonto magaalada Belet Weyne, laakinse xaalku sidaa maahan cagabadaha ugu weyn ee Shabaab Hiiraan ka heysta maahan ciidan iyo hub la,aan amaba maahan iney yahiin koox ka baqeysa dagaalka ku soo wajahan ee waa in ay lumiyeen kalsoonidii shacabka waayo awooda ay dalka ku joogeen waa shacabka intiisa badan oo la shaqeyn jiray oo xitaa hadii dagaalada looga itaal roonaado waxey ka daba geyn jireen waxii ay markaasi u baahan yahiin ka hor intii aysan la imaan arxan darada ay ku sameeyeen bulshada Soomaaliyeed.

Guntii iyo gabo gabadii dalka Soomaaliya kooxaha ku loolamaya amaba kuwa Hiiraan isku heysta dhinaca siyaasada waxaa guuleysan doono hadba cidii shacabka ay ka arkaan naxariis, wadatashi, ixtiraam iyo nidaam ku dhisan rabitaankooda.

La soco wararkeena danbe iyo magaalada Bulo Burde oo ay jahwareer siyaasadeed kii ugu xumaa ka heysato xarakada Shabaab iyo ajaaniibta oo ku jahwareersan Somalida Shabaabka ah oo midkasta qorshe ku dhisan dano qabiil wato, walow qaarkood qorsheynayaan iney u sii ruqaansadaan dhinacaas iyo degmada Jalalaqsi si ay gabaad uga helaan shacabka ku dhaqan halkaas.

Isha warka Hiiraan State
webmaster@hiranstate.com
admin@hiranstate.net

Comments

No Comments have been Posted.

Post Comment

Please Login to Post a Comment.

Ratings

Rating is available to Members only.

Please login or register to vote.

No Ratings have been Posted.
Render time: 0.19 seconds
14,633,593 unique visits