Hidaha iyo dhaqanka

; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ;

Users Online

· Guests Online: 8

· Members Online: 0

· Total Members: 189,964
· Newest Member: evokafr

Welcome

HS:- Doorashadii gudoomiyaha baarlamaanka oo socota iyoMadoobe Nuunoow oo lagu wado inuu noqon doono gudoomiyaha cusub.

Wararka MaantaHS:- Waxaa si habsami leh uga socda xarunta golaha shacabka doorashada gudoomiyaha baarlamaanka Somaliya iyadoo la tiranayo codadkii wareega 1aad.


Musharaxiinta jagadaan u taagan ayaa waxaa ugu cad cad xildhibaan Madoobe Nuunoow Mohamed oo isagu taageero badan ku dhax leh mudanayaasha dhexdooda. beesha caaalamka ayaa siweyn ula socda dhaqdhaqaaqa baarlamaanka. sidoo kale madaxweynaha iyo R/wasaaraha ayaan arintaan wax ka qaban karin maadama kooramka mudanayaasha mid mid ay u tiriyeen ciidamada Amisom oo ay qabsan karaan kulamadooda caadi ah.

Mudanayaasha ayaa goor hore oo maanta ah xilkii ka qaaday gudoomiye ku xigeenka baarlamaanka kadib markii ay ku dhaliileen howl gudasho la,aan. doorashada oo si habsami leh u socota ayaa lagu wadaa in maanta la soo afjaro mudo 8 sano ah oo uu baarlamaanka Soomaaliya fowdo ka waday gudoomiyahii hore ee baarlamaanka Shariif Hasan oo aan waligii inuu wax ceyriyo maahane aan isaga la ceyrin.

Marka laga soo tago xil ka qaadista lagu sameeyey Shariif Hasan hadane waxaa lagu soo waramayaa in uu mugdi ku jiro mustaqbalkiisa siyaasadeed ayna dhici karto in lagu soo oogo danbiyo badan oo uu wadanka ka galay sida hanti lunsasho, qalalaaso badan oo uu sabab u ahaa oo waqti badan siiyey iney dalka ku xoogeystaan kooxdaha xag jirka ah. mustaqbalka bulshada Somaliyeed oo uu gaarsiiyey heer aan horey loo arag sida inuu dhaaraar cad ciduu doono xilka ka qaado ciduu doonane u dhiibto.

Hadii maanta la doorto gudoomiyahaan cusub waxey ka dhigan tahay in uusan xitaa kaalin muuqata ku yeelan karin Shariif Hasan isbedelka soo socda madama uu yahay musharax u taagan doorashada soo socota.

Si kastaba sanadkan ayaa lagu wadaa inuu noqon doono sanadkii isbedelka.

isha warka Hiiraan State
webmaster@hiranstate.com
admin@hiransatte.net

Comments

No Comments have been Posted.

Post Comment

Please Login to Post a Comment.

Ratings

Rating is available to Members only.

Please login or register to vote.

No Ratings have been Posted.
Render time: 0.16 seconds
14,599,917 unique visits