Hidaha iyo dhaqanka

; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ;

Users Online

· Guests Online: 5

· Members Online: 0

· Total Members: 189,964
· Newest Member: evokafr

Welcome

HS:- Rajada laga qabo in uu gudoomiye baarlamaan sii ahado Shariif Hasan oo meesha ka baxday iyobaarlamanka oo dooranaya gudoomiye cusub.

Wararka MaantaHS:- Rajada laga qabo in uu gudoomiye baarlamaan sii ahaado Shariif Hasan oo meesha ka baxday iyo baarlamanka oo dooranaya gudoomiye cusub.


Magaalada Mogdisho waxaa ka socda kulan uu buuxay kooramka baarlamaanka kaasi oo hada xilka looga qaaday gudoomiye ku xigeenkii 1aad ee baarlamaanka , inkasta oo u dhacay gacan ka hadal hadane wey adag tahay in wax laga qabto xaalada baarlamaanka maadama aan laga hor istaagi karin kulamada oo uu koramkii loogu talo galay iney shir yeelan karaan uu buuxo.

Arintani ayaa waxey dhabar jab ku tahay xildhibaano fara ku tiris ah oo uu Shariif Hasan ka dhadhiciyey hadii ay difaacaan iney ka mid noqon doonaan 225ta mudane ee noqon doonta xildhibaanada cusub. sikastaba waxey u badan tahay in gudoomiyaha cusub ee sharcigaa loo doorto xildhibaan Madoobe Nuunoow Mahamed oo ah shaqsi u muuqda inuu heysto mudanayaasha ugu badan ee ka soo jeeda beelaha Digil iyo Mirifle halka uu horey xilal kala duwan uga soo qabtay dowladahii soo maray dalka.

Wasaarada arimaha gudaha oo horey u codsatay in dib loo dhigo shirarka baarlamanka ayaa hada fikirkeedii bedeshey kadib markii qaab qabiil loola hadlay wasiirka iyo gudoomiyaha gobolka Banaadir. Si kastaba xil ka qaadista Shariif Hasan waa guul u soo hoyatay bulshada Soomaaliyeed maadama la qirsan yahay inuu sabab u ahaa inta badan qilaafka dowladahii ugu danbeyey hareeyey ayuu yiri nin dhalinyaro ah oo maagciisa kushegay Cabdullaahi kan aag dhaw goobta ay ku shirayaan mudanayaashu.

Dhinaca kale dadaalo ay wado beesha caalamka ayaa u muuqda mid xowli ku socda si ay dalka Somaliya uga dhacdo doorasho xalaal ah loona helo baarlamaan cusub ka hor bisha July oo lagu wado inuu wadanka yeesho madaxweyne Soomaaliyeed oo aan kumeel gaar aheyn iyo xukumad rasmi ah inkasta oo ay musahraxiintu badankood diyaar yahiin oo ay wadaan ololahooda. warar aan la hubin ayaa sheegaya in Shariif Hasan beesha caalamka u soo jeediyey in doorashada laga soo hormariyo waqtiga la qorsheynayo dhamaana la kala diro xukumada, madaxweynaha iyo sida uu sheegay isaga maadaama la jabiyey heshiiskii kampala sida uu sheegay. arintaan ayaa lagu micneeyey ineysan dunidu dooneyn in xukumad dhan hal ruux loo bur buriyo taasi oo rajo beel ku abuurtay Shariif Sakiin oo ay hada u muuqato ineysan af laheyn sakiintii uu horey ugu qalay Cumar Cabdirashiid, Farmaajo, Aden Madoobe, Ali Geedi isagoo waliba siyaasi kasta ku bahdilay beesha caalamka horteeda oo ka dhigay dad aan wadankooda u doodi karin ooaan yac iska dhihi karin hadba wakiilkii ay Soamliya u soo dirto Qaramada Midoobay.

La soco wararkeena danbe

Isha warka Hiiraan State
webmaster@hiranstate.com
admin@hiranstate.net

Comments

#1 | safasf on August 08 2012 02:39:17
It was redesigned in Cataclysm, & with Holy Paladin Glyphs in diablo 3 gold 4.3 PoV, it lets us cut down our incoming destroy every 40 seconds. Buy diablo Gold Instant Delivery, Stopping destroy is always more effective than healing it afterwards d3 gold, & I find that it is simple to push DP any time a major boss assault is incoming.

http://social.denigro.com/pg/blog/read/28575/create-fake-achievement-links
http://telefonistas.info/elgg/pg/pages/view/5365/

Post Comment

Please Login to Post a Comment.

Ratings

Rating is available to Members only.

Please login or register to vote.

No Ratings have been Posted.
Render time: 0.24 seconds
14,600,031 unique visits