Hidaha iyo dhaqanka

; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ;

Users Online

· Guests Online: 5

· Members Online: 0

· Total Members: 189,964
· Newest Member: evokafr

Welcome

Shir dhinaca isgaarsiinta ah oo ay iskugu yimaadeen qurba joogta reer Hiiraan

Wararka MaantaSabti 8, Janaayo 2011(HSOL) Shir dhinaca isgaarsiinta ah oo ay iskugu yimaadeen qaar ka mid ah qurbo joogta reer Hiiraan ayaa looga hadlay qaabka ugu haboon ee loogu laaban karo Hiiraan loona shaqeyn karo xukumada cusub ee uu soo dhisay madaxweynaha Hiiraan State.

Shirka oo ahaa mid si weyn loo soo agaasimay ayaa waxaa leysku soo qaaday sida ugu haboon ee ay qurbo joogta reer Hiiraan uga qeyb qaadan lahaayeen dib u dhiska dalka iyo Hiiraan State. waxaa kale oo qodobadii laga hadlay ka mid ahaa sida ugu haboon ee loola jaan qaadi karo siyaasadaha qalafsan ee dalka ka jira iyo waliba sida loo garab istaagi lahaa aqoonyahanada reer Hiiraan midkood oo laga yaabo inuu dhawaantan hogaanka ugu sareeya dalka oo mar dhaw lagu wado in doorasho laga qabto dalka gudahiisa amaba wadamada deriska la ah si ay Somaliya ugu baxdo kumeel gaarkan ayna u hesho dowlad rasmi ah.

Is wareysi iyo dood dheer ka dib ayaa leysla gartay intaani oo qodob.

1- In qurba joogta reer Hiiraan oo ay ugu horeeyaan aqoonyahanada iyo ganacsatada rag iyo dumarba ay dib ugu laabtaan Hiiraan State maadaama dadkii gudaha joogay ay intooda badan noqdeen 20 kii sano ee ugu danbeysay dad intooda badan isku maskax ah oo is bedbedel badan taas oo dalka iyo dadka dhaxalsiisay colaadaahan labaatan jirsaday oo dalka ka jira.

2- In si aan gabasho laheyn loo garab is taago aqoonyahan reer Hiiraan ah oo lagu wado inuu isku soo taago doorashada madaxweynanimo ee soo socota si dalka Somaliya u noqdo dal ay madaxweyne ka noqon karaan dhamaanba muwaadiniinta Somaliyeed halka ay 60-kii sano ee ina dhaaftay hogaanka dalka ugu sareeya isku bedbedeli jireen dhawr qabiil oo Somali ah taasi bedelkeeduna loo baahan yahay in si loo helo isbedel guud xiligaani noqdo xiligii talada dalka ugu sareysa u istaagi lahaayeen reer Hiiraan marka uu banaanka isa soo dhigo aqoonyahankaasi reer Hiiraanka ah ee aanu magaciisa dhawaantan idiin soo bandhigi doono.

Shirka xaleyto ayaa waxuu muhiimad gaar ah u lahaa iney ku wada jireen aqoonyahano aan mudo hore is arag oo reer Hiiraan ah kuwaasi oo ay wadanka mar hore ugu danbeysay. ugu danbeyn waxaa leysla gartay in lala shaqeeya golaha cusub ee wasiirada ee uu soo dhisay madaxweynaha Hiiraan State sida ugu dhaqsiyaha badana inta loo magacaabay xilka ay shir deg deg ah iskugu yimaadaan kedibna go'aan rasmi ah oo ay howlahooda shaqo ku bilaabayaan la yimaadaan si ay shacabka u kasbadan.

Arinta kale oo iyaduna xiisaha badan ayaa aheyd in leysku guubaabiyey sidii ay reer Hiiraan hormuud ugu noqon lahayeen dib u dejinta dalka taas oo lagu gaari karo in muwaadin reer Hiiraan ah uu noqdo madaxweynaha Somaliya ee soo socda.

Waxaana lagu balamay shir mid kaani ka weyn in leyskugu yimaado 23-kabishaan kedib laguna soo casuumo aqoonyahanka reer Hiiraan ee isku soo sharaxi doona hogaanka dalka ugu sareeya marka waqtigeedu dhamaado xukumada hada jirta oo ay u harsan tahay waqti aan sidaasi u badneyn.

Ugu danbeyn waxaa shirki lagu soo gabo gabeeyey in si deg deg ah wax looga qabto baahida hada muuqata oo ay ugu horeyso abaaraha.

Isha warka- Hiran State
webmaster@hiranstate.com
admin@hiranstate.net

Comments

#1 | Muna on January 08 2011 18:06:14
Waan idin salaalamay walaalayaa waadna ku mahadsantihiin wanaga aad wadaan iyo horumarka eey ku socoto hiiraan State taas Illah ayaa mahadaas leh.
Marka walaalayaa waxaa meesha taal war iyo midba mid kale in uu sii Jukeeyo hadalda uu soo qoro marka waxaas yaan jalaq u siinin sida aad u soo wergeliseenah waad ku mahadsantihiin meeshanah ka wada shaqadiina idinkoo ku mahadsan dowladii wala soo dhisay ha wataan shaqadoodii kii aan diyar u aheeynah ha u sheegi Madaxweeynah maahiin in uu soo dhax dhigo BEEXAW waa in uu ku celiya Madaxweeynaha soo doortay waa qalad in lagu soo sheega BEEXAW dhexdeeda tan kale waa run waa in la qaada talaabo deg deg ah oo Xawaadle meel kasta eey ku nooshahay Adunka eey wada shiraan sidii Madaxweeynahan Cusub aan u taakuleen laheeyn waqtinah uu naga dhumin oo Xawaadle meel kasta eey ku noolyihiin Adunka uu u sameeysto Gudi la shaqeeyo Madaxweeynaha Somaliyeed oo marka waxaan idinleeyahay Siyaasadii Xawaadle weey soo toostay ama weey soo baxday ee warka ha leeyska daayo waad aragtaan Abaaraha dadkii laayay oo eey ku baba een marka waa in la qaada talaabo deg deg ah idinkoo ku mahadsan Tolkeeyoow wabillahi toowfiiq
#2 | kuukaay yare on January 09 2011 11:53:51
run ahanti manta wa wax lagu farxo in an aragno dad u istagay hormarka gobolkena arkayna rafadka ay ku hayan ragan diin isu shega wa ku mahadsantahiin sida ad ugu istagteen gobolkiina waxa ana rajayna anagana in an la garab istagno waxi hiil ii hoba ah dadkan waqtigodii i nafsadooda u huray hormarka gobolka waxa ana idin rajayna guul gushana wa wax an waligayn can ku ahayn rerhiiraan marka hambalyo ban idin leyahay horana u wada hormakiina

Post Comment

Please Login to Post a Comment.

Ratings

Rating is available to Members only.

Please login or register to vote.

No Ratings have been Posted.
Render time: 1.15 seconds
14,667,299 unique visits