Hidaha iyo dhaqanka

; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ;

Users Online

· Guests Online: 4

· Members Online: 0

· Total Members: 189,964
· Newest Member: evokafr

Welcome

HS:- Dib u dhac ku yimid safarkii ay Hiiraan ku tagi lahaayeen wafti ka socda TFGda kadib

Wararka MaantaHS:- Dib u dhac ku yimid safarkii ay Hiiraan ku tagi lahaayeen wafti uu hogaaminayey wasiirka qorsheynta iyo xiriirka caalamiga kadib kulan balaaran oo ay maanta galinkii danbe ku yeesheen magaalada Mogdisho waxgaradka, aqoonyahanada, siyaasiyiinta ka soo jeeda Hiiraan.


Ujeedada shirka oo aheyd sidii reer Hiiraanka ku sugan Mogdisho loola socdsiin lahaa in wafti ka socda TFGda aadayo Hiiraan intii diyaar u ah iney safarkaas ka mid noqotana ay wasiirka horey u sii raacaan ayaa ugu danbeyn leysla gartay in maalmo dib loo dhigo.

Ka hor intii aan dib loo dhigin safarka wasiirka ayaa la weydiiyey mowqifka ay siyaasada Hiiraan ka TFG ahaan ka qateen. wasiirka qorsheynta iyo xiriirka caalamiga oo horey siweyn ugu ceeboobay arintii ay u ololeynayeen isaga iyo qaar ka mid ah masuuliyiinta shirkada Xawaalada Amaana ee aheyd in Hiiraan lagu daro qeyb ka mid ah Sh/dhexe ayaa isagoo dagaal la galay maamul goboleedkii uu gacantiisa ku soo dhisay ee HS Dr Cabdullaahi Godax Bare ayaa hadalka qaatay waxuuna fikirkiisa isagoo waliba reer magaaleynayo ka dhawaajiyey in dowlada ay maamul u sameyneyso Hiiraan waliba aan aheyn maamul goboleed ee ah gudoomiye gobol isagoo waliba doonayo in la magacaabo nin uu isagu wato oo qurbaha ka tagay oo ay horey isla soo dhiseen Hiiraan State.

Intaas kadib ayaa waxaa loo soo jeestay Xildhibaanadii madama waxa Soomaaliya ka socda maanta yahiin wax taariikhda gali doona lixda bilood ee TFGda u harsan bal in iyagana mowqifkooda la dhageysto maadama ay TFGda ku jiraan ayna yahiin mudanayaal baarlamaan ka soo jeeda Hiiraan.

Xildhibaanada ayaa siweyn uga soo horjeestay in Hiiraan oo ka danbeeya 8dii gobol ee Somaliya aan marnaba dib loogu celineyn gudoomiye gobol hadana ay jiraan maamul goboleedyo u baahan oo kaliya in la mideeyo iyagoo talo ku soo jeediyey in shirweyne loo qabto reer Hiiraan waliba iyagu ha qabsadeen oo haka tashadeen aayahooda iyagoo wasiirka iyo tiro yar oo gadaashiisa fadhisay kula taliyey in ay Hiiraan tahay dhulkii ay ka soo jeedeen waqti kastana tagi karaan xitaa berito laakinse ay ku tagan qorshe reer Hiiraan mideyn kara, fikirkaan ay qabeen inta badan mudanayaasha reer Hiiraan ee ku sugan Mogdisho ayaa u muuqday mid ay la qabaan xildhibaanada Hiiraan ku sugan oo iyagu marnaba ogoleyn in Hiiraan loo soo magacaabo gudoomiye danbe oo gobol, halka ay iyaguna qabaan in shirweyne la qabto reer Hiiraana si gooyni gooyni ah beel beel iskugu soo habeeyaan kadibna maamulkii ka soo baxa shirkaas lagu garab galo intii loo doorto masuuliyadaas mudo cayimana loo qabto ay doorasho ku soo diyaariyaan.

Intaa kadib waxaa hadalka qaatay qaar ka mid ah aqoonyahanada reer Hiiraan iyagoo goobta ka weydiiyey wasiirka waxa kenaya in reer Hiiraan aan loo madax banaaneyn mustaqbalkooda degaanada ay ka soo jeedaan qaar ka mid ah masuuliyiinta TFGdana ay iyagu iskugu tashanayaan?

Ugu danbeyn waxgaradkii iyo masuuliyiintii ayaa isla gartay in aan bulshada Hiiraan lagu qasbi karin wax aysan iyagu rabin safarkana dib loo dhigo iyadoo ay inta badan xildhibaanada iyo wargaradka iyo aqoonyahanada isku aragti ka noqdeen arinta, halka ay u muuqato in wasiirka iyo kooxda yar ee uu horboodayo ay mar labaad ku socdaan fashil maadaama ay doonayaan la tashi la,aan iney wax la soo dhoohdoobay oo aan laga wada tashan bulshada la hor tagaan.

Isku soo duuboo xaalada Hiiraan waxey ku danbeyn doontaa aaqirka sida ay bulshada Hiiraan rabaan oo ah iney iyagu mustaqbalkooda ka tashadaan aysana dhib u arkin hadii gudoomiye gobol loo magacaabo Sh/dhexe iyo Sh/hoose maadama ay iyagu yahiin gobolo laga gooyey gobolka Banaadir, Hiiraanse ka danbeeyo 8dii gobol ee ugu horeysay Soomaaliya uuna yahay degaan 2 ilaa 3 gobol ka kooban.

Arintaan ay ka hadlayaan waxgaradka iyo aqoonyahanada ayna aaminsan yahiin qurba joogta reer Hiiraan iyo iney isku tashadan bulshada Hiiraan waxii la doonaan aan loo yeerin ma garan waayin wasiirka iyo inta xeyndaabkiisa joogta laakisne waxaa isaga u muuqata siyaasada dhalanteedka ah ee ay TFGda ku jirto iyo taangiga Ethiopianka oo maalmo Hiiraan lagu keeno isaga iyo waftigiisa iskuna sawiraan amaba aduunka tusiyaan iney booqdeen Hiiraan Mogdishona dib ugu laabtaan iyadoo aysan jirin wax ay qabteen.

Inta badan xildhibaanadii reer Hiiraan ee shirka ka qeyb galay ayaa go'aan aanan dooneyn in aanu hada ka hor dhacno qaatay R/wasaraha iyo madaxweynahana wey ku wargeliyeen in aan lagu deg degin wax aysan reer Hiiraan rabin iyagoo kaliya sugaya inta ay TFGda ku deg degeyso arimaha ay hada faraha kula jirto, maadama halkii ay gar gaar la gaari lahayeen shacabka markii la qabtay Belet Weyne ay ku mashquulayaan maamul u sameyn iyagoo horey u diiday dhamaanba maamuladii ay curiyeen muwaadiniin reer Hiiraan ah oo kaliya u baahan in la toos toosiyo loona qabto shir lagu mideynayo iyagaas halkii mid hor leh...........

Guntii iyo gabo gabadii dhiigkasta oo ku daatabada waxaan Hiiraan ka shaqeyn doonin maamul maqaar saar ah ay TFGda ku deg degto iney ka hirgaliso Hiiraan. dhawaana waxaa lagu wadaa in la qaban qaabiyo shirweyne ay mustaqbalkooda kaka tashanayaan bulshada Hiiraan oo aysan cidi ka maqneyn.

Isha warka Hiiraan State
webmaster@hiranstate.com
admin@hiranstate.net


Comments

No Comments have been Posted.

Post Comment

Please Login to Post a Comment.

Ratings

Rating is available to Members only.

Please login or register to vote.

No Ratings have been Posted.
Render time: 0.18 seconds
14,613,276 unique visits